Qureecda ayaa ah “Cuntada ugu muhiimsan ee uu maalinti qofku cuno”. Daraasadda ay Kulliyadda wadnaha ee dalkasi

“Xaqiiqdi inta aan ka warqabno, daraasaddan waa tii ugu horreysay oo la soo saaro oo ka warrameysa xiriirka ka dhaxeeyo qureec la’aanta iyo wadna xanuunka”.

Mareykanka shaaca ka qadday 22-ka bisha April ayaa sheegtay qofka oo qureecda subixi ka boodo ama aan qureecan ay soo wajihi karto khatar la xidhiidha inuu u dhinto wadna xanuun. Daraasadda oo ay si wada jir ah u soo saareen dhakaahtiir iyo cilmi badhayaal ka kala socda Jaamacado kala duwan oo ku yaalla dalka Mareykanka.

Daraasaddana waxaa laga qayb geliyey 6,550 qof oo ay da’dooda u dhaxeyso 40-75 jir, oo horay uga soo qayb qaatay daraasadda caafimaadka iyo nafaqada qaranka ee la sameeyey 1988-1994.

Dadka daraasadda ka qayb qaatayna waxay bixiyeen xogtooda la xidhiidha qureecda iyo xilliyada ay cunaan.

5% oo ka mid ah dadka daraasaddaasi ka qayb qaatay waxay sheegeen iney weligood ay qureec cunin, 11% waxay sheegeen iney marmar ay qureecdaan halka 25% ay shegeen iney si joogta ah u cunin.

Waxayna khubarada daraasaadka sameeyneysay sheegeen 2,318 qof oo ilaa iyo 2011-kii geeriyootay iney baaritaan ku sameeyeen sababaha ay u geeriyoodeen iyo inay xiriir la leedahay qureec la’aanta iyo inkale.

Sida oo kalana waxay sheegeen waxyaabaha qofka u sababa iunuu u geeriyoodo sida sigaar cabidda iyo buurnida (hilibka). Waxayna khubaradu sheegeen iney ogaadeen 19% oo ka mid ah dadkaasi iney u dhinteen sababa kale halka 87% ay u dhinteen cudurka wadna xanuunka.

Digniinta khubarada daraasadda sameysay

Khubarada Caafimaadka ee daraasaddaasi qaybta ka ahaa waxay soo jeediyeen qureec la’aanta iney qofka dhaxalsiiso dhibaatooyin caafimaad, balse ay weli wadaan daraasadda tan ay hadda soo gabagabeeyen ka qoto dheer oo ay ku ogaanayaan dhibaatooyinkaasi caafimaad iyo waxa ay yihiin. Xaruunta adeegga Cafimaadka UK oo daraasaddan ka tala bixisay ayaa sheegtay daraasadda Mareykanka ka soo baxday “iney caddeyn buuxda ka bixinin iney qureec la’aanta qofka xiriir toos ah ay la leedahay wadna xanuunka iyo inkale.”

Daraasad ay horay u sameeysay NHS oo boggeeda lagu soo daabacay waxay sheegtay dadka aan inta badan qureecan iney u badan yihiin “dadka sigaarka cabba, kuwa khamrig caba, dadka subixi hurdada ku daaha, dadka ay cunta qaadashada ku yar tahay iyo dadka ay noolashooda hooseeysa ee saboolka ah” dadkaasi iney aad ugu nugul yihiin cudurrada halista ee wadnaha ku dhaca.

“Daraasaddu waxba kama sheegin waxyaabaha kale ee uu qofku caadeysto. Sida oo kalana meysan sheegin dadyoowga kala duwan waxa ay qureec u yaqaanniin ama qureec ahaan u isticmaalaan.”

“Tusaale ahaan, dadka intooda badan qureecda maalin walba wey cunaan, balse waxay dadkaasi ku kala duwan yihiin sida ay qureec caafimad qabta u cunaa 8 subaxnimo.”

Si kastaba ha ahaatee, Dr.Wei Bao oo ah Barafasoor ku takhasusay cudurrada faafa oo ka tirsan jaamacadda Iowa oo natiijada daraasadda wargeyska ku soo daabacay ayaa si weyn u difaacay natiijada daraasadda. “Daraasaado badan ayaa muujinaya iney qureec la’aanta qofka u nugleyso iney ku dhacaan cudurrada Macaanka, Dhiig karka iyo Beer Subagga” ayuu yiri BAo.

“Natiijada daraasadda aan sameynay waxay ku talineysaa qureecda oo xilliga ku habboon la cuno ay kor u qaadeyso caafimaadka wadnaha”.

Dilaaga weyn

Bao iyo Saaxibbadii daraasadda ku wehliyey waxay daraasaddooda si cad ugu qeexeen inuu xiriir toos ah uu ka dhaxeeyo qureec la’aanta iyo cudurka wadna xanuunka “waxaan ogaannay habnoolaleedka qofka iyo dhismahiisa jireed iyo nuglaashaha cudurka wadna xanuunka inuu xiriir toos ah uu ka dhaxeeyo.

“Xaqiiqdi inta aan ka warqabno, daraasaddan waa tii ugu horreysay oo la soo saaro oo ka warrameysa xiriirka ka dhaxeeyo qureec la’aanta iyo wadna xanuunka”.

Sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, Cudurka wadna xanuunka gaar ahaanna cudurrada wadnaha ku dhaca ama dhiigga wadnaha ku furma, waa cudurrada ugu halista badan ee ay heer caalami dadka ugu badan u dhintaan.

Fikirkaada Waa Muhiim