Geedku waxa uu qaataa nafaqooyin kala duwan, si uu uguto shaqooyinkiisa. Waxaana jira macaadino uu geedku aad ugu baahan yahay si uu ukobco geedku. Inta badan culimada sayniska ayaa soo waarida in ay jiraan 16 macdano ah ku waasoo geedka aad ugu muhiima sida koritaanka iyo noloshiisa.

Lix iyo tobankaa curiye waxaa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah qayb macdan ah iyo qayb aan macdan ahayn.

Qaybta aan macdanta ahayn

  1. Haydarojiin.
  2. Ogsijiin.
  3. Kaarboon.

Saddexdaa curiye waxaa laga helaa hawada iyo biyaha. Waxaana looga helaa hab looyaqaan footosintasis, dhirta ayaa adeegsata tamar taasoo ay ka helaan qorraxda. Waxayna ubaddelaan kaarboon laba ogsaydh, ogsijiin iyo biyo oo iyana loo sii kala jabiyo “haydarojiin iyo ogsijiin”, istaaj iyo sonkor. Istaajka iyo sonkorta waxaa cunto ahaan iyo kaydba u adeegsada dhirta.

Qaybta macdanta

Qaybtaan waa qayb ka kooban 13 macaadino ah ku waasoo laga helo carrada, biyaha. Isla markaana ay usoo nuugaan xididdada geedka iyagoo ka sooqaadaya salka hoose geynayana caleemaha iyo meelaha ugu sarsareeya geedka. 13 kaa curiye kuma filna geedka koritaankiisa iyo bad qabkiisa caafimaad ahaan. Taasna waa sababta beeralay badan ay u adeegsadaan bacrin si loogu baddelo qaab sahlan oo xididku u soo nuugi karo.

Guud ahaana macdanta waxaa lookala bur-buriyaa laba qaybood oo kala ah:-

  1. Micronutrients
  2. Iyo macronutrients.
  3. Qaybta micronutrientska ah waa macdanta muhiimka u ah koritaanka geedka taasoo uu geedku uga baahan yahay qadar aad uyar. Waxaana kamid ah:-
  4. Boron “B”
  5. copper “Cu”
  6. Aron“Fe”.
  7. Chloride “Cl”.
  8. Manganese “Mn”.
  9. Molybdenum “Mn”.
  10. Iyo Zink “Zn”.
  11. Macronutrients:-
  12. Nitrogen “N”.
  13. Phosphorus“p”.
  14. Botassium “K”.
  15. Calcium “Ca”.
  16. Magnesium “Mg”.
  17. Iyo sulfur “S”.

Macaadintaan ayaa looga baahan yahay qadar aad ubadan si uu u koro geedka una noolaado. Haddii macaadintaa la helo looma baahnaanayo wax bacrin ah. Sababtoo ah iyagaa ku filan geedka in uu noqdo mid dhan walba ka haqabtiran.

Waxaa jira macaadino kale oo iyana qabta shaqooyin kala duwan. Taasna waxay kuu muujinaysaa in noola kasta uu ubaahan yahay macaadino si uu noloshiisa unoqoto mid dhamays tiran dhan walba. Waxaa jira intaa aan curiye ka soo sheekaynay in ay qabtaan shaqooyin gaara taasoo uu geedku ubaahan yahay.

Micronutrients

Boron “B”

  1. Waxay caawisaa isticmaalka nafaqooyinka iyo isku dheelitirnaanta curiyayaasha uu geedku qaato.
  2. Waxay ka caawisaa in uu geedku soo saaro sonkor iyo kaarboon haydarayt.
  3. Waxa uu muhiim uyahay iniinyaha iyo miraha.
  4. Meelaha laga helo curiyahaan waa orgaanikada iyo boorakis “borax”.

Copper “Cu”

  1. Waxay muhiim utahay tarminta geedka iyo koritaankiisa.
  2. Waxay xididka ka caawisaa burburitaanka cuntada kiimikada ah iyo isticmaalka nafaqada “proteins”.

Chloride “Cl”

  1. Waxa uu caawiyaa geedka si cuntada kiimikada ah lookala burburiyo loogana dhigo mid la isticmaali karo.
  2. Waxaa laga helaa carrada.

Iron “Fe”

  1. Waxa uu muhiim uyahay samaysmidka kaloorafiilka.
  2. Waxaana laga helaa carrada, aayroon salfaytka iyo aayroon jilayt “iron chelate”.

Manganese “Mn”.

  1. Shaqada ugu weyn uu qabto waa burburinta insaymiska ama dheecaanka waxaana lookala burburiyaa kaarboon haydarayt iyo naytarojiin.
  2. Waxaana laga helaa carrada.

Molybdenum “Mo”.

  1. Curiyahaan waxa uu geedka ka caawiyaa isticmaalka naytarojiinta.
  2. Waxaana laga helaa carrada

Zink “Zn”

  1. Waxay muhiim utahay geedka waxayna ka caawisaa safrida iyo in cuntada iyo macaadinta lageeyo gabi ahaanba geedka.
  2. Waxayna isku dheelitirtaa adeegsiga sonkorta.
  3. Qayb kamida dheecaanka “enzymes” ka ka dhigtaa mid geedku adeegsan karo si uu uga caawiyo koritaanka.
  4. Waxaana laga helaa carrada, sinki ogsaydhka, sinki salfaytka iyo sinki jilaytka “zink chelate”.

Macronutrients

Nitrogen “N”

  1. Waa qayb kamida dhammaan noolaha oo dhan, waxaana lagama maarmaan utahay borotiinka, dheecaanka iyo cuntada samaysmidkeeda si loo safriyo tamarta.
  2. Naytarojiintu waa qayb kamida kaloorafiilka, taasoo ah maado geedka u yeesha midabka loo yaqaan cagaarka. Waxayna ka masuul tahay samaysmidka footosintasiska.
  3. Waxay geedka ka caawisaa in uu sida ugu dhakhsiyaha badan uu ukoro. Wuxuuna siyaadiyaa iniinyaha iyo maxsuulka miraha, waxayna kor uqaadaa tayada caleenta iyo dalaga.
  4. Naytarojiinta badanaa waxaa laga helaa walxaha loo adeegsado bacrinta. Sidoo kalena waxaa laga helaa hawada oo boqolay ahaana aytahay 78%, biyaha iyo roobka da’aya. Inkastoo roobka ay ku yartahay oo ay ku badantahay naytarojiinta hawada.

 

Phosphorus “P”

  1. Si lamida naytarojiinta ayey aad muhiim ugu tahay footosintasiska, waxayna ka caawisaa habka uu u samaysmaayo.
  2. Waxayna ku lugleedahay samaysmidka carrada, sonkorta iyo istaajka.
  3. Waxayna caawisaa isbeddelka tamar qorraxeedka, waxayna ubadashaa tamar kiimikeed si uu geedku ugu koro.
  4. Waxayna aad ugu lug leedahay in sida ugu dhakhsiyaha badan uu ukoro geedku.
  5. Waxayna caawisaa ubaxa iyo koritaanka caleenta.
  6. Waxaana badanaa laga helaa walxaha bacrinta ah, lafaha hilibka iyo subar fosfayt “superphosphate”.

 

Potassium “K”

  1. Botaashiyaamta waxay geedka ka caawisaa in uu awood uyeesho in uu soo nuugo xaddi aad ubadan oo macdano ah marka laga reebo naytarojiinta iyo kaalshiyaamta.
  2. Waxay ka caawisaa borotiinada, footosintasiska miraha iyo yaraynta cudurada ku dhaca geedka.
  3. Botaashiyaamta waxaa isticmaala dhirta iyadoo ay ka helayso carrada, orgaanikada iyo bacrinta.
  4. Kaalshiyaamta waxay muhiim utahay unugyada geedka iyo muuqaalkooda, waxayna siinaysaa awood uu geedku wax ku safrinkaro iyo haynta macaadinta sidoo kalena koritaanka ayay qayb aad umuhiima ka qaadataa, waxayna saamayn weyn ku leedahay aasiidhka iyo bayska waxayna ka dhigta mid dhexdhexaada carrada.
  5. Waxaana laga helaa nuurada iwm.
  6. Waa qayb kamida kaloorafiilka, waa maado cagaarisa caleenta taasoo uu geedku ka samaysto footosintasiska, waxayna aad uga shaqaysiisaa dheecaanka “enzymes” ka kaas oo geedku uga baahan yahay koritaanka.
  7. Waxaana laga helaa macaadinta carrada ku jirta, orgoonikada, bacriminta, iyo nuuradda.

 

Sulfur “S”

  1. Waxay aad ugu muhiim tahay cuntada.
  2. Soo saaritaanka borotiinka.
  3. Waxay kor uqaada siyaadisaana muhiimada uu leeyahay dheecaanka iyo fiitamiiniska.
  4. Waxayna caawisaa samaysmidka kaloorafiilka.
  5. Waxay kor uqaadaa koritaanka xididka.
  6. Waxayna qayb ka qaadataa soo saaritaanka iniinyaha.
  7. Waxayna ka caawisaa in uu geedku sida ugu dhakhsiyaha badan uu u koro.
  8. Waxayna awood usiisaa in uu geedku iska caabiyo qabowga.
  9. Waxaana laga helaa carrada.
  10. Roobabka ayaa badanaa laga helaa.
  11. Waxaana salfarta loo isticmaalaa bacrin ahaan, sida walxaha aan saafida ahayn.
  12. Waxaana lagu yareeyaa xaddiga bacrinta xad dhaafka ah.
  13. Waxaana loo adeegsadaa cusbo ahaan si kor loogu qaado isticmaalka salfarta.

Fikirkaada Waa Muhiim