Dhigmadan waxaan ku qotomin doonaa farqiga u dhexeeya qarandumis iyo mucaarad. Dabcan Anagu ka Soomaali ahaan waxaanu nahay dad si qaldan u qaata erayga mucaarad balse fikirkaasi ma noqonkaro mid la socodsiin karo.

Xalka Soomaaliya u baahantahay ma’ahan in dhamba dhinac eedo is huwiyaan, ayagoo markaa isku dhaliilaya waxyaabo lays orankaro ijiid aanku jiido oo la mid ah gacma daalis.

Qormadeydan gaaban waxaan si maskaxiyan aan kaga faaloon doonaa waxyaabaha badanaa aan aragno oo la leeyahay waa mucaarad ama waa qaran dumis. Markii mucaarad la yidhaahdo meelo badan ayaa jidha oo ummaddeena Soomaaliyeed isugu qasan hase ahaatee mucaarad waa kan arka cillad jirta hadana uu u tilmaami karaa shacabkiisa cilladdaasi iyo saameynta ka dhalankarta asagoo markaa ku caadifadoon waxa uu ka waramayo waayo markaad waxyaabo qaldan rabto inaad ka hadasho dhaqsi looguma boodo dhaleeceyn hase ahaate daliil cad ayaa la muujiyaa taa oo qireysa heerka muwaadinimo ee qofku leeyahay.

Balse mucaaradka nagu waa kan arka ceebta oo qudha hadana dafira hormarada iyo guulaha dowladiisu gaadho taa oo lays orankaro inay tahay kaligii isla qumane oo dhib weyn ku ah. Howlihii dowladiisu qaban lahayd.

Aan u sii daadagee mucaaradku ma kan arka ceebaha dowladiisaa mise waa kan daneyn Horumarrada dowladiisu?

Su’aashaasi waxaan uga tagay qofka akhrisanaya maqaalkaygan!!! Inta badan dowlad walboon aragno waxay leedahay qaladaad iyo waxyaabo guulaheedu ah Hase ahaatee Haddii la dafirro wax qabadkii u qabsoomay dowladeenu maxay ka dhigantaa? Is weydii adigaba qoraalkan akhrinaya!!Dabcan xalka ugu habboon ee Maanta Soomaalidu u oomantahay ma yahay mucaarad?

 Marka laga eego sida caadiyan waa uu noqon karaa xal mucaaradka balse waa mucaaradkee?! Weydiimahaas aanku soo hor dhigay si mug iyo miisaan ku miisan maskaxdaada ugu baadh. Marka aanka soo tagno mucaarad waxaa jirta ayana kalmad inbadan madaxdeenu adeegsadaan taa oo ah Qarandumis. Hadaba Qarandumis yaa ladhihi karaa? oo ma tahay? daliil cad oo muujineysa in qaran dumis uu dalku ka jidho!!!

Qarandumis haddaan qeexitaan kooban u sameeyo waxa uu yahay kan dantiisaba ka badnayn oo waxwalba fulintiisa ka jecel inuu dantiisu ka gungaadho asagoo markaa qiimeeynin nidaam dowladeed. Qorshihiisana wuxuu yahay dagal indhihiisu tusayaan taasoo ah ceeb raadis si marmarsiyo uun uga helo falkiisu dumineed.

 

Hadaba xalku muxuu yahay?

Xalka Soomaaliya u baahantahay maahan in dhamba dhinac eedo is huwiyaan ayagoo markaa isku dhaliilaya waxyaabo lays orankaro ijiid aanku jiido oo la mid ah gacma daalis.

Dowladu waa in la garab galaa la garab taagnaada lana taageeraa ayadoo markaa la dhaleceyn haddey qaldanto oo micneheedu waa in la dareensiiyo qaladaadka jidha si xishmadi ku dheehan waxay hagaajisana lagu amaano oo hadaan lays kaashan waa la kufaa baa horay loo yidhiye, bal aan badbaadino qarankan aanku indha dilaacsanay asagoo kala jab ka muuqdo oo xilligan waa xilligii aan u midoobi lahayn siddii aanku heli lahayn hogaan iyo hormar dowladnimo si aan dhiggeena aan ula tartano.

 

Wabilaahi towfiiq!

Fikirkaada Waa Muhiim