Ixtiraamka waxa uu ka mid yahay waxyaalaha xoojiyo bulshada xariirka ka dhaxeeyo, waxa uuna ka mid yahay waxyaabaha dadka qalbiyadooda lagu hanto, waana  udub dhaxaadka hab la dhaqanka wanaagsan ee bulshada.

Hadaba, saameeyn intee la’eg  ayuu ixraamka  bulshada ku dhaxyeelan karaa?

Bulshada marka ay is ixtiramaayaan waxaa ka dhalato xasilooni qalbiyeed, ixtraamka waa dareen muujinaya fiicnida iyo qadarinta dadka ay leeyihiin, bulshada marka qofba qofka kale ixraam u muujinaayo waxaa ka dhalanayso bulshada inay isjeclaato oo ay isku soo dhawaato, markasta oo xariirka bulshada xoogaystana waxay muujinaysaa horumar bulsho  isku duubnidooda.

Dhinaca kale dadka kawaran haday ixraamka ka tagaan? Kawaran hadduu ardayga ixtiraami waayo macalinkiisa?  Kawaran hadday caruurta ixtiraami waayaan waalidkood?

Hadduu ixtiraamka meesha ka baxo  meeshaas waxaa ka dhalanayso:

– Waxaa ka dhalanyso xaalad aan ku  habboonayn bulshada dhaxdeeda

–  Waxa  meesha ka baxayso  habla-dhaqanka wanaagsanaa ee bulshada  dhexdeeda

– Waxaa xumaanaayo xariirka ka dhexeeya bulshada

– Waxaa badanaayo qilaafka dadka  u dheexeyo  

– Waxaa  badanaayo  isticmaalka  hadalo anan ku  habbooneyn  bulshada dhexdeeda

 Xaqiiqdii bulsha  Soomaaliyeed waa kuwa ku wanaagsan ixtraamka, laakiin waxaa jiro tiro yar oo u baahan in lagu baraarujiyo innuu ixtraamka yahay mid nolosha u ah muhiim, qayb wayn ka qaato aqlaaqda wanaagsan.

Nabigeena muxmmed (NNKH) waxa uu yiri,

“nagama mid aha  midka an kan kawayn ixtraamin, kan  kayarna aannan u naxariisan”

Bulshada Soomaaliyeed waxaan kula talin lahaa  inay ixtraamka badiyaan, siddoo kale waalidiinta Soomaaliyeed waxaan kula talin lahaa inay  baraan ubadka qiimaha uu leeyahay ixtraamka.  Barayaasha iyo waalidiinta Soomaaliyeed waxaa wanaagsan in ay uga sheekeyaan siddii subanaheena Muxammed (NNKH) dadka sida uu  ixraami jiray si ay ugu daydaan  una noqdaan ubad ixraam badan.

Fikirkaada Waa Muhiim