Waa cudurka ugu weyn ee dabarjebiya dhammaan qaybaha nolosha qofku ka horumar doonaya, waa cudur qofka ku kallifa isaga oo nool in uu dhinto, oo uu qofkiiba noqdo isaga oo nool sidi wax dhintay oo aan qaybaha nolosha meel kaga jirin,waana dadka in tabadan marka latilmaamayo ee laxasuusto layidhaahdo hebel ama heblaayo nolosha ayey ka dhaceen, taasoo macneheedu yahay isaga oo aan laaasin oo ifka jooga ayuu haddana dhintay haadabal uu fiirso sida dib uu digashadu ay naftaada uga dhigtay mid dhintay. Haddaba in aad wax kasta dib udhigato oo ay dabeecad ka noqoto waxa ay walaalo yihiin ama ay isugu biyo shubata in aad qabsato ama aad ku guul daraynsaato in aad awooddin in aad hadafkaga gaadho.

Marka hawl dib udhigasho cabsi iyo guul daraduba waa saddex walaalo ah, kasoo qad hawshii maanta ku taalay ayaa aad dib udhigatay maalinba maalin ayey ku sii dhibaysaa marka waxa aad gaadhaysa heer aad ka cabsatid in aad wax qabato, kaddibna waxa aad odhanaysaa maan bari, waayo waxa aad u haysataa baritoin ay wanaagsanad oo aad dadkii maanta karaahiyeeysaato dhammaan waxqabadkaagii, mararka qar ayaa aad is wayddiinaysaa maxa aad adigu haada u dhalatay?

Illoow shalay, oo Maanta Noolow

“Wax shalayto kaa tegay

Inta aad tiigso leedahay

Arrin haatan taagaani

Armuu kaa taraaraa?

 

Tagto way tagtee tuur

Ka tir maanka teedii Ha

u taahin taa daa Berri

iyo timaadada Ha

u tiirin hawlaha

 

Kadinkaaga soo tubaan

Telagiyo dharaaraha

Ha u tirin xilkaagii

Ha u tegin talaafiif

Xaajada togdheer taal

 

Ha ka didin tabaalaha

Ama tawsta waayaha

Goortay ku taabtan

Cidna ha u tawaawicin.”

Abwaan Xasan Dahir Weedhsame

Waxa aan dhammaan akhristayaasha ka codsanayaa in ay iska dhafan shalaytohadday fiicnaydna dadkale ayaa ka faa’iidaysanayey, marka adigu ka faa’iidayso maanta ayaa aad leedahaye waxa aad arkeysa bulshadeena oo mar kasta afka ku hasta shalay aaya ka wanaagsanayd maanta ciiladuna waa maanta waxa uu qaadikarilayahay masuuliyada saran oo markaa waxa uu ku calaacalaya shalay oo qoftegay masuuliyadiisaarnayd, iska illow in aad cudurdaar ka dhigatid shalay markii aan buuggaygan bilaabayey ee aan xogururinta wadday waxa ku jirtay su’aalihii aan dadka wayddiinayey su’aal odhanaysay:

Shalay iyo maanta teebaa wanaagsan? Dawladii hore iyo tan maanta tee wanaagsan? Waxbarashada maanta iyo tii shalay tee faa’iido badnayd?

Waxaa xoguruntaa ka soo baxay waxa ay noqdeen wax aad iga yaabiyey waayo dadkeenu waxa ay aammin sanyihiin ereyga”hore” oo waxa ay yidhaadeen shalay ayaa ka wanaagsanad maanta, marka waxa aan xaqiiqsaday in ay yihiin dhammaantood dad diidan masuuliyada saran saymaanta u dhaliilayaaee wax u saarayaan.

Marka waxa aan idiin sheegaya masuuliyada maanta naftaada ,bulshadaad iyo dadka guba kaaga baahanyihiin ayey shalayna u baahnaayeen, tii shalay cid ayaa nasiib u yeelatay marka adiguna ta maanta aya aad nasiib uleedahay barina ciidkale aya u leh, marka waa in aad maanta qaada masuuliyada halka kaaga aadan aadka gashaa waxa laga yaaba inta aaddedaalka waddo in aad aragto cid kasoo horjeesataa, haddii aad sifiican wax u waddana ha umalaynin in ay dad kuba wanaaggaga arkayaan dhammaantood oo ay ku tageerayaan ama ay si togan kuu arkayaan.

Waayo sida aanay fareeheenu usinaayn, aya aan fikradahooduna iyo maskaxdooduba u sinayn, waayo haddii lawada fiicnaan lahaa adduun kanbaa wax khaldama lama heleen, marka ha ku dheeraanin dadka kaa soo horjeeda ficiladooda wax laga yaaba in wakhti wax fiican aad kaga faa’iidaysanlah kaaga lumo.

Marka waxa aad tahay kii maanta ee ka faa’iidayso, waayo Illaahay ayaaba haddii aanad ahayn kii maanta aan ku abuureen ee shalay ku abuurilahaa,anaa hubo kii maanta aya aad tahee nolosha ku qabiil firfircooni iyo wax qabad aad u baaladha sidii aad tahay maalin kasta mid maanta dunida yimi, samee waxkasta oo horumar ku gaadhsiinaya wad jeclaan doontaa maantee.

Fikirkaada Waa Muhiim