waa Maxay  Boratiin? – Boratiinka  waa nooc kamid ah cuntada aan cuno maalin walbo, waxa uu muhiim u yahay dhammaan unugyada jirka. Waxa aana badanaa laga sameeyaa unugyo jirka qaar kamid sida: cidiyaha iyo timaha.

Jirka waxa uu  Boratiinku u isticmaalaa dayac-tirka iyo dhisida nuudaayaasha. Sidoo kale Boratiinka   waxa uu sameeyaa dheecaanada jirka (enzymes), Hormoonada iyo  kiimikooyinka  uu jirka isticmaalo.

Boratiinka waxa uu door wayn ka cayaraa sameeynta lafaha,murqaha,maqaarka iyo dhiigga.

Haddaba Kaallay Aan Isla Aragnee Faaidooyinka Boratiinka Uu u Leeyahay  Jirka.

  • Waxa uu kor u qaadaa caafimaadka timaha.
  • Waxa uu qurxiyaa maqaarka.
  • Waxa uu joogteeyaa Boratiinka caafimaadka kale-goysyada.
  • Boratiinka waxa uu maareeeyaa sokorta ku jirta dhiiga , waxa uuna xakameeyaa cudurka macaanka.
  • Boratiinka waxa uu kaa caawinyaa dhimida miisaanka.
  • Waxa uu Boratiinka jirka ku caawiya ka hortaga cuduruda lafaha.
  • Waxa uu kor u qaadaa Boratiinka nasiinada iyo hurdada.
  • Boratiinku waxa uu taageeraa shaqada hab-dhiska difaaca jirka.
  • Waxa uu yareeyaa kansarka ku dhaca mindicirada.
  • Waxa uu xoojiyaa shaqeeynta maskaxda iyo gudbinta fariimaha.

Meelaha Ugu Badan Ee Laga Helo Boratiinka waxaa kamid ah:

Hilibka: geella  lo’  iyo ariga

  • Ukunta
  • Caanaha
  • Digirta
  • Malaay
  • Digaaga
  • Pataatiga macaan

Calaamadaha Lagu Jirka Boratiinka Marka Uu Ku yaraado:

  • Murqaha oo awood yeelan waayo.
  • Dhaawaca oo dhaqso reeysan waayo.
  • Infection oo jirka soo galo.
  • Daciifnimo qofka oo dareema.
  • Lafta oo dhaqso jabta.
  • Ilmaha oo korniinkooda dib u dhac ku imaado.

Gunaannad, bulshadeenna Soomaaliyeed  waxaa aan ugu baqayaa in dadka qabo cudurka macaanka in la siiyo Boratiin, si ay sokorta jirka ku jirto  hoos ugu dhacdo, sidoo kale waxa aan ugu baqayaa dadka doonaayo in miisaanka jirkooda in ay  dhimaan waxaa wanaagsan in ay  badiyaan isticmaalka Boratiinka , hooyinka uurka leh waxa aan ugu baaqayaa in isticmaalka  Boratiinka ay badsadaan si uu difaaca jirkooda iyo korniinka ilmaha ku jira caloosha si uu u kor ugu qaadmo, waxa aan sidoo kale ugu baqayaa ardayda ku jira waxbarshada in ay badsadaan boratiinka waxa uu qeeyb ka qaataa hormarinta xasuusta oo muhiim u ah waxbarshada, waxa aan ugu baaqayaa gabdhaha iyo wiilasha finanka kasoo baxa jirka fadlan walalyaal badsada Boratiinka waxa uu baabi’yaa finanka wajiga waxa uuna qurxiyaa maqaarka.

Fikirkaada Waa Muhiim