Duumadu waa cudur halis galin kara nolosha. Waxay ka mid tahay cudurada faafa, waxaa sababa daris ku noole  il ma’aragta

Marka ay qofka qaniinto kaneecada qabta cudurka, sunta waxay ku daysaa jirka waxa ayna raacda wareega dhiiga, 48-72 saacadood gudahood sunta waxa ay ku badataa Unug-yada dhiiga cas, waxayna u safartaa xaggaa iyo beerka halkaas oo ay ku qaangaarto.

ahaa. Waxayna  ku faaftaa  qaniinyada kaneecada dumarka ah (Anophel mosquito).

 Marka ay qaniinto kaneecada qabta cudurka, sunta waxay ku daysaa jirka waxa ayna raacda wareega dhiiga, 48-72  saacadood  gudahood sunta waxa ay ku badataa Unug-yada dhiiga cas, waxayna u safartaa xaggaa iyo beerka halkaas oo ay ku qaangaarto.

 Duumadu waxa ay weerartaa oo burburisaa unugayada dhiig cas. Nooco ugu dhibta badan waxa loo yaqanaa Bii’ef (Plasmodium Falciparum), noocaan waxay burburisaa dhamaan unugyada  dhiiga cas haday noqon lahayd  kuwa la sameeyey iyo kuwa waaweynba, taasoo keeni karta  dhiig la’aan iyo cagaarshoow.

Calaamadaha Duumada

–       Qandho

–       Qarqaryo

–       Madax xanun

–       Dhidid

–       Matag.

–       Shuban caruurta yaryar ayaa badanaa  lagu arkaa.

Calaamadaha Heerka Khatarta ah

–       Miyirka oo doorsoomo

–       Cagaarshow

–       Midabka kaadida oo madow noqoto

Sidee Looga Hortagaa Duumada?

–       In la xirto maro kaneeco

–       In guriga la iska buufiyo

–       Deegaanka inay biyo fadhiistaan

–       In la qaato daawooyin laga hortegi karo kaneecada

–       Hooyada uurka leh in la siiyo  fansadaar ka hortag ahaan.

–       Dadka u safraayo meelo duumo ka jirtay inay qaataan daawada famsadaarka ah ka hortag ahaan.

Fikirkaada Waa Muhiim