Gormee ayaan dhihi karnaa dhiigg bax ayaa hooyada ku imaaday? Waxaan dhihi karnaa marka ay Hooyada u dhasho sida caadiga ah.  ‘waa marka  cunuga uu soo maro xubbinta tarranka dumarka ee lagu talagalay, ama marka hooyada lagu qallo cunnuga, markaas kadib haddii aan hooyada ku aragno dhiigg qiyaas ahaan la’eg 500ml ama ka badan, ayaan  dhihi karnaa waxaa  hooyada ku imaaday dhiig baxa dhalmada ka dib.

Markasta oo hooyada ay dhiigg baxdo xilligga dhalmada kadib  waxaad ogaataa ilmo galeenka  innuu furan yahay. Dhiigg baxaan waxa uu halis galin karaa nolosha Hooyada waxa uuna keeni karaa hooyada in ay dhimato.

Hooyoyinka Soomaaliyeed  waxa ay  80% u dhintaan  dhiigg baxa dhalmada kadib waxaana u badan Hooyoyinka ku nool baadiyaha ama meelaha  ka  fog xarumaha caafimaadka. 

Runtii waa wax laga xumaado inaan ku wayno hooyooyin badan. Dhiigg baxa dhalmada kadib  waxaa loo qaybiyaa labbo qaybood: dhiigg bax soo degdega iyo dhiigg bax soo  daaho.

Kaallay aan isla aragnee  labbada qaybood ee dhiigg baxa, dhiigg baxa soo degdega waxaa lagu arkaa hooyada marka ay dhasho ama la qallo  24 saacadood gudahood waxaana loo yaqaanaa dhiigg baxa soo  degdego. Dhiigg baxa  soo daaho hooyada waxaa lagu arkaa marka ay dhasho ama la qallo 6 isbuuc kadib waxaana loo yaqaana dhiigg baxa soo daaha.  Dhiigg baxo soo daaha ee imaado dhalmada kadib badana waxaa sababba  infekshan.

Haddaba kaallay aan isla  fiirinee waxyaalaha sabbaba inay hooyada  dhiigg baxdo xilliga dhalmada kadib:

  • Marka ay hooyada dhasho ka dib xuub (tissue) hadduu ku haro, minka waxa uu bilaabaa dhiigg bax
  • Jug haday gaarto ilma galeenka waxa ay sabbabi kartaa dhiigg bax
  • Daciifida isku imaanshaha murqaha ilma galeenka waxa ay sababi kartaa dhiigg bax (uterine contraction)
  • Xinjirowga dhiigga hooyada oo  yaraado.

Siddee Ayaan Ku Xalin karnaa Hooyada Dhiigg Baxdo Dhalmada  ka Dib:

  • Inaan hooyada u xirno kaanool si aan ugu siino daawooyin
  • Inaa siino hooyada faleenboyin
  • Daawooyinka min aruurinta inaa siino hooyada
  • Inaa hooyada ka nadiifino xuubabka dhan
  • Hooyada inaa ku shubno dhiigg haddi ay aad u dhiigg bax
  • Hooyada inaan u xirno kateetar

Bulshadeenna Soomaaliyeed wax badan ayaan maqalnaa hooyaa ayaa umul raacday, Hooya ayaa dhashay oo dhiigg bax u dhimatay, inkastoo qadarka Eebe aanan la dhaafin haddana waan yareen karnaa. Bulshadeenna Soomaaliyeed waxaan ugu baqayaa in marka  ay hooyada uur yeelato la siiyo cunto dheelitiran, in hooyada ay ku xirnaanto marka ay uurka yeelato illaa marka ay dhalayso xarun caafimaad, markasta caafimaadka hooyada aan ku dadaalno, hooyada waa inaan siinaa biyo bada si caafimaadkeeda uu joogto u ahaada, arrimahaas aan kor ku soo xusnay  waxa ay yareen karaan  dhiigg bax hooyada ku imaado xilliga dhalmada kadib.

Fikirkaada Waa Muhiim