Kaalinta Dastuurka Soomaaliya ku Leetahay Khilaafka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada! Waxaa ragaad joogta ah noqdey oo ku taagan horumar siyaasadeedka dowladda Soomaaliya khilaafka joogtada ah ee soo kala dhexgala Madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah. Illaa iyo intii laqaatay nidaamka Federaalka gu’gii 2012, waxaa joogta noqdey isfahan la’aan ka dhex aloosanta madaxda dowlad goboleedyada iyo madaxda qaranka.

Madaxdu waxay isku qabtaan maahan dan shacab sida badan balse waa dan shaqsi. Horjaagaha maamulkasta waxuu fiirsanayaa dantiisa shaqsiyeed, mana jiraan qodobo dastuuri oo si cad ukala haga xadduuda wajibaadka dowladda Federaalka iyo dowladaha Xubnaha ka ah. Qodobka 54aad ee cutubka shanaad, waxuu kala qeexayaa awoodaha Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada, waxuuna leeyahay “Awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa ka wada xaajoon doona Dawladda Federaalka iyo Dawladaha ka mid noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya marka laga reebo:

A) Arrimaha Dibadda;

B) Difaaca Qaranka;

C) Jinsiyadda iyo Socdaalka iyo Siyaasadda Lacagta, oo ay awooddeeda iyo mas’uuliyaddeeda yeelaneyso dowladda federaalka”. Awood qaybsiga siyaasadeed iyo midka dhaqaale, kuma cadda halkaan afar arimood maahane, taasna waxay keenta isku dheerarin madaxda maamul goboleedyada(MMG) ay isku dhereriyaan madaxda dowladda Federaalka(MDF).

Afarta awoodood maahane, inta kale ma cadda. Maalin aan fogayn waxaa bilowdey khilaaf ka dhexeeyey wasaaradda waxbarashada ee Federaalka iyo tan maamul goboleedka Puntalnd. Marka la fiiriyo dastuurka ku meel gaarka ah, kuma cadda cidda xaqa u leh maamulka waxbarashada. Qodobka 52aad ee isla cutubka 5aad, waxuu qeexayaa in waxbarashada iyo arimo kale oo badan lagu wadi doono iskaashi iyo wada xaajood dhexmara MMG iyo DDF.

Nidaamka dowladeed ee Federaalka Soomaaliya waa mid ku dhisan maabaadiida awood qaybsiga’ sida ku cad dastuurka kumeel gaarka, qodobkiisa 3aad, isla farqadiisa 3aad “Mabaadi’da asaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku dhisan yihiin mabaadi’da asaasiga ah ee awood qaybsiga Nidaamka Federaalka”. Sidaas ay tahay, madaxda dowladda dhexe, mar mar bay u dhaqmaan sidii kaligi taliskii, oo go’aamo ahaa in wada tashi laga sameeyo bay kaligood go’aan ka qaataan, taas ayaa abuurta khilaaf joogta iyo qoortaag.

Dowladdaan hadda jirta, ee labaxdey magaca “nabad iyo nolol”, doorashadii madaxwayne Farmaajo kadib, waxaa soo ifbaxay khilaaf u dhaxeeya dowladaha Carbeed, Sucuudiga iyo xulafadiisa oo dhinac ah iyo Qadar oo dhinac ah. Madaxwaynuhu go’aankii uu ka qaatay markii hore, waxuu ahaa mid hufan oo qurux badan, Soomaaliya waxay muujisay inay dhex-dhexaad ka tahay khilaafkaas, aysanna dhinacna si gaar ah uga jirin. Waxuu ahaa qaraar dan u ah Soomaali wayn.

Kadib muddu kadib, madaxdii Federaalku waxay la safteen Qadar. Lacagtii ay kasoo qaateenna iyagaa isku koobay. Dowlad goboleedka Puntland iyo Kuwo kaleba waxay caawin isugu jirta mid dakhliyeed iyo taageero kale(tababaridda iyo mushaarsiinta ciidanka) ka heleyeen Imaaraatka oo raacsan garabka Sucuudiga. Taas waxay abuurtay is-af-qabad.

Khilaafkaan oo sanka ku hayey danta siyaasiyiinka oo ka fog danta shacabka, waxuu noqday mid dabo dheeraadey. Saas oo ay tahay, dasruurka ku meel gaarka waxaa ku qoran qodobka 53aad, farqaddiisa 1aad in dowladda Federaalka ay kala tashataa dowlad goboleedyada Kaalmada dibedda.

“Iyada oo la qaddarinayo nuxurka iskaashi ee lagu shaqaynayo, xukuumadda Federaalku waa in ay Dawlad- goboleedyada kala tashataa wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada dibedda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga ah.

Dastuurka ku meel gaarka, oo la ansixiyey sanadkii 2012, waa dastuur qabyo ah, kumana kala cadda awoodaha dowladda Federaalka iyo tan dowlad goboleedyada. Intaas waxaa dheer hogaamiyeyaal caade qaate ah oo wada hunguri raadis ah iyo ku tagri falka awoodda booska uu hayo. Waxaa kale oo jira fahan la’aanta nidaamka Federaalka.

Fikirkaada Waa Muhiim