Geeska Afrika wuxuu ka mid yahay goobaha xagga istiraatijiyadda caalamka ugu muhiimsan maadaama ay maraan mariinnada ganacsi ee isku xira qaaradaha Yurub, Aasiya, iyo Afrika. Gobolku wuxuu leeyahay khayraad dabiici ah oo aan weli laga faa’iidaysan, iyadoo waddamada gobolku yihiin kuwa ugu faqrisan caalamka, uguna nabadgelyo xun.

Ka hor imaatinkii guumaystayaashii reer Yurub, gobolka Geeska Afrika dadkiisu waxay ku noolaayeen nolol degan, isku-filaansho xagga dhaqaalaha iyo sancada, ay ka jirto nabadgelyo buuxda, iyadoo jawiga hawadu iyo degaankuba ay ahaayeen isla kuwa ay maanta ku nool yihiin.

Kaddib imaatinkii guumaystayaashii reer Yurub gobolku wuxuu isu rogay goob colaadeed, faqri, iyo dhaqaale xumo joogto ahi haraysay. Waxay guumaystayaashii burburiyeen dhammaan qaababkii dhaqan-dhaqaale, bulsho horumarineed, wada-deganaansho iyo walaaltinnimo ee soo jireenka ahaa. Waxayna kala qoqobeen qoysas iyo caa’ilooyin, iyagoo xuduudyo beeneedyo u sameeyay, halkaasna ilaa maanta gobolku uu ku jiro nolol-xumada ugu daran caalamka. Haddaba, waddamada Geeska Afrika waxay ku soo ceshan karaan karaamadoodii, noloshoodii, xoriyadoodii, kulana qabsan karaan waddamada horumaray ee qarnigan 21-aad waa iyagoo iska kaashada xag dhaqaale, ganacsi, iyo bulsho, iskuna fura xuduudyo beeneedyada.

* Soomaaliya: baaxadda dhul: 637,657 sq km; Tirada dadka: qiyaas 12 milyan   

* Ethiopia: baaxadda dhul: 1,127,127 sq km; Tirada dadka: 82.5 milyan

* Kenya: baaxadda dhul: 582,650 sq km; Tirada dadka: 38 milyan

* Eriteria: baaxadda dhul: 121,320 sq km; Tirada dadka: 5.5 milyan

* Djibouti: baaxadda dhul: 23,000 sq km; dadka: 0.5 milyan

*Waa qiyaasta Juulaay 2008, The World Fact Book.

Waddamada Soomaaliya, Ethiopia, Kenya, Djibouti, iyo Eriteria waxay ku fadhiyaan dhul baaxaddiisa lagu qiyaasay 2,491,754 sq km, iyadoo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaasay 138.5 milyan, tiradaas oo ku dhow midda dadka Ingiriiska iyoJarmalka. Khayraadka waddamada Geeska Afrika waa mid ku filan, amaba ka badan haddii laga faa’iidaysto.

Waxaa laga helaa macdamaha qaaliga ah sida Gold, Uranium, Platinium, Copper, Natural Gas, oil reserves, iyo waliba khayraadka beeraha iyo xoolaha, iyadoo gobolka ay ku nool yihiin xoolaha ugu badan Afrika. Gobolku wuxuu leeyahay badaha iyo wabiyada ugu muhiimsan Afrika xag wax soo saar iyo xag ganacsiba.

Waxaase nasiib-daro ah in caalamku ku tilmaamo sannad walba in ay dadkiisu u dhimanayaan gaajo iyo cudurro, gurmad deg-deg ahna loo sameeyo. Is-kaashiga Gobolku wuxuu ka hortagayaa, xalna u helayaa dhaqaale-xumida iyo faqriga hareeyay dadkiisa. Haddii aan soo qaadanno Soomaaliya maxaa faa’iido ugu jira is-kaashigan?

Waxaa dhici karta in lala yaabo fakarkan oo la yiraahdo sidee is-kaashi noo dhex mari karaa cadowgeenii soo jireenka ahaa, nagana haysta weli dhul Soomaaliyeed. Waa arrin gar ah in xal loo helana u baahan. Soomaaliya waa dal muslim ah 100%, iyadoo tirade dadka ku nool lagu qiyaasay 12 milyan oo kuwa qurbaha iyo qaxootigu ku jiraan.

Shacabkaasi waxay halgan dheer oo taariikhi ah ugu jireen sidii ay diintooda u difaacan lahaayeen, tan iyo markii Islaamku soo gaaray. Waxaa colaad fogaatay dhextiil/taalaa kuwa Ethiopia oo maamulayaashoodu ay diinta kiristaanka haysteen/taan. Hase Yeeshee maanta Ethiopia waxaa ku nool dad lagu qiyaasay 82.5 milyan.

Tiradaas waxaa muslim ah in ka badan 28 milyan. Dadkaas muslimiinta ah waxay la qiimo iyo sharaf yihiin kuwa Soomaaliya, iyagoo waliba tira ahaan aad uga badan Soomaaliya. Intaas waxaa dheer iyadoo dadkaasi ku nool yihiin nolol aad u liidata marka loo eego shacabka kale ee Itoobiya, gaar ahaan kuwa Amxaarada iyo Tigreega.

Is-kaashiga Geeska Afrika wuxuu keenayaa in tiro lagu qiyaasay 100 milyan Muslimiin ah ay isu furmaan. Shucuubtaas Islaamka ah waxay ku nool yihiin xeebaha iyo dekadaha Geeska Afrika, taasoo u suurto gelinaysa inay hoggaamiyaan dhaqaalaha iyo ganacsiga Geeska Afrika. Arrintaasi waxay faa’iido wayn ugu jirtaa ummadda Soomaaliyeed oo ah dad aad u fir-fircoon, kartina u yeelan kara inay hoggaamiyaan awoodda dhaqaale ee Geeska Afrika.

Tusaale ahaan Kenya Soomaalidu waxay ku leedahay ganacsi xooggan, kaasoo u gudba bariga iyo bartamaha Afrika. Kenya waxaa ku nool dad lagu qiyaasay 38 milyan, iyadoo 5 milyan ay muslimiin yihiin. Hase yeeshee tirada dad ee muslimiinta ah ee Ethiopia waxay wax badan ka badan yihiin kuwa kale ee Geeska Afrika. Kenya oo sida la ogyahay haysata dhul Soomaaliyeed ayaa ka faa’iidaysatay fir-fircoonida Soomaalida una furtay suuqeeda. Waxaa hubaal ah haddii Ethiopia suuqeeda furto, kana qayb qaadato is-kaashiga Geeska Afrika in Soomaalidu si fir-fircoon uga faa’iidaysanayaan suuqaas wayn, iyagoo walaalahooda muslimiinta ahna u furaya indhaha. Taasi waxay keenaysaa iskaashi dhexmara shacabka faraha badan ee Ethiopia iyo kuwa Soomaaliya.

Fikraddan, oo laga yaabo inay hadda curdan tahay, waxay badeli kartaa qaabkii hore ee labada waddan u wada dhaqmi jireen, iyadoo Soomaalidu si dagaal la’aan ah ku soo ceshan karto dhulkii ka maqnaa, saaxiibbana ka dhex samaysan karta shacabka Itoobiya. Is-kaashiga Geeska Afrika wuxuu meesha ka saarayaa xoogga iyo caburinta ay Amxaarada iyo Tigreegu ku hayaan inta badan ee kale ee shacabka Itoobiya.

Marka la soo koobo faa’iidooyinka uu is-kaashigan u leeyahay Soomaaliya waa mid aad u wayn xag dhaqaale, ganacsi iyo bulsho-horumarineed wuxuuna keenayaa:

1. In diinta Islaamku fido xag dad iyo aqoonba

2. In Soomaalidu xag ganacsi iyo dhaqaaleba la wareegto Geeska Afrika

3. In Soomaalida Geeska Afrika ay midoobaan, kaddib marka shucuubta Geeska Afrika la is fahmo

4. In Soomaalidu ka faa’iidaysato xag xadaarad, wadanninimo iyo wada noolaansho shucuubta kale ee Geeska Afrika

5. In Soomaalidu is jeclaato, illowdana colaadda dhexdeeda ah, maadaama ay la dhaqmayaan dadyoow kale, halkii ay ayagu isu muuqan lahaayeen

6. In magaalooyinka Soomaaliyeed ay noqdaan xarumo ganacsi oo isku xira Afrika iyo Aasiya

7. In aqoonta la isku gudbiyo, aqoonyahanka Geeska Afrika ee dunida kale jiraana

ku soo laabtaan gobolka

8. In maalgashiga shirkadaha shisheeye uu gobolku xarun u noqdo; iyo

9. In nabadgelyo waarta ay ka dhalato Gobolka Geeska Afrika.

 Gabagabadii, Gobolka Geeska Afrika fikraddani waa ka suurtoobi kartaa haddii dadka gobolka laga kala qaado caqabadaha horyaalla iyo xuduudyo-beeneedyada. Waxaa aad uga faa’iidaya ummadda Soomaaliyeed iyo muslimiinta Geeska Afrika. Waxaana habboon in Soomaalidu noqoto kuwa hoggaamiya fikraddan, una ol-oleeya sidii loo heli lahaa is-kaashi ah xag-dhaqaale, ganacsi, iyo bulsho, loona jihayn lahaa fallaarta colaadeed ee Soomaali dhexdeeda ku jihaysan.

Fikirkaada Waa Muhiim