Maskax garaadka waa caabuq ku dhaca xuubka ku dahaaran maskaxda iyo xangulaha. Dadka da’kastooy jiraan wuu  ku dhici karaa maskax garaadka sababto ah waxuu ku faafaa si dhaqsa ah gaar ahaan kuwa isku dhow sida; ardayda waxbarasho wadaaga ah, kuwa ku nool hal xaafad, ardayda iskuulada ayaa ugu badan dadka halista ugu jiro maskax garaadka.

Maxaa Sababa Maskax Garaadka?

Waxa ugu badan oo sababa maskax garaadka waa fayrus ama bakteeriyo waxa yaalaha kale oo sababa waxaa kamid ah kanserka, dawooyinka qaar oo xasaasiyadda lagu noqdo, fangaay. Qaar kamid ah fayraska iyo bakteeriyada sababta  maskax garaadka  waa kuwa la  kala qaado  taasoo ay ku gudbi karto qufaca iyo hinisada.

Caalamadaha Lagu Garto Maskax Garaadka

  • Omateeydka oo yaraado
  • Hurda la’aan
  • Qandho
  • Madax xanuun
  • Qoorta oo taagmato qofka
  • Jarays
  • Matag iyo lalabo
  • Isku dhax yaac
  • Ilmaha wax lagu arkaa cagaariye
  • Naas nuugid xumo in cunug laga arko
  • Socodka inuu ku adkaado cunuga
  • Danqansho ama daal

Sideen Oga Hortagi Karnaa Maskax Garaadka

  • Inaan helno nasiino nagu fulin
  • Inaa ka fagaano sigaar cabida
  • Inaa ka fogaan u dhawaansha qofka qabo maskax garaadka

Dhibaatooyinka Ka Dhalan Karo Maskax Garaadka

  • Maqalka oo lumo
  • Araga oo lumo
  • Madaxa xanuun hal dhinac ah
  • Caabuq ku imaado kala gooysyada
  • Maskaxdo oo dhaawac gaaro

Sidee Ayaan Ku daawayn Karnaa Maskax Garaadka

  • Daawooyin qalajiyaal ah inaan siino qofka
  • Inaan qofka ku xirno faleenbooyin
  • Inaan siino daawo barar dajiyaal

Gunaanad, dhammaan bulsha waynta Soomaaliyeed waxa aan ugu baqaayaa in  dadka ka sheeqaya warshadaha, iyo meealaha kiimikada badan sida raajada iyo wixii lamid ka ah inay ka taxadaraan caafimaadkooda sababtoo ah waxay halis ugu jiraan inuu ku dhaco maskax gaaraadka, si  bulshada caafimaadkeeda u jiro.  Dadka meelaha kiimikda leh ka sheeqeeyo waa inay  helaan nasiino ku falan, inay qaatana cunta dheelitran si uu difaacooda u bato.

Waxaan si gaara  u baaqayaa waalidiinta Soomaaliyeed inay caafimaadka ubadkooda ku dadalaan siiba cudurada faafa  cunuga uu ku dhaco, waa inay ilmaha jirado iyo kuwa caafimadka qabo anan laga dhigin cunta wadaag,dhar wadaag,seexasho wadaag, si ay u yaraato saameeynta  caafimaadka  qoyskam,  sida ugu dhaqsiyaha badan waa  inay ubadkooda   goob caafimaad oo ka caawinayso.

Fikirkaada Waa Muhiim