Daawo dhireeda Soomaalidu Taariikh fog bayleedahay marka laga hadlo sida ay uga faa’idaysan jireen, waxaadna daremaysaa inay ahayd wax la yaab leh. Dad badan ayaana ku bogsaday daawada Dhirta halka ay dad badanina kaga waxyeeloobeen, ma’ aha hadaba inaan Dhirtu daawo lahayn ee dhibaatada ka timaadaa waa aqoon daro ka timaada /dadka qaata iyo kuwa wax ku dabiiba.

Waxaan si cilmi ah loo aqoon inta loo baahan yahay?’ iyo goorta loo baahanyahay?’ iyo weliba halka loo qadan karo?’ Walxaha aan laqaadan karin inta daawadu kuu socoto iyo guud ahaan sida loo isticmaalo. Taana waxaa keenay himilada la siyo xaga horuumarinta daawo dhireeda oo aad u liidata, ayna sababsatay labadan arimood:

  1. Dadka wax ka yaqaan inuu daawo dhireeda oo qarsada, ama aan ogolayn in lagga ogaado

  2. Dhakhaatiirta oo aad u yasta daawo dhireeda qaybna aan ka qaadan inay dersaan waxayna ku kaaftoomeen daawada kiimikada ah, ee Culimada dhigoodu sameeyeen.

Haddaba waxaa hubaal ah inay dhirtu leedahay daawo fiican haddii lagu sameeyo daraasad (baadhid) Oo dadka yaqaan cilmiyada Biologyga iyo Botanygu iskaal maystaan. Soomaalidii hore waxay yaqaaneen cilmiga lafo- gurida, Oo waxay guri jireen lafaha madaxa, waxayna kabi jireen feedhaha, dhudhumada, miskaha, kalxamaha iyo qoorta. Waxayna kaalmaysan jireen dhir.

Waxa kale oo ay dawada dhirta u adeegsan jireen xanuunada dhiig baxa, kelyo xanuunka, xanuunada carruurta iyo kuwo kale oo badan oo cuduro iyo calaafaadyo ah.

Cudurrada carruurta ayay iyadana si farsamo leh ugu dabiibi jireen waxaana xusuus leh dhir karinta caruurta, dhirtu haddaba waxay leedahay daawo fiican oo wax anfici karta. Culimo ‘dhaqtaro” badan oo hadda caalamka ku nool ayaana aad ugu dooda in daawo dhireedu ka tayo wanaagsan tahay daawada kiimikada ah. Waxayna kula taliyaan inuu dadku daawo dhireeda isticmaalo, halka ay ka isticmaalaan daawada kiimikada ah.

Dhaqaatiirta soomaaliyeed waxey u door bideen in ay ku daaweeyaan daawooyinka dhirta waxaa ka mida:

1. Daawooyinka kiimikada ee aduunku maanta isticmaalo oo ku fashilantay iney xal la taaban karo u keento xanuuno badan oo maanta dunida ka jira.

2. Daawooyinka kiimikada oo iyagu aanan laheyn tayadii ay wax kaga qaban laheyd cudurrada.

3. Daawooyinka kiimikada oo maanta helay suuq iyo aqoonsi xooggan sababteyna in qaar badan oo ka mida la been abuuro laguna sheego daawo wax katarta cudurada iyadoona aheyn daawo sax ah.

4. Iyadoo keenta dhibaatooyin soo dag daga ama dib ka yimaada inta badan.

5. Iyadoo la hubin qiyaasta ku jirta daawada ama la soo sawir gareeyo.

6. Daawooyinka kiimikada cumri ahaan waxey jirtaa qarni iyo dheeraad, mudada intaa ahna aan wax xal ah u keenin inta badan cudurrada halista ah ee maalin walba dadka u dhamaanayo.

7. Iyadoo ka kooban maado ama maadooyin isa saaran oo lagu wajaho xanuunada balse aan laheyn faa’idooyin kale sida nafaqooyinka vitaminiska iyo difaac midna. Tusaale daawada dhirta haddii aad u baahato maado qallajiye ah waxaad heleysaa dhir leh maadadii qallajinta leh vitamins proteins iyo faa’idooyin kale oo wada socda iskuna ah 1 geed oo keliya halka daawada kiimikaalka ay tahay 1 maado oo ka kooban maadadii qallajinta aheyd oo keliya.

8. daawooyinka dhirta haddii ay jirka ka waayaan wax cudur ah isla markiiba waxey isu beddelaysaa cunto oo durbadiiba waa ay baaba eysaa. Halka daawooyinka kiimikaalku jirka haddii ay ka weyso cudurkii loogu talagalay ku dhegto meel kamida jirka isla markaana gubto.

Dhaqaatiirta daawo dhaqameedka ayaa dadka uqora daawo iyagoo u qora waqti go’an balse waqtigu uu san kala duwaneyn, muddo dheer daawo waxaana ka mida.

  1. Cudurrada isku mid ma aha oo waa kala wax yeelo badan yihiin waana kala qatar san yihiin saameyntooda jirkana waa ku kala duwan yihiin. Qaar ayaa wax yeeleeya xubno badan qaar ayaa keena ama sababa iney yimaadaan xanuuno iyo cudurro kale qaar ayaan bukaanka fahmi karin lana socdaa muddo dheer.
  2. Inta badan bukaanada oo aan dhaqaatiirta la xiriirin marka ugu horeysa ee ay xanuun isku arkaan iyagoo sahashada xanuunka markuu bilowga yahay dadkeena soomaalida ah ayaana arrintaan ku badan tahay. Tani waxey sababeysaa in xanuunku jirka ku fido sababo xanuuno kale cudur dhaliyihii oo daawooyin badan deris ku noole la noqday oo daawada iyo cudur dhaliyahii dagaalami lahaa oo saaxiiba.

Xanuunada inta badanna soo gaara oo ah kuwo qaan gaar ah ama ku dhow asbaabahaa iyo kuwo kaleba waxey nagu boorinayaan in daawooyinka la qaato muddo si jirka u helo daawo tayo leh cudurkana jirka ka dhamaado. Tusaale daawooyinka caabuqa ku dhaca kaadi mareenka waxaa la qaataa 7 beri ilaa 14 beri.

Fikirkaada Waa Muhiim