Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Sharciga guud ahaantiis waa hanaan amaro, qawaaniin, xeerar, xeer deegaan iyo noocyo kale oo heshiis ah ay ku jiraan. Shareeco ahaan waa kala garashada xumaha iyo samaha {Moral code} inkastoo aan ku dheeraan Karin shareecada balse waxeey la xiiraartaa ama xal u tahay arimaha la xiriira siyaasada, dhaqaalaha, dambiyada, iyo sidoo kale nolosha qofka oo badan.

Diinta islaamka Cadaalada waxa ay kaga jirtaa door muhiim ah Waa mowduuc aad u weyn oo xiriir la yeelanaya dhaqaalaha, bulshada, hogaanka iwm.

Waxaana lagu sheegay quraanka & sunnada sidoo kale waxaa jira aayado iyo xadiisyo badan oo kusoo arooray in cadaaladu tahay shay muhiim u ah dhismaha/jiritaanka shaqsiyadeed, qoyseed & Midka qowmiyaheedba.

Fikrada cadaalada waxa ay la xiriirtaa sinaanta xaqa iyo runta iyadoo aan la isku kala saareynin sababo la xiriiro midab, dhalasho ama mararka qaar diin. Caddaaladu makala laha sarreyn, nasab, hanti ama sharaf waa mid ay tahay in loo wada sinaado shaqsi walbana ay qabato si isku mid ah.

Caddaalad in la bixiyo waa mid ka mid ah asbaabaha ay u taagnaan karto dowlad islaam ah hadiise la waayo waxaa dhici karta sida madaxdii iyo dowladihii Qadaafi iyo Xusni Mubarak. Mararka qaar waxaa dhacda dunida in caddaalada aanan la helin in badan sidoo kalana in cadaalada aysan helin dadkii mudnaa tusaale ahaan inaan si saxan bulshada xoolaheedi ama xaqeedi loogu maamulin.

Cadaaladu waa waajib. Erey ahaana cadaalad micnaheedu waa isku dheelitirnaan. Sida aan kasoo xiganaayo Cimlaaqi aqooneed ee masaariga ahaa Dr. Sayyid qutb wuxuu yiri cadaalada bulshadeed waxa ay ka kooban tahay seddex sheey:

1) In qofka xurnimo dhameystiran u lahaado dareenkiisa/keeda.

2) In bani’aadmigu sinaado {Waxyaalaha Qaar} &

3) Isku xirnaanta bulshada taasoo micnaheedu yahay kasoo bixidda masuuliyadda bulshadeed micnaheeduna ma aha dareen ahaan ee waa qaadida ficilo dhab ah sida bixinta zakada Hadiise ay jirto in ay baahida bulshada kaafin weydo waa in lacag dheeri ah laga qaadaa dadka wax heysta.

Nabigeena Maxamad {NNKH} wuxuu yiri todobada qof ee aakhiro harka ilaaheey harsanaya waxaa ku jira shaqsi u cadaalad falay dadkii uu xukumayay. Waxaa markaa muhiim ah in cadaalad darada laga fogaado.

Cadaalada waxeey keentaa nabada, Midnimada, horumarka dhinacyadiisa kala duwan xag buslsho, xag Aaqooneed, dhaqan dhaqaale & ilbaxnimo. Gardarada iyo isbididda awooda ee koox, Qabiil ama reer isbidaan kuna dulmiyaan kuwo kale ayaa waxa ay cadaalad darro soo jireen ka aheyd soomaaliya in badan. Cadaaladu wax walba ayey soo galeeysaa oo ay ka mid yihiin:

Hoggaanka Qofka Wax Xukumaya iyo Cadaaladda

Shaqsigaa wax xukumaya waxuu noqon karaa madaxweyne, Qareen maxkamadeed ama qof mudan sida oday dhaqameed oo gar goynaya ama looga fadhiyo sameynta cadaalada waxaa qasab ah in go’aankaa la mariyo cadaalada. Ilaaheey {sc} wuxuu jecel yahay qur’aankuna ku yidhi dadka cadaalada sameeyo hadii ay waxa ay xukminayaan haku saleeyeen cadaalada. Sidoo kale qofka furaya marqaati hadaladiisa haku saleeyo run iyo sida dhabta ah ee wax u jiraan.

Dhexdhexaadinta Bulshada iyo Cadaaladda

Waxaa sidoo kale muhiim ah in cadaalada ay noqoto aalad la adeegsado marka bulsho la dhexdhexaadinayo gaar ahaan bulsho burburtay oo arinteedu murugsan tahay waxaa lagama maarmaan ah in adeegsiga cadaalada ay wax badan soo dhiseyso. Dhexdhexaadintaa ayaa waxeey noqon kartaa labo koox oo diriray, Labo qabiil oo colaadi dhexmartay, Ninki & xaaskiisa,labbo dowladood oo dagaalamay waxaa waajib ah in cadaalad laga sameeyo dhamaan.

Wadaagida, u Sinnaanta Fursadaha, iyo Ilaha Dhaqaale ee Dalka

Fursadaha shaqo, waxbarasho, dalacsiin, adeeg, taakuleyn iyo in kale oo badanba waxaa bulshadu ay u baahan tahay in ay u sinnaato si cadaalad ahna u qeybsato. Kartida iyo aqoonta in lagu qiimeeyo qofka laguna kala saaro dadka waa muhiim. Ka gudbida reer hebel iyo koox hebel in laga tago oo cadaalad loo gudbo ayaa qasab ah wax walbana lagu wadaago cadaalad hadii ay noqon laheyd waxbarasho oo tusaale ahaan hadii minxo waxbarasho la helo dhamaan gobalada dalka si isku mid ah u qeybsadaan sidaa si la mid ahna shaqooyinka iyo adeegyada bulshada. Wey adag tahay in si dhaqso ah lagu helo cadaalada noocaan ah balse waxeey u baahan tahay dadaal badan. Dunida taariikhdeeda waxaa bogag badan ku qoran cadaalad daro iyo gardarooyin badan tusaale ahaan dalka mareykanka oo ah dal xurnimada, dimuqraadiyada iyo horumarka ku faana waxaa taariikhdiisa ka mid ah cadaalad daro badan oo midab takoorka uu ugu weynaa iyada oo waxyaabo badan oo kalana jireen.

Nolosha Qoyska iyo Cadaaladda

Cadaaladu waxaa sidoo kale ay mudan tahay in marka hore ay kasoo fusho qoyska dhexdiisa. Hooyada, Aabaha, Iyo caruurta oo dhan in ay cadaalad ku wada noolaadaan. Qofkii rabo hal xaas ka badan oo u cadaalad fali karinoow iska jir. Sidoo kale u cadaalad falida caruurta iyo simida xuquuqda ey kugu leeyihiin ayaa muhiim ah. Ugu dambeynti qofka aad iska soo hor jeedaan ee ama muslimka ah ama gaalka ah waxaa loo baahan yahay in cadaalad loo sameeyo.

Sharciga:

Sharciga guud ahaantiis waa hanaan amaro, qawaaniin, xeerar, xeer deegaan iyo noocyo kale oo heshiis ah ay ku jiraan. Shareeco ahaan waa kala garashada xumaha iyo samaha {Moral code} inkastoo aan ku dheeraan Karin shareecada balse waxeey la xiiraartaa ama xal u tahay arimaha la xiriira siyaasada, dhaqaalaha, dambiyada, iyo sidoo kale nolosha qofka oo badan.

Waxa muhiim ah in la fahmo in sharciga uu salka ku hayo ama baroosin u yahay xuquuqda. sharciga aad fulineyso wuxuu ka tarjamayaa wacyiga iyo garashada aad u leedahay xuquuqda insaanka.

Hadii aadanba aqoonin wax xuquuqul insaan layiraahdo, sharcigaaguna ma garan karo xuquuqda insaanka aad ku fulineyso ciqaabta. Sidaa daraadeed xuquuqdu waa sharci, sharciguna waa xuquuq. Hadii xuquuqda qofku maqan yahay, sharciguna wuu maqan yahay, sida haddii sharcigu maqan yahay xuquuqda qofkuna u maqan tahay. Sidoo kale xuquuq sharci ah iyo sharci xaq ah, isma duudsiyaan. Mana jidho wax u dhexeeya, in labaduba xuquuqda iyo sharcigu wada joogaan ama wada ay meesha kawada maqan yihiin.

Cadaaladda, Doorka Nabad-dhiska iyo Dib u Heshiisiinta?

Waxaa marag ma doonto ah in cadaalada muhiim tahay marka la rabo in la dhiso nabad waarta, dad kala irdhoobay oo diriray sida somalida oo kale in dib loo heshiisiiyo. Dhowr heshiisyo ayaa dalka ka dhacay balse ma aheyn kuwo ku saleysan cadaalada. Sidoo kale dalka dibadiisa waxaa ka dhacay heshiisyo ilaa 15 gaaraya oo dowlado lagu soo dhisay waxna kama ay soo naaso cadaan waxaana sabab u ahaa cadaalad darro iyo iyada oo aan la helin dad u bisil fulinta howshaa cadaalada, qiyamka & anshaxa mariya.

Cadaalada nabada iyo dib u heshiisiinta waa isku xeran yihiin waxaana muhiim ah in waqti, fikir, maskax badan la geliyo sidii lagu gaari lahaa si sahlan. Cadaalad daro ayaa keentay in meesha ay ka baxdo dowladii quwada weyneed ee soomali laheyd su’aasha ugu weyn ee la rabo in jawaab loo helo waa side cadaalad lagu helaa dalki, calanki & dadki somaaliyeedna dunida dib uga muuqdaan.

Waxaan kusoo gabo gabeynayaa labo qodob oo muhiim ah in la fahmo mudana in lagana hergeliyo dalka cadaalad ahaan kuwaa oo keeni kara guulo waaweyn.

1) Cadaalad

Waxaa muhiim ah cadaalada la kaashado si nabad, degenaan & midnimo lagu gaaro. Cadaaladuna waxa ay keentaa dhamaan intaas hadii ay ahaan laheyd horumar, nabad, karti iyo sinaan in wax lagu wadaago iwm.

2) Hey’adihii caddaalada

Maxkamado, Qareeno, Xeerar iyo sharciyo dhameystiran in la helo waa lagama maarmaan. Sidoo kale in maxkamada sare yeelato awood weyn ayaa wanaagsan oo xitaa ay soo xiri karaan ama awooda ka qaadi karaan madaxda dalka hadii ay dambi galaan tusaale ahaan Raisulwasaarihii hore ee dalka Pakistan Gillani waxaa xilka ka qaaday maxkamadii sare ee dalkaasi Sababo la xidhiidha masuqmaasuq baahsan. Waxaa kale oo jira in la helo dad u carbiyeysan oo hufan oo howlahaan oo dhan qabta.

 

W/Q Ahmed Mohamed Roble

Fikirkaada Waa Muhiim