Taarikh kooban oo ku saabsan colaadda Soomaaliya


Labaatankii sano ee dagaalku iyo collaada Soomaaliyeed socotey, isbedelo caalami ah ayaa dhacay oo bedelaayey garashada xaaladda Soomaaliya. Waxay ku bilaabatay dagaal sokeeye burburkii dowladda dabadeed iyo iskalagur qabyaaladeed ilaa iyo 90nadii markii ay soo baxeen qabqablayaasha dagaal ilaa iyo maanta oo ay Soomaaliya ka jirto dagaalada ku salaysan qabyaaladda.

Taasi waxay la kulantay isbedelkii adduunka uu ka gudbay dagaalkii qaboobaa uu una gudbey dagaalkii argagixisada taasoo wax ka bedeshey dagaalkii Soomaalida iyo taageeradii ay caalamka ka helayeen.

Taasi waxay u keentay dhibaato dadka Soomaaliyeed iyo haayadaha caalamiga ah oo doonaya in ay nabadgelyo dalka dib uga dhisaan. Dedaallo caalami ah oo la wadey oo la moodayey in ay xal u keenayaan xaalada Soomaalida ayaa noqday qaar aan ku habboonayn wakhtigaa markaa la joogey. Qoraalkani wuxuu baaritaan ku sameynayaa sida ay isu bedeshey xaaladda dagaalka iyo colaadda Soomaaliya iyo marxaladihii ay soo martay.

 

Dagaalkii qaboobaa illa iyo dagaalkii sokeeye 1988 –91 kii

Burburkii dawladda Soomaaliyeed waxaa keenay faragelin debedda ah iyo kacdoon gudaha ah. Faragelinta dibedda waxaa keenay gumaysigii reer Yurub oo u qaybiyey Soomaaliya shan maamul, iyo dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya oo lagu xoraynaayey Ogadeniya taasoo ay isku hayeen dawladaha reer galbeedka ah iyo kuwa reer bariga ah (Dagaalkii Qaboobaa).

Kacdoonkii gudaha oo ka yimi musuqmaasuqii qaraaba-kiilka oo soo if baxay, taasoo ka hor timi dhaqan Soomaaligii reer miyiga ahaa oo ku dhisnaa qabaa’ilka Soomaaliyeed.

Soo baxniinkii dhaqdhaqaaqii xornima doonka Soomaaliyeed (SNM) oo samaysmay 1982kii iyaga oo ka heli jirey tageeradooda qabiilka weyn ee Isaaq. SNMtu waxay dagaal sokeeye oo balaaran ku qaaday ciidammadii dawlada u fadhiyey Burco iyo Hargeisa, taasoo ay dawladdu kaga jawaabtey si naxariis-darro ah gaar ahaan wixii qabiilka Isaaq ah oo ay dishey 50,000 oo ruux oo barakicisay 650,000 oo u firdhaday Itoobiya iyo Jabuuti.

Waxa soo dedejiyey buburkii dawladda Soomaaliya markii dagaalkii qabooba laga gudbey oo dawladaha reer galbeedkii danahoodii ka gaadheen geeska Africa, kaasoo keentay in ay ka joojiyaan mucaawimooyinkii ay siin jireen oo dawladdu ku taagnayd.

Ka bacdi markii laga joojiyey dhaqaalihii uu ka heli jirey reer galbeedka ayaa Siyaad Barre ay ka fara baxday maamulkii wadanka iyo ciidammada. Bishii Janaayo 1991 kii Xoogbaa loogu saaray Siyad Barre Muqdisho waxaana ka saaray ciidamadii Isbahaysiga ee Soomaaliyeed (USC) oo ay taageerayeen qabiilka Hawiye ee ku dhaqan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Burburkii dawladda, dagaalkii qabaa’ilka iyo abaartii 1991– 92 kii Soomaalidu waxay ku isticmaalaan ereyga burbur waqtigii laga bilaabo Dec 1991 – March 1991. Markii dawladdii dhacday uuna bilabmay dagaalkii qabyaaladeed ee lagu burburiyey boob hantidii dawladda iyo magaalooyinka iyo debeddaba.

Dagaaladii 4 bilood oo ka socdaey Muqdisho 1991 iyo 1992kii waxa ku dhintay 25,000 oo qof. Waxa u qaxay malyuun iyo bar dibedda dalka iyo 2 malyan oo gudaha ku barakacay.

Bartamihii abaarta, iyo burburkii bulshada iyo dhaqaalaha, boobkii hantidii dawladda, xasuuqii qabyaalladda iyo kala go’ii isu socodka gaadiidka cuntada wuxuu sababay inay gaajo u dhintaan 250,000 oo qof. Waxaanu u badnaa dadkii wax ma haysata ahaa ee beeraleyda u badnaa oo ku dhow goobaha uu maro webigu ee koonfurta Soomaaliya oo maleeshiyadda hubaysan ee qabiilka waaweyn ay mar walba ku duulayeen.

Gurmadka debedda ee Soomaaliya waxaa dib u dhigay iyadoo adduunku ku jeeday dagaalkii Khaliijka iyo wadammadii ka go’ay Ruushka.

Dawladda Jabuuti waxay isku dayday inay samayso heshiiskii ugu horreeyey June – July 1991 kaasoo suuroobi waayey. Qarammda midoobay waxay isku daygii ugu horreeyey samaysay bilowgii 1992kii markii la gaaray heshiiskii xabbad joojinta dagaalkii Cali Mahdi iyo Gen. Caydiid. Waxa ku xigey ololihii Qaramadda Midowbey ee – UNISOM ay ku guul darraysatay joojinta iyo wax ka qabashada abaarta.

Dagaalkii sokeeye Soomaaliya wuxu bilaabmay iyadoo adduunku iskala beddelaayo iyo Mareykanka oo keligii caalamka hoggaaminaya, dagaallo cusub oo meela kale ka soconaayey iyo dawlado xakuumadahoodii burbureen.

Soomaaliya waxay noqotay meeshii ugu horreysey ee la kulanta in la geeyo waxtar bini’aadamiyeed iyo ciidammo shisheeye oo baaxad ballaaran. 1992 Xakuumadda mareekanku waxay ansixisay in ciidammo Mareykan ah la geeyo Soomaaliya si ay u taageeraan gargaarka JQM (UN) ay ka waddey Soomaaliya.

U.S. Marine Staff Sgt. Ken Haugen points a pistol a Somali youth after seizing it from the 15 year-old boy near Mogadishu’s “Green Line” February 14, 1993. Under rules drawn up by the 23-nation force deployed in Somalia to end the looting of food aid, no one is allowed to carry weapons without clearance from the Americans. REUTERS/Dan Eldon (SOMALIA)

Unosom waxay ahayeen 30,000 oo ciidammo waddammo kala duwan ka yimid waxa hoggaanka haayey ciidammada Mareykanka. Iyadoo caalamka dusha laga tusaayey in waxa loo galay Soomaaliya inay tahay in la gaarsiiyo taageero bini’aadamnimo waxa kaloo weheliyey Madaxweyne G. Bush oo ku ballan qaaday Nidaamka Cusub ee Adduunku ku dhaqmo (New World Order) ka dib markuu dhammaaday dagaalkii qaboobaa. Unosom muddo 3 sano ah ayey hoggaankii siyaasadda Soomaaliya haysatey.

Unosom waxay adduunka tustay in Soomaaliya la dayacay waxay badbaadisey dad badan oo bixi lahaa haddaan taageeradii cuntooyinka lagaarsiin. Unosom waxay suurtagelisey heshiisyo ammaanka haggaajiyey. Waxay dib u furtay gegidii diyaaradaha iyo dekedda Muqdisho waxayna samaysay hayado gudaha ah oo bixiya adeegyada qaarkood. Shaqo-abuur bay samaysay oo dhaqaale badan bay waddanka soo gelisey waxaana soo baxay ganacsato cusub aan hore u jirin.

Hase yeeshee Unosom waxay ku fashilantay dib u heshiisiinta iyo hub ka-dhigidda kooxaha dagaalamaya. Jamciyadda Qaramadda (UN) waxay maalgelisey shirarkii nabad raadinta ee 1993 Addis Ababa iyo Kenya 1994. Unosom waxa lagu canbaareeyey inay qab-qablayaasha dab ka dhex oogeyso markii ay doontay in lasoo qabto Gen. Caydiid taasoo keentay sooridkii diyaaradda Black Hawk oo sababtay inay ciidammada Mareykanku ay kabaxaan Soomaaliya.

Waxa loo badinayaa in dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah ay waqtigaa bilaabmeen. Osama Bin Ladin ayaa ku cambaareeyey Unosom inay ku duushey waddan Muslin ah.

Hadaba, maxaa laga baran karaa dhacdooyinkii foosha xumaa ee dalka uu soo maray? Maxaa keenay farogelinta shisheeye oo ay koow ka yihiin wadamada deriska, oo aad moodo in la yiri “dhulkaas qofkii u horumaro ayaa iskaleh”.  Waxaa muhiim ah in aan taariikhda wax laga barto.

Taariikh yar oo kooban, oo wareysi uu ku bixiyay Ra’iisul wasaarahii horre xukuumada Itoobiya.

:: Ra’iisul wasaarahii horre xukuumada Itoobiya wuxuu shaaca ka qaaday sida uu damacsanaa in uu xukunka dalkiis ka dego inta aan la gaarin laba sano. Waxa uu sidaas ku sheegay waraysi uu siiyey Jonathan Dimbleby oo ah weriye aad looga yaqaan dalka Ingriiska, waraysiga oo May 29, 2007 lagu baahiyey warbaahinta.

:: Waxa kale oo waraysigaas uu Meles Zenawi markale ku caddeeyey in sababta ay Soomaaliya u galeen ay ahayd arrimo iyaga

Meles Zenawi wuxuu ahaa ra’isul wasaarahii horre ee dalka Itoobiya, laakiin hadda ma noola, wuu dhintay.

(Itoobiya) ammaankooda ay ku xejisanayeen, sababtaas awgeedna ay Muqdisho uga saareen Maxkamadaha Islaamiga ah, taas oo uu kaga jawaabayey su’aal la xiriirta in dhaqaalaha Itoobiya ay la degayaan ciidamadooda ku sugan Soomaaliya, ayuu intaas ku daray in markii ay maxkamada saareen ay ciidankooda la bexeen in kabadan 65%, oo aysan ciidan dambe u dirayn Soomaaliya, taas oo weriyuhu inta uu hadalkaas la yaabay weydiiyey in uu taas ku adkaysanayo ayaa Zenawi ugu jawaabey “waa hubaa in aanaan ciidamo dambe u dirayn Soomaaliya, markaasna uu weriyuhu yiri “arrintani waa mid aad u xiiso badan”. -Laakiin wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, Seyoum Mesfin, ayaa May 29, 2007 sheegay in ciidamada Itoobiya aysan ka bixi doonin Soomaaliya.

Waxaa laga maarmaan ah in kala daadsanaanta illaa iyo maanta ina haysato xal loo helo, waana loo heli karaa, waa haddii la helo qowmiyad rasmi ah oo Soomaaliyeed. ‘Looma baahna Soomaali ayaan ahay oo kali, ee waxaa loo baahan yahay qowmiyad rasmi oo ka turjubaano dadnimaddii, qaranimaddii umada Soomaaliyeed.

Si dalka u noqdo dal xalaal ah waa in dowladda hadda jirta noqotaa mid xalaal ah. Si ummada Soomaaliyeed ay u helaan nabad iyo burwaaqo waa in dowladda jirta noqotaa mid xalaalnimo ku dhisan, dowladdaan hadda dalka ka jirta waxaa ku jira dad badan oo ahaa hoggaamiye kooxeedyo, qaarkiisa waxay haystaan dhululka dowladdii dexe, siddoo kale dhulul ay leeyihiin dad masaakiin ah oo laga tiro badan yahay.

In badan oo ka mid ah dhul ay laheyd dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa la wareegay amaba degan dad shacab oo ay kamid yihiin siyaasiyiin ay mararka qaar adagtahay in laga saaro, waxaana muddooyinkii dambe soo baxayay go’aano dowladda Soomaaliya ay ku amreyso in dhulka dowladda la baneeyo si loogu adeego bulshada, hasayeeshee waxaa mararka qaar dhacda in uu khilaaf ka dhasho.

Xildhibaan katirsan aqalka Senate-ka ee Soomaaliya, ahna hogaamiye kooxeed hore – Muuse Suudi Yalaxow ayaa maalmahan noqday mid aad loo hadal haayo.

“Sida ku qoran dastuurka, dowladda ayaa mas’uul ka ah dhulka, waa in ay dowladda u dhaqantaa si mas’uuliyad ay ku jirto oo waa in ay eegta sida dowladihii iyada ka horeeyay ay usoo dhaqmeen. Arrinta Muuse, dowladda waxaa la rabaa inay la timaaddo aragti macquul ah oo Muuse Suudi keliya ma ahane dadka oo dhan ay aqbali karaan, taasi oo u hiilineysa sareynta sharciga”. Ayuu yiri Xassan Cali oo ka faallooda arrimaha ammaanka.

Muuse Suudi wuxuu ku andacoonayaa in dowladdii Cabdullaahi Yuusuf uu hub kaga badeshay lacag, balse xiligaasi aysan heysan

Xildhibaan katirsan aqalka Senate-ka ee Soomaaliya, ahna hogaamiye kooxeed hore – Muuse Suudi Yalaxow

dhaqaale ay siiyaan oo baddelkeediina loogu qiimeeyay dhulka uu hada degan yahay, waxaana loo baahan yahay in warqadaha uu wato Muuse Suudi Yalaxow qiimeyn lagu sameeyo, si loo waafajiyo qaanuunka dalka oo hadii uu xaq ku taagan yahay na la siiyo, hadii uusan laheyn na la yiraahdo xaq uma lihid dhulka, balse marnaba aanan loo baahnayn in la qaado tallaabo ka baxsan sharciga.” Ayuu yiri Xassan Cali oo si dhaw ula socday arrintan.

Xasan ayaa intaasi raaciyay in dhulkan taliska badda Soomaaliyeed uu kala yahay – Dhul ay lahaayeen ciidankii badda Soomaaliyed, guryo uu lahaa taliyaha ciidanka badda. Waxaa kaloo jiro dhul banaan oo saaran xeebta, balse dowladihii dambe ay bixiyeen oo ay u cabireen ganacsato iyo siyaasiyiin.

Xasan Cali ayaa sidoo kale sheegay in haddii arrintan aysan dowladda u wajihiin qaab waafqsan sharciga ay saameyn ku yeelan karto ammaanka, madaama hub fara badan uu gacanta ugu jiro shacabka.

Waxaa arrinta sii murjinaya taariikhda Muse Suudi, oo horey Muqdisho uga ahaa Hoggaamiye Kooxeed awood badan, taas oo dad badan ay ka cabsi qabaan inay dhaliso abaabul qabiil ku saleysan oo mar kale dib u billawda.

Aqristoow ma rabo inaan aqris kugu daaliyo balse waxaan rabaa inaad ila aragto qiimaha ay inoo wada leedahay in ummada Soomaaliyeed ay wada helaan dowlad waarta oo xalaal ah.  Dowlad xalaal ah waxay ku jirta gacanta ummada Soomaaliyeed wada tashada, kana fikira aayaha noloshooda iyo ubadkooda.

Fikirkaada Waa Muhiim