Qormadan gaaban waxaan ku sharrixi doonaa oo la yiraahdo DHAQAN UMMADEED Anigoo raba inaan dhinacyo badan ka

baaro dhaqanka umad walba leedahay siiba dhaqankeena soomaalida.

Hadaba dhaqanka ummad kasta waa dhaxalka hiddeheeda:

Sida xadaaradeeda, fikirkeeda aqoonteeda iyo qaab-nololleedka ay kaga duwan yihiin ummadaha kale. Haddaan si kale u sheego ummad kasta dhaqankeedaa dhisa hab nololeedkeeda wax qabadkeeda, caqiiidadeeda wax soo saarkeeda, taariihkdeeda iyo aragtida habka ay u arkaan aqoon yahannadooda nolosha iyo ka dhaqaan ama ka qoraan iyo siday u habeeyaan caqliga iyo fahmiga bulshadooda nolosha ay ku noolyihiin.

Culumada qaarkood waxay ku soo koobbeen dhaqanka innuu yahay hab-nololeedka ka jira bulsho wadan degan. Macnaha ummad kasta dhaqankeedaa habaynaya ama dhisaya qiyamkeeda, anshaxa, caqliga, caqiidada kuna hagaya kala soocida wanaagga iyo xumaanta, isagaa kala baraya sharka iyo khayrka, xaqa iyo baadilka ama wax dhiska iyo duminta. culumada Qaarna waxay dhaheen:

Aasaaska dhaqanku waa fahmida, koon bilowgiisa, dhammaadkiisa, nolosha iyo abuurista dunida. Ugu danbayn ummad kastaa waxay gurataa miraha dhaqankeedu u abuuro.

Noocyada Dhaqamada Soomaaliyeed

Inkastoo soomaalidu ku midaysantahay hiddaha iyo dhaqanka iyo arrimo kale haddana waxaa jira dhaqamo lagu kala duwan yahay oo la xiriira goobaha bulshaduhu ku nool yihiin. Haddaan si cilmi ah u fiirino dhaqamada soomalida waxaan arkaynaa inay saddex u qaybsan yihiin, oo kala ah,

1. dhaqan reerguuraa,

2. dhaqan beeralay

3. iyo dhaqan reer magaal.

Mid kastaana wuxuu leeyahay dhaqamo u gaara oo uu kaga duwan yahay kuwa kale. Hadaan fiirino dhaqanka soomaalida ee hadda muuqda waa dhaqanka reer guuraaga, labadii kale hadda way maqan yihiin sababa jira awgood.

Waxay Ku Kala Duwan Yihiin Saddex Dhaqan: Tusaale ahaan waxaan xusuusanahay mid ka mida oday kawaramaya dhacdo uu goob jog u ahaa sannadkii 1958 isagoo arday ah oo joogay magaalada Riyaad ee Sucuudiga waxaan isku daynay ayuu yiri inaan samaysano Naadi, ardayda xiriirya, waxay u badnayd dad reer guuraa ka soo jeeda, qoladii reer guuraagu waxay u maleeyeen inay beeralayda ka aftahansan yihiin, ama afka kaga fiican yihiin ama soomaaliga lagaga fiican yahay.

Qoladii beeralayda waxaay yiraahdeen waxaan keenaynaa toban eray oo afsoomaali ah haddaad mid ka garataan waxaan idiin ictiraafayna inaad afka naga taqaanaan, waxayna soo ban dhigeen 10 erey oo ku saabsan qalabka dibida beerta loogu qodo, maxaa yeelay qalabka isku xirxiran ee dibidu jiidayso marka beerta laga shaqaynayo mid kasta magac buu leeyahy, qoladii ka soo jeeday reer guuraaga waxay ku doodeen waxani afsoomaali maaha? Waxaa la isula tegey nin labada dhaqanba aqoon fiican u leh isagii baa si fiican u kala saaray. Marka bulsho kasta waxay magacyo u leedahay xoolaha ay dhaqato habkay u dhaqato, qalabka beeraha marka shinnida dhulka lagu daadiyo ilaa laga goosto tobannaan magac bay leeyihhin, marka labada dhaqan aad bay u kala duwan yihiin.

Sidoo kale dhaqanka reer baladku wuu ka duwan yahay labada kale, marka hore dhaaqnka reer baladku wuxuu ku xiran yahay badda iyo waxa ku nool sida hilibka cad ee malayga iyo digaaga ilaa fiiri heeskan.

Reer Zaylac iyo reer suurba yimid ee doonyaha Bombey ma bir baa ku jaban.

Waxaan maqli jiray anigoo carruur ah waxaan ka fahmay in reer saylac xiriir la lalahaayeen dunuda ka fog. Waxaa kale oon raadiyaha bbc ka dhegeystay tartan geelay iyo kallunlay gabad u tartamaya barnamamij u jeedinaayey C/Ismaaciil Samatar wuxuu ku soo daray qisadan: Laba nin ayaa ku tartamay inay gabadh reer saylaca doonaana, mid geelay buu ahaa wuxuu ku faanay inuu gabadha geel ka bixin doono, marka odaygii gabadha dhalay wuxuu rabay geela laakiin gabadhiibaa la dooran siisay waxay tiri:

Aabo kurus geel kalluun baan ka doortay, halkaas ayuu mallaygii geelii ku burburiyey.

Marka waa in sidaas loola socdo noocyada dhaqamada soomaaliyeed, dadka aqoonta u leh dhaqamada maqan laga faa’iidaysto. Arrimo sixid u baahaban xagga juqraafiga. Waxyaalo in la saxo u baahan sida min Raskambooni ilaa Raas Casayr. Waxaa isweydiin mudan Min Ras casayr illa lawyo cadde Miyaanay dal soomaaliyeed ahayn, sida saxda dalka dunidu u taqaano Jamhuuriyadda Soomaalida qaanuun ahaan waa: min RasKabooni Ilaa lawyo cadde.

Soomaalidu ma ummad baa mase waa qaran?

Inkastoo soomaalidu ku midaysantahay hiddaha iyo dhaqanka iyo arrimo kale haddana waxaa jira dhaqamo lagu kala duwan yahay oo la xiriira goobaha bulshaduhu ku nool yihiin.

Waxaa haboon in la kala sooco qarnimada(dawladnimada) iyo ummadnimada waana sidatan:

A. Qaranimadu waa ficil aadami oo isagaa dhista, isagaana dumin kara ama bedeli kara.

B. Ummadnimadu waa abuurista Ilaahay oo dadku iskama dhigin ummad ee wuxuu is arkay iyagoo ummad ah oo ku midaysan arrimo badan marka xagga umadnimada waxa Ilaahay ku mideeyey Soomaalida arrimo badan sida: luqada, Islaamnimada, dhaqanka iyo kaabayaashiisa sida dugsiyada quraanka oo qolo kasta oo soomaali ah waa inay carruurteeda geeyso dugsi quraan, Hiddaha dhaqan dhaqaale.

Waxa ka mid ahaa dareenka iskaashiga iyo isu hiilinta, maxaa yeelay wey isu damqanayaan. Kollayba Soomaalidu waa kalama marmaan oo wey isku tiirsan tahay, hadday midi dhacado kuwii ku tiirsanaana way la dhacayaan, suuro gal maaha wax isku tiirsan inay qaar dhacaan qaarna taagnaadaan. Sida daraadeed waa inaan lagu kala tegin waxyaalaha illaaheen innagu mideeyey, taasoo ah in la caymiyo udub dhexaadka midnimada ummadda iyadoo lagu kala duwan yahay xagga dawladnimada ee mawaadiniinta (citizenship) laga yahay waana in la badbaadiyo midnimada ummada( nationality)

Waxaa jira in dunidu inno taqaano soomaali iyagoon danaynayn dawlada aan basaboorkeeda haysanno, marka hore adigu soomaaali baad tahay, qofkii Soomaali ah ee wax xun sameeya xumaantaasi wey saamaynaysa somaali kasta, qofkii soomaali ah ee wax wanaagsan sameeyana soomaalidoo dhan wey ku faanaysaa.

Marka la galo xafiisyada socdaalka ayaa laga hadli karaa dawlada aad muwaadinka ka tahay marka xumaan iyo samaan waa la wada wadaagaa magac soomaaliyeed, sidaa awgeed arrimaha aan ku midasanahay ee dunidu innagula xisaabtamayso waa inaan lagu kala tegin. Sida xaqiiqada ah waxa ilaahay ku mannaystay soomaalida awood badan, ilaahay ha inna waafajiyo inaan fahamno kana faaiidasno awoodeheena dadnimo iyo dalnimo.

Noocyada Soomaalida

Marka dhab loo fiiriyo soomaalinimada waxaan arkaynaa inuu yahay labo kala duwan, Soomaali dababiici iyo soomaali siyaasi. Somaali dabiici waa midka Ilaahay kaa dhigay ee kuugu xiriya soomaalida kale, xagga luqada, diinka, hiddaha…

Soomaali siyaasi waa dawlada aad sharciga ka haysatid eed calanka la leedahay, markaa waa in sidaa loola socdo oo mid kasta xaqeeda iyo waajibaadkeda la mariyo.

Tusaale ahaan waxaa jira Soomaali Maraykan, Soomaali Finlanda, Soomaali Itoobiyaan…..

Arrinkan somalida kali kum aha. Dunidu waa shucuub hal dhaqan leh kuna kala jira dawlado kala duwan sida cafarta waxay ku kala jiraan: Jabuuti, Eretreya iyo Itobiy. Faransiisku wuxuu gooni u leeyhayFransa waxy ku jiraan Baljika iyoSuwesara sidoo kale Talyaaniga. Waxaa halkan innooga soo baxaya in ummada Soomaaliyeed burburisay qarankeedii kuna kala tagtay siyaasaddii laakiin haddana way isla jirta, marka dhaqankaa badbaadiyey jiritaanka midnimada ummada isagaana iska yar, laakiin dadkii soomaaliyeed may kala tegin maxaa isku haya? Markaan iska duminay dowladii aan dhisanay, waxaa ilaahay innagu badbaadiyey dhaqankii ka horreeye dawladnimada. Maha jiritaanka kali ah laakiin waxaan gaarnay hurumar layaab leh oo marag ma doon ah; intii soomalidu jirtay ee la yiqiin mantay ugu cilmi badan tahay uguna xoolo badan tahay waana aragtida qoraalkeyga sidaan isleeyahay

Fikirkaada Waa Muhiim