Sida aan wada ognahay ilmagaleenka waxa uu u gaar yahay dumarka, waxa uuna  marti galiyaa cunnuga anaan wali dhallan.

ilma galeenka waana hibada hablaha ka dhiga Hooyo, waxaa ku- koro caruurta aanan  wali dhallan, waxa ay ku jiraan   muda ka badan 39 isbuuc  ama 9 bil iyo dheeraad . Mararka qaar waxa gaaro ilmagaleenka dhaawac kaaso keeno ilmagaleenka oo qarxo (uterine rupture).

Haddaba Gormaa Ayaan dhihi karnaa Ilmagaleenka Waa Uu Qarxay (uterine  rupture)?

Ilmagaleenka marka uu gaaro dilaac darbiyadiisa, Hooyada marka ay lakulanto xannuun foosha ood badan sida  marka Hooyada la siiyo cirbada Bulshadeenna u yaqaanaan kululeeyso (Oxytocin) ayadoo Hooyada  ay heeyso  xannuunka foosha, waxa ay keentaa  Hooyada xannun foosha oo labba jibaarmo taasoo murqaha ilma galeenka uu awood u yeelan waayo , waxa ay keentaa ilma galeenka oo qarxa.

Sidoo kale waxyaalaha sababba ilma galeenka oo qarxa waxaa kamid, Hooyada marka lagu dooxo cunnuga,  cunnugeeda labbaad marka ay foolanayso murqaha ilmagaleenka awood uma laha xannuunka foosha hooyadu waxa ay halis ugu jirtaa ilma galeenka qarxa, taasoo halis galin karo nolosha Hooyada iyo cunnugeedaba.

Haddaba Kaallay Aan Isla Aragnee  Caalamada Lagu Garto Ilma galeenka Oo Qarxo(Uterine Rupture):

  • Dhiig bax badan ka imaaado xubinta taranka dumarka.
  • Xannuun oo Hooyada ay kadareento caloosha (Abnormal abdominal pain).
  • Foosha oo hormar sameen waaydo .
  • Wadnaha garaac aan caadi aheen oo lagu arko cunnuga.
  • Cadaadiska dhiiga hooyada oo hoos u dhaca.

Hooyadee  Halis Ugu Jira  In Uu ilma galeenka Qarxo?

  • Hooyada si qaldan lagu isticmaalo ciribada Bulashadeenna u yaqaanaan kululeeyso (oxyticin).
  • Hooyada laga dooxay cunnuga hore marka ay dhalayso cunnugeeda labbaad. Waxa ay halis ugu jirtaa .
  • Hooyada dhashooda oo u dabco murqaha ilma galeenka waxa ay halis ugu jirtaa ilma galeenka oo qaraxa xilliga foosha.

Sidee Loo Maareeyaa Hooyada Marka uu Ilma galeenka Qarxo:

  • Hooyada waxa ay u baahan doontaa dhiig in lagu shubo.
  • Haddii uu dhiig joogsan waayana , waa in Hooyada loo sameeyaa qaliin looga soosaaraayo ilma galeenka oo idil , taas oo ah badbaadinta nolosha hooyada.

Fikirkaada Waa Muhiim