Baarlamaan waa meel xukun dowladeed lagu abaabiyo\sameeyo. Waa meel siyaaiinta ku kulmaan. Baarlamaan waa goobta ugu sareysa ee Sharci dejinta dawladda, halkaas oo lagu abuuro xeer kadibna lagu ansixiyo ama lagu meel mariyo sharci ay soo abuurtay qaybta fulinta ee dawladu. Badanaa meel marinta qawaaniinta dastuuriga ahi waxay u dhacdaa qaab gacan taag ah.

Baarlamaanka sidiisaba waa sharci dajin, waxayna u kala baxaan xisbiyo. Soomaaliya maanta malahan xisbiyo dowli ah, sababtoo ah, waxaa lagu hawl jiraa sameynta xisbiyada dalka.

Baarlamaankii hore ee dalka soo maray wuxuu ahaa, baarlamaan caalami ah oo aad u weyn, wuxuu ahaa, mid labo dabaq ah oo si casri ah loo dhisay. Baarlamaankii hore ee Soomaaliya waxaa ka shaqeen jiray dad wadaniyiin ah, oo runtii ku fikirin jeebkooda oo kali, balse umada Soomaaliyeed.

Golaha xildhibaanada, Waa xubinta xeerbeegtida, lagana helo dalalka bulshadooda soo xulato ama doorato xildhibaanada iyaga matalaaya marka laga hadlaayo xagga siyaasadda iyo hoggaanka dalka. Kelmaddan xildhibaan ayaa asal ahaan laga soo min guuriyey afka Faransiiska, macnaheeduna yahay “Wada hadal” ama wada sheekeysi.

Qarnigii seddax iyo tobnaad kelmada golaha xildhibaanada waxaa loo yaqaannay meesha lagu kulmo ama kulanku ka dhaco. Laakiin wixii ka dambeeyay qarnigii afar iyo tobnaad illaa maanta waxaa loo yaqaan, gole xildhibaanno, xubno dad ah, qaab hay’adeedna u dhisan, kana dooda arrimaha mustaqbalka qaranka.

 

 

Ticraac

Diiwaanka erayada aqoonta siyaasadda – Dr. Suldaan Maxamed Suldaan Ibraahim Siciid (Suldaan Garyare)

Xildhibaada golaha shacabka:  http://www.parliament.gov.so/Legislator/

Dastuurka Soomaaliya:

http://parliament.gov.so/images/Downloads/Dastuurka_ku_meelgaarka_SOM_03092012-1_2.pdf

Fikirkaada Waa Muhiim