Marka la maqlo Soomaaliya dadka caalamka waxaa maskaxdooda kusoo daca goob dagaal, qabqablayaal dagaal, qaxooti, argagaxiso, jihaad, iyo burcad badeed. In kastay sidaa tahay haddana ma aha dhul aan la xukumi Karin ee waa xaalad ay abuurtay dagaalladii ka socdey labaatankii sano oo ay ka samaysantay nidaamyo lagu maamulo colaadaha, lagu gaadhona nabadgelyo iyo ammaan. Iyadoo taakulo aad u yari kasoo gaarayso adduunka,

Soomaalidu waxay awoodeen in ay dhistaan magaalooyinkii, tuulooyinkii, dugsiyo cusub, jaamicado, goobo caafimaad, shariikado dhowr milyan oo doolar ah, nidaam shaqaynaya oo ah xawilaada lacagta, iyo shabakado isgaadhsiinta ah oo ugu jaban Africa oo dhan. Kartida iyo awoodaa gaarka ah oo Soomaalidu leedahay ayaa loo baahanyahay si loo hormariyo.

Dhibaatada Soomaaliya nuxurkeedu waxaa weeye burburkii dawladnimo. Ka dib markii ay burburtay dawladii dhexe waxay awoodii dawladnimo ku wareegtay qabaa’ilkii waaweynaa iyo siyaasiyiintii hormoodka ahaa. Isla markaana beesha caalamka oo ku mashquulsanayd sidii loo dhisi lahaa dawlad, qabaa’ilka Soomaaliyeedna waxay ku mashquulsanaayeen sidii qabiil kastiiba kan kale uga badsan lahaa.

Habka Soomaalidu nabadda doonayso iyo habka beesha caalamka u doonayaan waxay ku kala duwan yihiin Soomaalidu oo nabadda ka doonta wadanka gudihiisa halka beesha caalammku keenaan nidaam ay soo samaysteen oo wata maamulkiisii iyo maal gelintiisii.

Tan Soomaalidu waxa ay ku dhisan tahay wada tashiga qabaa’ilka iyo dibu heshiisiin la isku raacsan yahay si loo soo celiyo ammaanka guud. Somaliland iyo Puntland waa laba tusaale oo ku najaxay nabadgelyada iyo dib u heshiisiinta gudaha laga abaabuley. Taasi waxay ku tusaysaa in ay Soomaalidu diyaar u yihiin in ay is maamulaan haddii ay helaan xaalad ku haboon.

Dibuheshiisiinta gudaha ka bilaabantaa way ku adkaatay koonfurta Soomaaliya sababta oo ah fara gelin weyn oo kaga timi xagga debedda oo u suurta gelin weydey in dib u heshiin la gaaro. Dhaqdhaqaaqa dumarka iyo bulshada rayidka ah iyo xaaladdii ammaanka oo ay abuureen maxaakiimtu intii yarayd ay joogeen waa tusaalayaal ka mid ah faragelin xoogga ahayd oo beesha caalamku ku haysey koonfurta Soomaaliya.

Qodob keliya oo sharxi karaa sababihii coolaada iyo dagaalka ma jiro, Soomaaliduna iskuma raacsana sidii loo xalili lahaa. Way isbedeshay xaaladdii Soomaaliya ka dib markii ay soo galeen islaamiyiinta mayalka adag sidii heshiis looga dex samayn lahaana way kasii adkaatay. Soomaalida laftoodu way la yaabban yihiin sidii xal loogu heli lahaa arrintaa. Waa ina ay beesha caalamku u heshaa hab wadanka looga saari lahaa dhibaatadan ku raagtey oo loo samayin lahaa wadadii loogaga bixi lahaa taas oo waafaqsan xaalada Somaaliya.

Fikirkaada Waa Muhiim