Ixtiraam:dadka oo daacad u noqo, in aad noqoto qof daacad ah oo ixtiraama qof walba waxa ay sababtaa in aad noqto qof lajeclaado oo qof waliba jecelyahay isna la ixtiraamo, waxaaannu so jiita cid walba oo dadnimo iyo damiirba leh., in aad daacad ahaato oo aad dadka ixtiraamto waxa ay wax ka beddelaysaa shakhsiyaddaada oo ka dhigaysa shakhsiyaad wanaagsan oo horumar leh, runtii qofku marka uu is ixtiraamo oo qof muxtaram ah iska dhigo hadal kiisa miisaamo waxa uu odhanayaa aana ka fiirsado inta uusan oran ayuu noqdaa qof ixtiraambalse maahaninuu doono ixtiraam isaga oo karaamadii iska qaaday.

Tixgeliya :waa qayb weyn oo nolosha ka mid ah waxa aynuna ka baran karnaa diinteenna suuban iyo bulshada ay tixgelintu ku badantahay, ku qanacsanaanta nolosha iyo qaddarka aad ayuu uga qayb qaata in aad noqoto qof tixgelin badan oo afkiisa, gacantiisa, iyo dabeecaddiisabaa laga nabad galo.

Waa in aad muujisaa ixtiraam iyo tix gelin marka ugu horreysana naftaada tixgeli, oo qiimee marka aad is qiimaysid ee aad is ogaatid ayaa aad cidkalena qiimayn kartaa dad kaga iyo dalkagaba qiime iyaguna xaq ayay kugu leeyihiine, waana in aad dadka oo dhan xidhiidh fiican lasamaysaa, waayo naftaada ayaa aad iibinaysaa,waxa aad helaysa tixgelin iyo ixtiraam fiican, marka aad dadkaaga tixgeliso iyaguna way ku tixgelinayaa, waxa imaankarta in lagu dhaliilo lagu gu khaldamo waa in aad samaxada ogaataa, haddii aad adigu cid ku khaldantana wa in aad isticmaasha kelmadibaa tey ka wanaagsantahay oo aad barataa iga raali ahow marka aad wax codsanaysana waa in aad isticmaasha 

kelmad fadlan haddaad sida samaysid waxa aad helidoontaa waxa aad ku faraxdo dadkuna way ku ixtiraamidoonan kuna tixgelin doonan, ixtiraam dadka oo daacad u noqo, in aad noqoto qof daacad ah oo ixtiraama qof walba waxa ay sababtaa in uu noqdo qof loo qushuuco oo qof waliba jecelyahay, isna la ixtiraamo waxa aannu uu soo jiita cid walba oo dadnimo iyo damiirba leh, in aad daacad ahaato oo aad dadka ixtiraamto waxa ay wax ka beddelaysaa, shakhsiyaddaada kana dhigaysa shakhsiyaadwanaagsan oo horumar leh. Ha moodin qofku in uu soo dhasho isaga oo la tixgeliyo ama la jecelyahay.

Laakiin waa wax la kasbado laana gaadho marka la maro dedaal iyo daal badan. ma rabtaa in aad noqoto qof la tixgeliyo oo la jecelyahay, haddaba isku tarbiyadee sifooyinkan:

  •  Badi dhoola caddaynta,
  •  Waji furnaanta
  • Hana isku dayin in mar kasta aad difaac kujirto waa in mar lagaa guulaysankara, marna aad guulaysankartaa, Labadana aad aqbalikartid ku malihi karti daro aya aad ku guulaysanweyddey ee xataa marmar adoo dedaalay ayaa laga raynkaraa
  • Ixtiraamaaka wanaagsan ee aad bulshada kula noolanaysanaa waa sidii cunto sifiican lokariyey oo diyaara yaa kategilahaa marka waa in aad sida cuntadaa noqotaa bulshada aad la nooshahay.
  • Si run iyo daacadnimo ku jirto u ammaan qofkii uqalma adiga oo ka madhan laba wajiilenimaad, soo jiidasho iyo xumaanba. 
  • Ka fogow muranka iyo dooda badanba,waayo waa bilowga canadka, colaada iyo kala goo a.
  • Ula dhaqan dadka oo dhan sida aad jeceshahay in laguula dhaqmo adiga.
  • Iska yaree canaanta una cudurdaar qofkii kugu gafa ama kugu khaldama
  • Iska ilaali cadhada sida ay doonto ha’ahaato’e, waayo waa fal shaydaan, caafimaadka iyo caqligaag aad bay ugu daran tahay.
  • Badi salaanta, waayo walaaltinimaad ayey xoojisaaye.
  • Haddii aad awooddo sii hadiyad haba yaraato qiimaheedu’e, ehelkaaga iyo asxaabtaadaba.
  • Isbar in aad dhegaysato qofka kula hadlaya, barana habka wax loo dhegaysto inta aadan baran habka loo hadlo.
  • Ka fogow balaayeysiga iyo baasaysigaba, rajadana iyo yididiiladaana badi, waayo rajada oo la badiyo waxa ay kuu noqonaysaa taageero iyo xoog aad ku dhaafto wakhtiyada adag e.
  • Iska jir qalbi adayga iyo calool adaygaba, waayo waa sifooyinka doqonimaade, marka aad fikrad soo ban dhigeyso qofka dareensii inay tahay wax aad wadda leedihiin oo aad ka fariidsanayn kana caqli badnayn.
  • Iska jir isla weynidda tusna dadka in aad tahay iyaga oo kale, heerka aad doontaba aad gaadhide, waayo Rabbigeen SWT ma eego qofka isla weyn qiyaamaha, lana soco in Aadan iyo Xaawo aynnuuka soo jeedno dhammaanteen.
  • Badi saamaxaadda iyo cafiga waayo nadaafada qalbiga iyo naftaaba, marka aad qof waaninayso ilaali dareenkiisa oo ha ku odhan ereyo dhaawacaya qalbigaysiisa iyonaftiisa toona.
  • Caawi oo garab sii khayrkaa marka ay kuu bahaan yihiin, waayo Rabi baa kuukaalmeyn doona maalinta aad baahato.
  • Iska ilaali dhaliisha aflagaadada iyo naqdiga badan, waayo kalmada xumi qalbiga ayey wax yeeshaa, waxaa laga yaabaa inay colaad iyo nacayb isu bedesho.
  • Ha badin qosolka aan haboonayn ,waayo qosolka aan macnaha lahayni haybada iyo degenaanta ayuu kaa qaadayaa.
  • Isbar dulqaadka iyo adkaysiga waayo waa laba sifo oo Rabi geen iyo Rasuulku CSW ay jecel yihiin
  • Kafaa’íidayso waxa wanaagsan ee hareerahaaga ah ha noqona sida shinida oo kale, waayo inta ay kolba ubax fuusho ayey kala baxdaa manka iyo Muudkaba.

Masuuliyad

Masuuliyad waa shay keliya dhammaan qaybaha nolosha qofku haddanu masuul ahayn meel magaadhikaro, marka masuuliyaddu waa shay qaaliya, Waana shayga kugu kallifaya in aad wax walba sideeda u qabato, waayo wax kasta oo aad isku deyeysaa waxa ay uu baahanyihiin masuuliyad haddaba wa maxay masuuliyaddii?

Waa in aad jagadadda aad nolosha bulshada kaga jirto muujisid oo kaso baxdid waajibkaga u gudaankartid si xor ah marka aan leeyahay si xora waxa aan uga jeeda adiga oo ka xora waxa ay kamidka yihiin ma awooddo,dhaqaale uma haysto anigu ma qaban karo waxyaabahasu waxa ay dib udhigaan dhammaan masuuliyada ku saraan, takale ee mihiimka ahi waa in aad ogaata in dadka aad ula simantahay horumarka nolosha iyo dalkaba, kan madax weynaha ahkan wasiirka ah, waayo adiga masuuliyad ayaa kasaran dalkaaga iyo naftaadaba.

Hana cadaysanin in aad dhalishid qof noloshiisa iyo dalkaba micno ugu fadhiya oo adigaba xilayaa kaa saaran ku dedaal halka aad ka geli lahayd horumarka dalka dadkana ha dhaliilin maxa aad ku keentay in aad aado aan taadiiba kaso bixin in aad cid kale wax ka sheegtid ama aad falan qaysiid, Waayo waxa aannu ognahay dad keena in ay yaqanan dhaqan aad u xun oo ah in ay cid wax kasheegan nolosha meel ka gajirta oo aanay is wayddiin qofkani nolosha meel buu kaga jiraye adigu maxa aadtahay su’aasha haddii qof wal inaga mid ahi is wayddiin lahaa dib ayuu u fadhiisanlahaa oo tiisa ayuu sixilahaa soomaalida ka maahmaahday oo waxa ay tidhi’’tiisaba daryeela tukaale kuu dara”marka bal ufiirsada nuxurka ku duugan maahmaahdan.

Haddii aad u fiirsatid bulshadeena ma arkaysid qof isagu is dhaliilaya oo leh aan isa saxo wax khaldaanayaa aan sameeye. Bulshadu waxa aydhaliilaysa ka xilka, haya ardaygu waxa uu dhaliilaya macallinka, haddii aad maanta arday imtixaanka wax hoose keenay wayddisid imisad keentay imtixaanka waxa uu odhanaya intasuu isiiyey kan macallinka ahi, waayo isagu inuu keenay oo u hooseeyey wuu isu diidaya oo khalad kiisa ayuu cid kale saaraya maan arag umadenaa cid ka cadaladdaraan waayo mar kasta qofkasta naftiisa khalad keeda waxa uu isaga gudbinaya cidkale.

Sidaad haddaba naftaada khaladkii ay gashay uga qaadayso, waxa lagaga baahanyahay in aad qofkana khalad aannu lahayn saarin sideedabana ha baranin dhaliisha farahabadan, waayo waxa aadgudbaysaa in aad qofka xaqiisii meel kaga dhacdo, marka waxa aan kula talinaya dhammaan qaybaha bulshada inaan waxa qofwali uu masuuliyadiisa qaato haaddii khaldamaan uu u sheego naftiisa in uu khaladkan leyahay sixinadoono, waayo waa halka kalsoonidu ka bilaabmatoo ama ka burburto.

Laakiin haddii taasu dhici wayddo oo qofkastaa uu isagu is ku qaanciyo in aannu waxba xumeyn ee isudhaaf iyo hebelka kale waa marka ay timaado in qofku uu horumar gaadhi kari waayo isagu ismaba yaqaanno Marka waxa aan idin ku la talinaya in aad qof walowba isasarto masuuliyad aad uu baladhan.

Yeelo himilo cad

Maansada Himilo AbwaanXasan Daahir Weedhsame

Halkaan dhex lugaynayaa Qabsoo waa heel bannaan Habaas weyn aadmigii Ka haajiray oo cidlo ah Hal baan raadcaynayaa Habawdoo fool luntoo Habeenaba iga maqnayd ‘‘aramay hororadu cuneen Armuu cadaw kale hantiyey’’

Anoo ku hadaaqayoo

Mashquul ku ah hawl aduun,

Aseen haabkaba ku hayn

Hay haatada meesha tani

 

Haween dumar baa ku nool

Ayaan halhaleel indhaha

Ku halacsaday ruux kumbudha.

Kaliil hoosiisku  gudhay

 

Cadceeduna haylihiyo

Huggii kaga timi godkii

Fallaadhaha hootadiyo

Ka daran haashkiyo warmaha

Tiiyoo kul hagoogatoo Hoosteedana raranku yaal Miyaan hal haleel ku idhi ‘’Arkoo inad tahay haween, Hoomaygaan kugu gartee, Hawaarsatay siigadee Maxaa hayjadan ku dhigay? Waxay hoos iigu tidhi ‘‘Ciddii iga hoyn lahayd Ayaan weli haybiyaa Intuu I haleelayaan Adkaysiga hiigayaa Rajooyin hawaawiyaan Duruuf ku hor joogayaa’’

La Hadal Naftaada

Intan holliyeen cabbaar

Ka guray haasaawe ciil

Waxan hoos hoos u idhi

 

Sawkani hooskiyo berduhu

Hareeraha kaa xigaan

Maxaa heelkani ku furay?

Waxay tidhi hoogi-waa

Sawkii halabuur ahaa

 

Hirku arkayaa dhawaa

Hadoodilka muuqda iyo

Malaha higilkaad is tidhi

Dhankaa hadhac baa xigee

 

Xar baa helay oo hirqaday

Dhuuxiyo hoostaa bannaan

Ma hadhin geed iima hadhin

Hadhkaa yacaygaan sugaa

Markay hadalkaa lahayd

 

Harraad   bay   gawracnnayd

Hunkiyo calalkay xidhnayd

Hayliyo boodh buu lahaa

Waxan hoos hoos u idhi

 

Halkee hilo laga cabiyo

Har iyo ceel kuugu dhaw?

Waxay tidhi heermi waa

Kuwaa hadda uumi-baxay

Jeerooy hogoliyo noqdaan

 

Daruur iyo heego roob

Hortood oon igu ogow.

Yaab baa igu soo hinqaday

Naftaydaa hoos u tidhi

Qof maaha hummaaga kani

 

Jinkii naasaha hablood

Armay tahay habartan baas

Hadmayse is daawadeen

Quruuntii kala hulkii

 

Hagoogtuna kala dhex tiil?

Ku helay saxariyo cidloo

Hadloo idhi oo ku idhi

Bal aynu is haybsanoo

Hor alla isu tooyanee

 

Ciddaad tahay ii hal-celi

Waxay tidhi himiladii

La hiigsanayaan ahee

Hor-seedkaad soo dirteen

 

Sawkaa dubur hawd ka xulay.

San iyo harag baa ka kacay

Dubkayga saroo hatigay

Dareenkaygii hurdaa

 

Dabkii huray toos ku yidhi

Waxan idhi lama-huraan

Habaaskaad yuururtiyo

Raggii kaa hoyn lahaa

 

Habheeb goofkani ad taal

Libtii soo hanan lahaa

Haadkiyo coomaadigaa Badhkood wuu haajiroo

 

La Hadal Naftaada

Baddaa hiigtoo cuntee

Waxoogaa baa hadhee

Miyaad inna hogatusiyo

I fari hawraar murtiya?

 

Waxay tidhi hooyaday

Sheekooyin hallaasiyoo

Habniin igu siisay waa

Midkood aan soo horee

 

La yidhi waa hore niniyo

Haweenay u guursadaa

Hawl yari taajira is yidhi

Dameer heeryeysanoo

 

Markaa u hadaaq ciyaba

Higgoonaya lacag yaroo

Mar hore lagu soo guray

Soo heegeen seyladii

Durtaba waa lagu hab yidh

 

Hawada sixirkii la gee

Hoogtooy mee kii ku qabay

Ninkii ugu hodansanaa

La hoyey guul been ahayd

 

Hoygiisa markuu la tegay

Hafrane wuu dhacanyahee

Dameerkii hudahudee

Hantaaq guji oo ka doon

 

Hantiyo lacag uu matago

Hungaase bariidisee

La waa suu yidhi hunguri

Hawiyo been noqoy warkii

 

Hambaabire goor la dhacay

Hayaay yidhi oo dhawaaq

Rag hiil gala soo kaxee

La aad gurigii hafraha

 

Dad aad hirar moodaysaa

Albaabka hujuun ku tume

Heblaa ka furtoo qallada

Haaraankii lagu salaan

Habaar-qabe muu hurdaa

 

La Hadal Naftaada

Hoosaasiyihii na dhacay

Halkuu joogaa la yidhi

Iyada hanjabaadaniyo

Hiifkiyo guulguulka kani

Hiyiga kama qoomayaan

 

Duqdani waa heego laac

Haawey dhacu guul la yahay

Cabsina way kala hadheen,

Waxay hawl yari u tidhi

Hiraabtii buu baxoo

 

Shirkii haaadduu tegee

Maxaad la hadaaqaysan?

Tiiyoo hadalkii an jarin

Ayey hab kalsooniliyo

Sidii wax la hubo u tidhi

 

I suga ey soo heloo

Haddeerba u yeedhayoo

Anaa diri hawl-karee.

Hakiye socodkii hakiye

 

La Hadal Naftaada

Haddii in hadhuub la dhamo

La sugay hugunkiina go’ay

Hadh-qoodaarkii is keen

 

Heblaay yidhi oo dhawaaq

Dadkii heegganka ahaa

Mar qudha hayn waa qolkii

Habqame irriddana la boob

 

Horalle waa kii wax dhacay

Oo ey kii hore la midi

Ka joogo hareerta midig

Hoggaankiisana hayaa.

 

Haddana mooyaan wax helay

Qof qudhi hadal qaadi waa

Wuxuu hiirtii u yimi

Hootada soo rogani waa

 

Ninkuu hayntiisa dhacay

Dadkii haw soo lahaa

La huwi bustayaal kalgacal

Qadhqadhe habbisana la saar

 

Tuuggii cidi may hatigin

Heeg iyo lama geyn maxkamad

Si weyn loo wada habsii.

Hilmaami shilkii dorraad

Hunguri eygii ka gale

 

Hindise kuna wada hammiye

Sidii loo hanan lahaa Hantina loo siisan laa

U dhuray hadalkii gorgorin

Dadkii noqoy hawtulhamag

 

Dhimbiisha ku soo hirdama

Nin baa hayin soo ban dhigay

Badh baa heediyo galley

Hadhuudh naga sii ku yidhi

Ninkii halo geela iyo

Hayaay-dii la is dhansii

 

La Hadal Naftaada

Hor weyn soo tubay libtii

Nijaasta ahayd la hoyey.

Hoggaan ku gadhqaad kaxee

Hadh geed ku xidh oo xurmee

Hiraabta laf weyn ku soor

 

Wuxuu balaqoo hurdaba

Wuxuu hirqaduu nimcada

Hinbaabaco oo daldalo

Hayboo reerkani ag yaal

Habeen hore wiil ka dhaxay

 

Inuu soo haybiyoo

U soo helo loo xil saar

Naf baa haysee fakade

Hawdkiisa xul oo baxsade

Haddeer waa curad hungadu

 

Warkii tuulada hulaaq

Habliyo waayeelba gaadh

Rugtiisii lagu hagaag

Ma joogo hubaal ninkii

Hebloo keliya fadhida

 

Halkuu joogaa la yidhi?

Waxay tidhi huudantooy

Libaax hal ka qaatay baa

Magtii ku habsantayoo

Gartoodu habar dugaag

 

Haadaamo ku qaadayee

Haddeer wuu inna hayaa.

Haddana may aamusine

Si haaraanay u tidhi

Ordoo hadhacaa ku suga

Cabbaar baa loo hadh galay

 

Kiiyoo harag weyn sitoo

Ka soo hiray meel shishe ah

Soo raac hilinkoo is keen

Huruuf ku salaam duqdii

Sideed raggan haybadiyo

Abley halacloo af badan

 

La Hadal Naftaada

Hannaanka leh ee gobta

Martidan heelkayga timi

Hoos geed u fadhiisisaa

Hilbiyo nayl aad qashiyo

Karuur aad hidisa iyo

 

Ma soor baan hoyga ool

Naanaysyahay igu hab tidhi

Habeenkaad ii dhaxdaa

Hayaankii iga tagee

Hoheey tacabkay qasaar.

 

Heblina may aamusine

Waxay tidhi hiil ma tare

Halyey baan kaa dhigoo

Hoocoo sawtaad ahayd

Hiinraag dibintana qaniin

 

Xaggay habartii fadhiday

Hagaag ugu soo dhaqaaq

Galkeeda ka soo hitiqi

Haddii ay hawaarsanayd

 

Haabhaabatay oo kac tidhi

Hantaaqantay oo buc tidhi

Haleel durba oo tudh sii

Haamada inu gooyayiyo

Qof haanka jaruu matalay

 

Hoor dhiiga aad moodaysoo

Hoobaan casa baa qulqulay

Dadkii naxdin buu haq yidhi

Hayeeshee wadar ahaan

Kaskoodii muu hawadin

Inay hoosaasin tahay

 

Shirqool hawl-dabar la jilay

Habaabiyo been qorsha ah.

Ninkii in hitaysay iyo

In aad u higgaadisiyo

In meel hogatoo didiyo

In hoogale bay noqdeen

 

Hormaa kacday dhiiranayd

Inay habi laayihiin

Halkay ku dhacday tageen

Hubsade eegoo rogroge

 

Hayaay waa meyd la yidhi

Isagu hangaraarac iyo

Inuu halaq gooda dilay

Ma moodid habaar ku dhace Horuu gurigii u galay

 

Ul buu kala soo haf yidhi U eeg dhuun iyo hunguri

Hebloo wadhan buu dul tagay

Hoogaansade yuurursade

Hawuu ku afuufay badan

 

Duqdii hanqalkaa xarrigay

Qaskaa hurdadii ka kacay

Meydkii baa soo hinqaday

Hankaabsaday oo ka kacay

Habaaskiyo siigadii.

Ninkii duulkani hawiran Isagu wuu hundo ogyee

 

La Hadal Naftaada

Wuxuu heelkii ka yidhi

Hogfo-xun marar aan naftiyo

Heddeeda jaroo qatalay

Habkaasuun baan faloo

Waa taa heetisay xarrago.

Hungada kama digo rogtan

 

Sidii haan daba la’ bay

Xasuustooduna habtaa

Shalay halistay mareen

Iloobe hantaaqadii

Mar kale wax lagu hirdamay

 

Ushii harawsiga ahayd

Mid kale hagar li u dhiib

Hantiyo maal wuxu lahaa

Sidii wuxu helay macduun

Gashade hoostoo qarsade.

Dhaqaalahu waa haftiyo

 

La Hadal Naftaada

Hagbado bilo loo kaltamo

Intan hanti qaadanaan

Hawada tiro yaacaysiyo

Huf iyo been iibsanaa.

Aqoonsiga hagabsadiyo

Bishaaradu waa hadhaw

Runtuna hagagay jiq tahay

Beentuna waa hadal yaqaan.

Dantii guud baa hengelan

 

Hankii ummadaa bahdilan

Habkii noloshaa arradan

Rag hayb ka xoroo fakara

Rag hawlkara oo guntada

Huraal rag leh oo waxtara

Hiraal rag leh oo dad haga

Rag haybadle oo dan wada

Rag hiigsi le oo wax raba.

In aad hammi iyo u qalmid yeelataa waa mihiim waana asaaska nolosha, waana hooyada horumarka nafta ee hammigeena aynnu ku gaadhayno marka labo ayeynnu u kala qaybinaynaa in aynnu lahano riyo: 

Waa riyo aad iska hamiday uun ee aanad wax ficil ah samayn, oo qofku waxa uu ku hamiyaa in uu noqdo qof horumar jecela waxa aan mar kasta kaso burqada fikiro fiican laakiin mayaqaan sida looga midha dhaliyo, kasoo qad waxa uu doonaya in uu noqdo qoraa fikrad aad u fiicanna wuu hayalaakiin waxa ku adag sidii uu u dhaqaaqilahaa oo waxa wakhtigu kaga dhammaanaya sida u hadlaayo dabadeed marka danbe fikirkiisa ayaa bur buraaya oo waxa uu isuqaadanayaa in xataa aannu awood ulahayn waxauu kahadlaayo sidaas ayunna nolosha ku nacayaa.

 Kan labadna waa mid riyooday riyo fiican oo isaga oo soo jeeda kaddibna riyadiisa rumeeyey oo ka midha dhaliyey fikirkasta oo ku so dhacaana markiiba ku dhaqaaqay nolosha bulshadana meel kagelay, nooladayna nolol raaxo leh oo u isagu sameystay, waana albaabka guusha marka uu qofku ku riyood nolol fiican waxa ka horyimaadana uu dushasarto sidii uu guusha u gaadhilaha taas ayaa aannu odhan karnaa riyo wax ku oolaa.

Fikirkaada Waa Muhiim