1-Hawlgallada maskaxdaada: Hawlgallada jidhka ayaa sidoo kale ilaaliya jirkaaga, laakiin hawlada maskaxda waxay maskaxda siiyaan firfircoon xoog leh. Isku day inaad akhriso Qur’aanka iyo Adkaarta maalin kasta sidoo kale maaree wakhtigaag waxbarashada una yeelo wakhti aada barato culuumta diiniga ah, sido kale waa inaad diirada saartaa akhrinta wargeyska subax kasta si aad u ogaato wixii dhacay shalay, wargeyska maxaliga ah iyo kan caalamiga ahi waxay kaa caawineyaa inaad ka fekertid waxa dhacaya iyo in aad maskaxdaada ku dhiirrigelisid bilowga maalintaada.

2-Is-dhexgalka bulshada: Is-dhexgalka bulshadu waxa ay kaa caawinaysaa in laga takhaluso niyad-jabka iyo walbahaarka. Labaduba waxay keenaan xasuusto oo yaraato.

Isku day inaad wakhti dheeraad ah la qaadato qoyska iyo asxaabta.

Is-dhexgalka waa qayb ka mid ah nolosha aadanaha. Markaa aad la sheekeysnayso saaxiibadaada Facebook ama meel kale waxaad dareemee farxad maskaxduna waxay helee nasasho wanaagsan.

3-Noqo qaabeeye: Haddii aad jahwareereytid, qaado buuggaaga gaarka kuu ah si aad ugu qorto qoraalada aad rabto in aad sameyso inta lagu jiro maalinka ama maalmaha soo socda. Haddii aadan awoodin ku celi wixii aad rabto in aad sameyso si ay maskaxdaadu ula qabsato.

4-Diirad saarid: Isku day inaadan wax badan samaynin inta lagu jiro maalintaas ama wakhtigaas sabbabtoo ah waadku daalaysaa, laakiin waa in aada diiradda saarto macluumaadka ugu muhiimsan adigana oo ku kalsoon naftaada iyo waxqabadkaaga aad jeceshahay. Isku day inaad sameysid hawl maalmeed bilawga subax kastai yo inaad u qaybisid wakhtigaaga qaybo kala dugan sida wakhti shaqado iyo waxbarasho. maadaama ay taasi kaa caawineyso inaad diirada saarto oo aad ku guulaysato howla malmeedkaag.

5-Qaado cunto caafimaad leh: Cun khudaarta sida miraha oo dooro ilaha borotiinka yar-yar sida kalluunka iyo biyaha badan is ay maskaxdaadu u hesho tamar ku filan iyo caafimad.

6-Dhaqdhaqaaqa jirka inta lagu jiro hawl maalmeedka: Dhaqdhaqaaqa  jirku  wuxuu  kordhiyaa  socodka dhiigga ee jirka gaar ahaan maskaxda,sidoo kale waxuu kaa caawinayaa kicinta xasuusta, sidaa darteed u qorshee ugu yaraan 20 daqiiqo oo ah jadwalkaag maalinlaha ah ee jimicsiga.

7-Maareynta Cudurada Dabiiciga ah: Ka fogow oo wax yaabaha qatarta ku keeni karo. Raacana talooyinka dhakhtarkaag haddii aad qabtid jirro daba-dheer sida sonkorowga, cadaadiska dhiigga sareeya, niyad-jabka. Maxaa yeelay waxay saameyna ku yeelan karaan xusuusta hadaan wax laga qaban.

Fikirkaada Waa Muhiim