Waa aafo soo wajahda dhirta. Waxayna keentaa burbur lixaad leh kaasoo saameyn weyn ku leh dhirta. Waxay qalajisaa geedka iyadoo ka celisa hawada, macaadinta iyo biyaha. Waxay baabi’in xoog leh ku haysaa dhirta, sida aad tusaalaha hoose aad ku aragtaan.

Geedkaan waa geed dheddin ah. Waxa uu ahaa geed aad uqurux badan oo cagaaran. Waxa uu ahaa geed ishii aragtaana ay ku raaxaysanaysay islamarkaana ay ka helaysay il-doogsi. Maanta waa geed aan u fiicnayn indhaha.

Waxaa qabsaday baco waxay hawada ka xireen geedkii, waxayna ka dhigeen mid aan waligiis roob ku di’in. Waxaad ugu dhaaran in uu sanado hore qalalay, mana isdhihi kartid geedkaan hada ayuu qalalay. Waxaana sababtaa iska leh waa bini’aadamka oo ka dhigay in uu qalalo geedkaas.

Ma ahan kan kaliya balse waxaan u sooqaadanaynaa tusaale, waxaa jira kumanaan geed oo sanadkasta qalala. Waxaana qalajiya qashinka lagu daadiyo meelaha dhirtu kabaxdo. Waxaase ugu daran bacda oo ah masiibo daran oo dhirta xaalufisa.

Waxaad si fudud u arki kartaa sida uu geedkaan u qalalay, waxa qala jiyayna ay tahay bacaha iyo qashinka lagu daadiyo. Bacuhu waxay hawada ka xiraan geedka oo wax neef ah ma helo halka qashinkuna uu la falgalo macaadinta carrada ku dhex jirta. Waxayna sifudud u raacdaa xididdada iyadoo ah mid sun ah geedkuna uusan ku bixikarin.

Taasna waxay ka dhigtay geedku in uu noqdo mid aad uqurux badan oo aragana u roon. Taasna waxaa keenay inuu saa u cagaarnaado waxaa laga ilaashay bacihii geedka qalajin jiray. Waxa uu helayaa hawo saafiya iyo nafaqo aan kiimi kalo ku jirin taasna waa mida geedka ka dhigaysa in uu noqdo mid noolaan kara.

Dhirta oo dhanna waa sidaa, haddii waxkasta lagu shubo oo aan ladar yeelin deegaanka waxaa ku dhacaya musiibo tan ugu daran. Dalkeena haddii uu saa ku sii socdo sanado aan fogayn waxaa la oran doonaa dhulkaan waxa uu lahaan jiray dhir aad u dhaadheer. Waxa uu ahaan jiray meelo dalxiiska ku fiican. Waxaadna hadda aragtaa in la dhoho meel hebla waxay 30 sano ka hor ahayd meel cuun ah, maantana aan lagu ogayn hal geed. Markaad u fiirsato labadaa geed ee aan hada soo qaadanay waxaa kala garanaysaa farqiga u dhexeeya iyo midkasta waxa sababay in uu saa noqdo.

Mar aan cilmi baaris ku samaynaayay dhirta, ayaa tuulooyin hoostaga degmada Eyl, waxaan arkay meelo aan ku ogaa 15 sano ka hor cuun, oo maanta dhirta ku taalaa ay tahay teel-teel. Taasna waxaa sabab unoqday dadka oo aan fahan sanayn deegaanka in aan annagu ku nool nahay.

Waxaa deegaanooyin badan oo soomaaliyeed ka socda xaaluf ba’an kaasoo lagu hayo deegaanka gaar ahaan dhirta. Deegaanooyin kaas waxaa la jaraa dhirta, iyadoo u jeedooyin badan laga leeyahay jaristooda. Dadka qaar waxay ku ootaan xoolaha, waana kuwa ugu roon marka loo barbar dhigo dhirta kale ee siyaabo kale loo adeegsado. Waxaa jira qayb sida aan sooxusay in ay u jaraan dhirta in ay ka helaan dhuxul, tan ugu darana ay tahay taas. Waxayna sababtaa in noolayaal aan la soo koobi Karin ay dhintaan halkaasna ay ku naf waayaan. Waxaana noolayaashaas ka mid ah dhirta iyo wixii ku hoos nool.

Gobalada uu xaalufka ugu daran uu kajiro waxaa ka mida jubbooyinka halkaas oo maalinkastaa lajaro dhir aan xaddi lahayn, waxaana lagubaa dhir tiradooda aan la soo koobi Karin. Waxa ugu weyn ee loo jaraayo dhirta loona gubaayo waa sababo kala duwan. Balse tan ugu weyn ay tahay in ay helaan dhaqaale. Seena ay dhaqaale uga helaan dhuxusha?

Waxaa dekedda kismaayo laga dhoofin jiray sanadooyinkii dhawayd kumanaan tan oo dhuxul ah, waxaana loo iibgayn jiray wadamada aan dariska nahay. Waxaana wadamadaas ugu badan wadamada carabta qayb badan oo kamida. Wali waxaa ka jira xaalufkii maalin kastaana waxa la jaraa dhir aan tira koob nayn balse aan la qiyaasi Karin xadigooda.

Gobolada waqooyi oo iyana ay ka jirto xaalufkaas mid lamida ayaa sabab unoqotay in lawaayo roobabkii kadi ijiray waqooyiga. Gobolada sool iyo sanaag waxaa ka jira hadda xaaluf ba’an oo lagu hayo dhirta. Waxaa maalin kasta lajaraa dhir aan xaddi lahayn. Waxaana loo iib geeyaa magaalooyinka waa weyn ee ku yaal waqooyiga iyo kuwa ku yaal dhulka uduga.

Xaalufkaan ayaa ah mid deegaanka dib udhac ku keenay, waayo waxay xaalufkaas keentay in ay noolayaal badan oo dhirtaa quudan jiray ay waayaan waxay nafta kula hirtaan. Markasta oo dhir lagubaana waxaa ku naf waayaya bilyanis oo noole ilmo aragto ah iyo bilyanis cayayaan ah. Kuwaasoo shaqo uhayay deegaanka. Waxaad ogtahay noolaha ilaahay abuuray oo dhan waxay qayb ka yihiin nolosha meertada ah iyo shebekada cuntada. Midkastaana waxa uu hayaa shaqo gaara oo ay naan annagu garanayn Alle mooyaane.

Fikirkaada Waa Muhiim