Dhiig-karka waa sara ukicitaanka cadaadiska dhiiga bani’aadamka. Caadis dhiiga waxuu sheegaa xadiga dhiiga uu wadnaha u tuuro (systolic), iyo xadiga   dhiiga  Halbowlaha ku soo noqoto (dystolic). Marka uu bato xadiga tuurista dhiiga wadnaha, waxaa dhuubanaya habowlayaasha (narrower arteries).

Dhiigkarka waxuu kamid yahay cudurada loo yaqaano dilaagii amusnaa.Waxa dhacda sanada badan inuu qabo qofka dhiigkarka hadana waxa calaamad ah lagu arag. Hadii la kontoori waayo dhiigkarka, waxuu kordhiyaa dhibaatoyinka wadnaha sida: Wadnaha oo istaage  iyo  faalig (stroke).

Calamadaha Dhiigkarka:

  • Cadaadis dhiiga oo ka bato 140/90 ama la ekaado
  • Madax xanuun
  • Wareer
  • Neefta oo yaraato

Maxaa Sababa Dhiigkarka?

  • Qofka hadii uu qabo dhibaato dhinaca kilyaha
  • Haday jirto dhibaato xaga qanjirada
  • Daawoyinka jirka wax u dhima oo loo isticmaalo si sharci daro ah sida ; dajiyaalka iyo daawoyinka ay ku jirto kafayiinka .

Yaa Halis Ugu Jiro  Dhiigkarka?

  • Da’diiska qofka ay ka badato 65. waxay caan ku tahay raga marka loo fiiriyo  dumarka
  • Qoyskaada hadii  uu  qabo qof kamid ah  halis waxaa ugu jirtaa dhiigkarka .
  • Isticmaalka tubaakada
  • Cusbada badan oo la cuno  
  • Walwelka badan
  • Cabitaanka qamriga

Cawaaqibaha ka imaado dhiigkarka:

  • Wadanaha oo istaaga
  • Faaliga (stroke)
  • Xasuus la’aan
  • Wadanaha oo shaqo gabo

 Sideee Loo Mareenkaraa?

  • Jimicsi in la sameeyo
  • Cunida cunto cusbada ku yartahay
  • Joojinta sigaar cabida
  • Waxaa diyaarisay Dr-Miski C. Nuur Salal

Fikirkaada Waa Muhiim