Khubarada cilmi falagga ayaa markii ugu horraysay sawiray god madow oo ku yaal bah-meereyaal oo aad u fog.

Waxa bedka godkaa madoobi leegyahay 40 bilyan oo km oo ah bedka dhulka oo saddex milyan oo goor la laban laabay, waxaanay saynisyahannadu ku sheegeen wax “aad u weyn”.

Godka madoobi waxa uu dhulka u jiraaa 500 oo milyan oo tiriliyan oo km waxaana lagu sawiray shabakad ka samaysan sideed teleskoob oo daafaha dunida yaal.

Macluumaadkaa waxa maanta lagu baahiyey majallada Astrophysical Letters.

Sawirka wax qaaday shabakadda Event Horizon Telescope (EHT) oo ah shabakad ka kooban sideed teleskoob.

Prof Heino Falcke oo ka tirsan jaamacadda Radboud ee Netherlands oo tijaabada hindisy ayaa BBC-da u sheegay in godkaa madow laga helay bah-meereyaal la yidhaa M87.

“waxaanu aragnay wuu ka weynyahay hab-meeraha qorraxdeenna” ayuu yidhi.

“Wuxu cufkiisu ka weynyahay qoraxda 6.5 bilyan oo goor, waxaana godadka madow ee ugu culus ee aanu filayno kuwa jira. Waa bahal aad u weyn oo ah ka ugu culus godadka modow ee dunida ka jira”

Sawirka waxa ka muuqda “dab aad u ifaya oo ku wareegsan” sida uu sheegay Prof Falcke waxa ololkaasi si fiican ugu wareegsanyahay god madow. Ololkaa iftiimaya waxa sababay neefta aadka u kulul ee godka galaysa. Iftiinkaasi wuu ka nuur badanyahay wadarta balaayinta xidigood ee ku yaal bah-meeraha uu ku yaal, waana sababta masaafada fog ee dhulka ah looga arki kao.

Gedaanka goobada modow ee dhexda ku jirta ayaa ah goobta ay neeftu ka gasho godka madow, kaas oo ah walax cuf isjiidadkeedu aad u weynyahay, xataa ilayska ayaan dhaafi karin. Sawirku wuxu waafaqayaa muuqaalladii male awaalka ahaa ee ay sayinisyahannada iyo filim sameeyeyaasha Hollywood ka haysteen, sida uu sheegay Dr Ziri Younsi oo ka tirsan jaamacada University College Lodon, oo qayb ka ah iskaashiga EHT.

“In kasta oo marka si loo eego ay yihiin walxo yar yar, hadana godadka madoobi waxay carinayaan su’aalo adag oo la iska weydiiyo wakhtiga iyo meesha iyo ugu dambayn jiritaankeenna” ayuu yidhi.

“Waa wax lala yaabo in sawirka aan aragnay uu aad ula mid yahay wixii ka soo baxay xisaabihii male awaalka ahaa. Ilaa taaan waxa muuqata in Einstein saxnaa”.

Sawirkan koobaad wuxu cilmi baadheyaashaa u fududayn doonaa in ay wax badan ka ogaadan walxaha qariibka ah. waxay aad u darsi doonaan siyaabaha godka madoobi kaga duwan yahay wixii cilmiga fiisigisku u haystay. Cidnina hubaal uma garanayso waxa dhaliyay iftiinka ololaya ee godka ku gedaaman waxa abuura. Xataa waxa kale oo xiise leh su’aasha ah waxa dhici kara marka walaxi ku dhacdo godka madow.

Waa maxay godka madoobi?

  • Godka madoobi waa meel ka mid ah hawada sare oo aan waxba ka gudbi karin, xataa ilaysku
  • Walow magacu tilmaamayo god, hadana ma aha kuwo madhan ee waxa ka buuxa maatar badan oo bed yar aad ugu cufan, waxaanay taasi siisay cuf jiidad aad u badan.
  • Meeshani waa meel ka shishaysa godka madow oo la yidhaa Event Horizon. Goobtaasina waa “barta aan laga soo noqon” oo ay adag tahay in cuF jiidadkeda laga muruxsado.

Prof Falcke ayaa aragtida mashruucani ay ku dhalatay markuu ahaa ardayga ee uu diyaarinayey shahaadadiisa PHD sanadkii 1993, waagaas cidina uma haysan wax dhici kara. Laakiin waxa uu ahaa qofkii ugu horeeyey ee ogaada in nooc kamid ah mawjadaha radio-gu ay ka samaysmi karaan meel u dhow iyo hareeraha godka madow, kuwaas oo awoodooda ay dareemi karaan teleskoobayada dhulka yaallaa.

Waxa kale oo uu xasuustaa in uu qoraal sayinis ka akhriyey 1973 in maadaama oo cuf jiidadkoodu wayn yahay in godadka madoobi 2.5 goor ka muuq weyn yihiin xajmigooda dhabta ah.

Labadaa arimood ayaa wixii aan wax suurto galaya loo haysani ka dhigay inay noqdaan suurto gal. labaatan sano ka dib markuu aragtidiisa soo bandhigay Prof Falckle waxa uu ku qanciyey golaha cilmi baadhista midowga yurub in ay mashuurcan maal geliyaan. Hay’adda qaranka ee sayiniska iyo haya’do kale oo bariga Aasiya ku yaal ayaa iyaguna markii dambe maalgelinta mashruuca ka qayb galay oo waxay ku bixiyeen £40 milyan iyo dheeraad.

Waana maal gelin natiijadan soo baxday lagu iloobayo. Prof Flcke ayaa ii sheegay inuu dareemayo “inay tahay hawl dhamaystirantay”.

Wuxu yidhi “socdaal dheer buu ahaa laakiin waxani wuxu ahaa waxaan doonayey in aan indhahayga ku arko. Waxaan doonayey in aan ogaado ma xaqiiq baa?”

Teleskoob keli ahi siduu doono ha u awood batee muu sawiri karayn godka madow, sidaa awgeed ayaa waxa la bilaabay tijaabadii ugu weynayd ee nooceeda ah, Prof Sheprd Doeleman oo ka tirsan xarunta Smithsonian ee jaamacadda Harvad ee cilmiga Astrophysics ayaa hormuud u ahaa mashuurca isku xidhayey sideed teleskoob. Waxaana shabakaddaa loo bixiyey Event Horizon Telescop waxaana lagu sheegi karaa suxuuntooda marka la isku daro in ay bedka dhulka leegyihiin.

Mid walba waxa la dhigay meel taag ah oo fog, oo ay ka mid yhiin buuraha fulkaanuhu ka qarxo ee Hawaii iyo Mexico, buuraha Arizona iyo kuwa Spanish Sierra Nevada, lamada degaanka Atacama ee Chile iyo Antarctica. Koox sayinisyahanno ah oo ka kooban 200 ayaa teleskoobyadaa ku jiheeyey bah-meeraha M87 oo badhtamihiisa sawirayey muddo 10 maalmood ah.

Xogta ay soo ururiyaan oo aad u badnayd awgeed internet-ka laguma diri karayn oo waxa lagu kaydiyey boqolaal cajaladaha la yidhaa Hard Drive, waxaana loo diray xarumaha lagu axadhayo xogtaas oo ku kala yaal Boston oo Maraykanka ah iyo Bonn oo Jarmalka ah. Katie Bouman oo ah ardayad diyaarinaysa PhD oo dhigata jaamacadda MIT ayaa waxay hindistay hab xogtaa la soo ururiyey lagu axadhayo. Hindiseheegaa la’aanteed mashruucu muu hir galeen. Prof Doeleman ayaa xogtaa la helay ku tilmaamay “guul aan caadi ahayn oo sayinis”.

“Waxaanu gaadhnay waxa loo haystay in aan la gaadhi karin sannado ka hor” ayuu yidhi.

“Horumarka tiknoolajiyada, isku xidhka teleskoobyada dunida daafaheeda kala yaa iyo qorshaha casriga ah ee gabadhu hindistay ayaa dhamaantood markay isku yimaadeen furay daaqad cusub oo laga dheehan karo godadka madow”.

JASON GALLICCHIO

 

Kooxdu waxay is waydiinaysaa in uu jiro god madow oo wayn oo ku yaal bu’da bah-Meeraheena la yidhaa Milk Way.

Wax aan maan gal ahayn baa la moodaa, laakiin arintaa haatan la ogaaday ayaa ka adkayd oo ah in sawir laga qaado bah-meere 55 milyan oo sannad ilays inaga fog. Sabab aan la garanayn awgeed na, “goobada dabka ah” ee ku gadaaman godka madow ee ku yaal Milk Way ayaa aad uga yar oo ka iftiin yar kan haatan la helay.

Fikirkaada Waa Muhiim