Haweenay 99 sano jir ahayd oo u dhalatay dalka Maraykanka ayaa markii ay geeriyootay kaddib waxaa la ogaaday in xubnaha jirkeeda ee muhiimka ahi ay ku yaaleen meel caadiyan aadanaha kale aysan uga oolin.

Haweeneydan oo lagu magacaabo, Rose Marie Bentley, oo geeriyootay bishii Oktoobar ee sanadkii 2017, ayaa intii ay nooleyd waxa ay ka dardaarantay in marka ay geeriyooto meydkeeda loogu deeqo ardayda kulliyadda caafiamadka ee Jaamacadda Portland ee gobolka Oregon ee waddankaasi Maraykanka.

Ardaydii oo qalliin ku baranaya meydka haweeneydaasi ayaa markii dambe ogaaday in inta badan xubnaha muhiimka ahi ee haweeneydaasi sida caloosha, beerka iyo uur ku jirta kale aysan ku oolin meelaha cadiyan lagu bartay in bini’aadamka ay uga yaalaan.

Dhawr jeer oo hore ayaa qalliin lagu sameeyay haweeneydaasi balse cidna ma aysan ogaan arrintan.

Dhakhaatiirta ayaa la yaabay in haweeneydan ay si caadi ah u nooleyd oo waliba ay da’ ahaan gaartay ku dhawaad boqol sano iyada oo xubnaha jirkeeda aysan ku oolin meeshii loogu tala galay.

 

Haweeneydan ayaa beerkeeda, caloosha iyo xubnaha kale ee uur ku jirteeda ka midka ahi ayaa halkii ay dhanka midig ku oolli lahaayeen waxa ay ku yaaleen dhanka bidix. Balse wadnaheeda ayaa sidii cadiga ahayd ku yaalay dhanka bidix.

Arrintani waa mid “aan caadi ahayn”, ayuu yiri Dr. Cam Walker, oo ah macalin ka tirsan Jaamacadda Caafimaadka iyo Sayniska ee Oregon isla markaana ku takhasusay jirka bani’aadamka, kaasi oo ka caawiyay ardayda fasalkiisa in ay ogaadaan in xubnaha haweeneydan ay ku yaaliin meel aanan marnaba laga filanayn oo in lagu arko ay nadir tahay.

Dr Walker ayaa BBC-da u sheegay in ardaydu ay arrintani ogaadeen xilli ay qalliin ku sameynayeen xididdada dhiigga qaada ee wadnaha, waxa uuna intaasi ku daray in ardaydu ay xubnahaasi ka waayeen meeshii caadiyan ay ku ooli jireen.

Ardayda ayaa ogaatay in jirka Bentley inta la og yahay uu aad uga duwan yahay jirka kale ee bani’aadamka.

Dadka Bentley oo kale ah ayaa aad ugu yar dunida oo waxaa la sheegaa in 22,000 ee qofba laga dhex heli karayo hal qof. Waxaana dadkani la sheegayaa in inta badan ay qabaan xanuunno dhanka wadnaha ah oo nolashooda halis gelinaya, sidaa awgeedna waxaa wax lala yaabo noqotay in Bentley ay nooleyd muddo 99 sano ah.

Dr Walker ayaa sheegaya in qiyaastii 50-kii milyan ee carruur ah ee ku dhalata xaaladdan, uu mid kaliya un ka noolaado oo uu qaangaaro. Waxa uu sheegay inay rumeysan yihiin in Bentley ay tahay qofkii ugu horreeyay oo noocaasi ah oo da’daasi gaara.

Laba qof oo kaliya ayaa inta la ogyahay u diiwaangashan seynisyahaanada adduunka, kuwaasi oo gaaray 70 sano iyaga oo xubnaha jirkooga ay ku yaaleen meel aan ahayn meeshii cadiyan loogu tala galay.

“Dhakhaatiirta asxaabta aynu nahay midkoodna waligii ma uusan arkin qof jirkiisa ku deeqay oo beerkiisa iyo xubnaha kale ee jirka ay ku yaaliin meel kale. Saaxibadey qaarkood waxay jaamacadahani dhigayeen muddo ka badan 30 sano,” ayuu yiri Dr Walker. “Weligey ma arkin wax sidaasi oo kale ah.”

“Ardayduna, sida ay ila tahay, waligood ma illaawi doonaan,” ayuu sii raaciyay Dr Walker.

Bentley waxay inta badan ku nooleyd gobolka Oregon, gaar ahaanna magaalada Molalla. Carruurta Bentley ayaa jaamacaddaasi u sheegay in hooyadood ay ku nooleyd nolal cafimaad leh, waligeedna aanan laga helin xanuun halis gelin karaya nolasheeda marka laga reebo xanuunka tufta.

Bentley iyo seygeeda ayaa labaduba waxay go’aansadeen in meydkooda ugu deeqaan jaamacada ee Oregon, ka dib markii ay akhriyeen gabay uu qoray Robert Noel Test oo ku saabsana xusuusta ehelkaaga aad jeceshay ee kaa dhintay.

Fikirkaada Waa Muhiim