Waxaa qoray Ken Menkhaus wuxuuna kaga hadlayaa sababta faragelintii isdabajoogga ahayd ku guul darraysatay inay baabisoo dhibtii Soomaaliya. Sababta guuldarrada keentay waxaan kusoo gaabiyey lix Shir Nabadeed: Maqnaanshaha niyad siyaasi ah, dhibaha laga hesheenayo aan si hagaagsan loo qeexin; Iskuqasidda fahanka dhisidda dawladda iyo dib u heshiinta, iyo ka shaqaynta isusoo dhoweynta oo aad u liidatay. Qoraalkiisa Ken MenKhaus wuxu kusoo gabagabeeyey in lahaanshaha nabadda loo daayo Soomaalida soo curiyaan laguna taageero.

Jeremy Brickhill oo dhaliilay faragelinta beesha caalamka dhinaca ammaanka. Wuxu tusaale ka bixiyey sidii loo maamulay xasiloonida ammaanka oo miro dhaliweydey sababta oo ah habka maamulka beesha caalamka u dhigan looguma talagelin meel colaad iyo dagaalo ka aloosanyihiin. Waxa waayahu caddeeyeen in Soomaalidu dhaqan ahaan ay sugi karto,

“Iyadoo dawladi jirin beelo Soomaaliyeed oo badan ayaa sugay xaaladda ammaanka iyagoo adeegsanaya xeer dhaqan soomaali xalna ugu helay colaadihii jirey”abuuri karto xaalad ammaan iyo wada noolaansho iyadoo aanay jirin qodobayntii dawladeed.

Dhibta kale ee la kulantay ergadii ka socotey beesha caalamka waxay ahayd yaa xaq u leh inuu metelo dadka Soomaaliyeed marka rasmi ahaan laga hadlaayo nabadda ama xag dawladeedba. Abdulaziz Xildhibaan, iyo Warsan Cisman Saalax: ku dooday inay laba jibbaar noqdaan kooxaha siyaasiga oo yimaadda shir walba oo caalami ah laga hadlayo nabadda illaa iyo 1991kii. Xaaladdas oo abuurtay inay laga maarmaan tahay in la helo cid si sharci ah u metesho dadka Soomaaliyeed.

Beelaha Soomaalida wax sahlan ma’aha in lasoo magacaabo ergey siyaasadda u metela, waxay ku xirantahay qofka siyaasiga ah asalkiisa, awoodda iyo magaca uu ku leeyahay beeshiisa, tirada beesha iyo ballaca dhulka beeshu degto ama maamusho.

Markus Hoehne oo qoraalkiisa ku baaray fikirka Soomaalida iyo cidda uu qofku taabacsanyahay ‘Lahanshaha’. Qoraalku wuxuu dib u falanqaynayaa Metelaada Soomaalida shirarka nabadda ee calamiga ah, isla markaana wuxuu qoraalku isu barbar dhigayaa metelaadda siyaasiga dakhliga ah ee Gobolka Sool. Wuxu qoraalku kusoo gabagabeeyey sharciyadda qofka ergeyga ah ay ku xirantahay sida uu daacad ugu yahay amar ka qaadashada ciddii soo dooratay.

Qoraalka Lee Cassanelli oo aad usii cambaareeye faragelinta beesha caalamka aan waxba ka qaban dhinaca kobcinta dhaqaalaha. Soomaalida oo iskood u maal gashatay dhaqalaha waddanka. Beesha caalamku waxay aad isugu taxallujisay dhinaca siyaasadda iyo dhismaha dawladda taasina ma shaqaynayso haddaanay bar bar socon kobcinta dhaqaalaha bulshada, iyo in la taageero waxyaabaha ay ku fiicanyihiin Soomaalidu inay qabsadaan loona abuuro fursado dhaqaale kubcin ah.

Si loo helo sawirka dhabta ah ee colaadda Soomaaliya iyo sidii xal looga gaari lahaa, waxaan ku faraxsan nahay inaan helno afar Geedi socodka nabadaynta Soomaalida.

Qooraal oo kasoo baxay hay’ado caalami ah. Saddex waxaa qoray dublamaasiyiin sare oo loo xil saaray xal u raadinta colaadda Soomaaliya. Waxa kamid ah saraakiisha sare Charles Petrie (UN-Deputy SRSG) ergayga gaarka ah oo ka warramay isbeddelka aragtida UN-ka iyo inay laga ma maarmaan tahay in laga qayb geliyo Soomaalida iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah xaalka nabadaynta Soomaalia. Isla markaana Mudane: Mahboub Maalim Xoghayaha Fulinta IGAD, oo qoraalka ku muujinaya sida iyo sababta ay laga ma maarmaan u noqotay inay IGAD masuuliyadda samaynta dawlad shaqaynaysa dusha ugu qaaddo, iyo sidii loogu helilahaa taageero calamiya dedaalkaa IGAD. Nicolas Bwakira ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika (AU) oo ka warramaya qaybta ay kaga jiraan AMISOM tageerada dawaladda.

Qoraalka afaraad waxa leh Meredith Preston McGhie oo ka warramaya xeeladihii ay adeegsadeen Ergeydii JQ ka socdey markii ku heshiisiinayeen Dawladdii TFG iyo Isbahaysiga dib u xoraynta Somalia (ARS).

Lahaanshaha Nabadda: Ka baro Somaliland halka nabadda loo maro

Qaybta 3aad ee qoraalkan waxaan kusoo bandhignay maqaallo isdabajoog ah oo ku saabsan sida ay beelaha Soomaaliyeed u gaareen dib u heshiisiinta, iyo sida ammanka loo sugay iyo dhisme cusub oo hab nololeed ah oo ka duwan kii hore. Qoraaladaasi waxay kasoo xiganayaan aragtidooda diraasado iyo baadhitaan ay qaadeen shaqaalaha hay’adda INTERPEACE dhinaca koonfurta Soomaalia, Puntland iyo Somaliland. Waxa diwaan gashan 90 heeshiis beeleed konfurta Soomaalia, in ka badan 30 heshiis beeleed Somaliland waqtigii u dhexeeyey 91 ilaa 97dii. Iyo 8 heshiis oo ka dhacay Puntland.

Sida uu mujinayo Pat Johnson iyo Abdirahman Raghe waxa caddaatay in heshiisyada sokeeye ay ka tayo roonaadeen shirarkii dib u heshiisiinta ay qaban qaabiyeen JQM iyo hay’ada beesha caalamiga ah. Heshiisyada ka dhacay Somaliland iyo Puntland waxay curisay xakuumado shaqeynaya dadkooduna ay ku kalsoon yihiin kana wanaagsan ta caalamkoo dhani isgu tegey inuu ka sameeyo koonfurta Soomaaliya, ilaa iyo maantana waxba ka suurta geli waayeen.

Middii caalamku sameeyaaba tii hore bay ka dartaa.

Qoraalka Ibrahim Ali Amber “Oker” iyo Abdurahman Osman Shuke oo sharraxaya sida heshiiyada iyo nabad raadinta beelahu ku dhisantahay dhaqan iyo xeer Soomaali ay soo qaban-qaabiyaan guurtida odayaasha beeluhu.

Qaybtan waxa ku jira waraysi saddex ka mid ah odayaasha guurti dhaqameed kasoo kala jeeda Koonfurta Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland. Odayaashaas oo ka qayb qaatay shirarkii dib u heshiisiinta beelaha. Guurtida odayaasha waxa igmada beelahooda waxayna metellaan aragtida beeshooda. Waxa ka mid ah Hajji Abdi Husein Yusuf, Sultan Said iyo Malaq Isaaq oo tilmaamaya astaamaha laga doonayo inu yeesho oday guurti iyo wajibaadka laga doonayo inuu guto xagga nabadaynta.

Qoraaladda ay qortay Faiza Jama ay tusaale kaga bixinayso qaybta ay dumarku ka qaateen dismaha nabadda iyo Jama Mohamed oo ka qoray ilaalinta ammaanka suuqa Bakaaraha oo bulshada madaniga ah abaabulka sameeyeen koox Muqdisho ah iyo meelo kale si loo yareeyo qalalaasaha loona abuuro xaalad nabadeed iyo wada hadal lana baabiyo goobaha la isku baaro, lagana maarmo meleeshiyada hubaysan lana ilaaliyo xuquuqal aadanka lana dhexgalo kooxa hubaysan ee dagaalamaya.

Ugu dambayin qoraalku wuxuu tusayaa sida xeer dhaqameedka bulshada iyo dhaqan Soomaaligu qayb weyn uga qaataan hab nololeedka Soomaalida iyo nabadda iyo ammaanka. Maqaalka uu qoray Maxamed Daahir Afrax wuxuu tilmaamayaa sida gabay yahannadu iyo abwaannada heesaha tiriyaa, iyo jilayaasha riwaayadaha ay uga qayb qaataan nabad soo celinta.

Afrax qoraalkiisa wuxuu kusoo gaba gabaynayaa ahamiyadda ay leedahay in la fahmo awoodda dhaqan Soomaaligu uu leeyahay soo celinta nabadda ka jirta gobollada iyo dagaallada ka socda gobollada qaarkood labadaba.

 

Qodobada xasiloonida Soomaaliya

Qaybta afraad waxay dood ka bixinaysaa dedaallada lasamayey qaarkood kuwii lagu guuleystey iyo kuwii aan lagu guuleysan kuna wajahan sidii nabad iyo ammaan waara loo heli lahaa. Qoraalka Ulf Terlinden iyo Mohamed Hassan wuxuu qaadaa dhigayaa koritaanka iyo horuumarinta Siyaasadeed ee Somaliland.

Marka lagasoo bilaabo aasaaskii iyo dhiskii nabadda bilowgi1990 kii ilaa iyo samayntii nidaam siyaasi ah 2002dii, maraka laga reebo goobaha laysku haysto ee Sool iyo Sanaag Bari iyo dib u dhicii ku yimid doorashooyinkii 2009kii, intaa mooyaane Somaliland waxa loo qirsan yahay inay tahay maamulka ugu amaan badan ee geeska Africa.

Qoraalka Xasan Shiikh wuxu faalaynaya iskudaygii faraha badnaa ee la sameeyey si loo helo maamul caasimadda Muqdhisho laga bilaabo 1991 kii iyo heshiisyadii kooxaha jirey ay gaareen. Waxaa u tusaale ka bixinayaa muddadii gaabnayd ay haysteen Maxaakiimta Islaamiga 2006 nabadda la helay iyo ammaan la waayey ilaa iyo 1991kii. Danaha reer galbeedku ka leeyahay Soomaalida ayaa loo arkayey in maxaakiimtu kasoo horjeedaan. Sidaa darted baa loo diidey inay sii jiraan Maxaakiimta Islaamku.

Dhibta samaynta dastuurka waxay ku tusaysaa waxyaabaha lagu kala duwanyahay ama laysku haysto. Saddex qoraal oo arrintaass faalaynaya waxaa qoray Samuel, iyo Ibrahim Hashi Jama iyo Ahmed Abass Ahmed iyo Ruben Zamora kuwaas oo ka qayb qaatay samayntii dastuurka koonfurta Soomaaliya, Somaliland iyo Puntland. Somaliland iyo Puntland samaynta dastuurka waxay sii adkaysay nabaddii iyo jiritaankii labada maamul. Horuumarka Somaliland iyo Puntland waxaa hortaagan degaansha la’aanta siyaasadeed ee koonfurta Soomaaliya.

Islaamku waa udub dhexaad lagama marmaan ah mujtamaca Soomaalida, kunna hoggaamiya dhaqanka wanaagsan iyo sidii loo heli lahaa nabad.

Qoraalkaan ku saabsan Islaamka iyo Soomaalida wuxuu faalaynayaa sidii ay u soo baxeen maxaakiimta Islaamiga iyo kooxaha seef la boodka ee Islaamiyiinta ah oo hadda ku dagaalamaya koonfurta Soomaaliya oo illaaway asaaska islaamku inuu yahay nabad iyo dib u heshiin.

Qurba joogta Soomaalida waa xoogaga ka danbeeya dib u noolaanshihii dagaalada Soomaaliya. Qoraalka Khadra Elmi wuxu eegaya xidhiidhka ka dhexeeya qurbajoogta Britain iyo dalkoodii hooyo. Inkastoo dhallinyarta qaarkood ay dabayl raceen dhacdooyinka caalamiga ah haddaan inta badani weli wax tar iyo tageero way u diraan dalkii hooyo. Taasina waxay wax tar u yeelanaysaa in laysku dayo dedaallo cusub oo nabad raadin ah in la sameeyo.

Soomaaliya waxay ka midtahay meelaha ugubadan ee caalamka laga barakacay. Sida ay sheegtay Anna Lindley, qurba joogta Soomaaliyeedna miisaan weyn bay ku leeyihiin ina ay ka bedelaan siyaasada Soomaaliya laakiin waxaa kale oo loo baahanyahay dadka barakacay wadanka gudihiisa iyo debediisaba in la maqlo codkooda.

Fikirkaada Waa Muhiim