Kala duwanaashaha u dhexeeya unugyada cad cad iyo unugyada cas cas ee dhiigga:

  Tusaale Unugyada cad-cad Unugyada cas-cas  
    WBC RBC  
         
  Midab ahaan Wax midab ah Midabkiisa waa  
    ma’lahan colorless gaduud red  
         
  Cabir ahaan Cabirkooda wuxuu Cabirkiisa wuxuu  
    gaaraa ilaa iyo 18 gaaraa ilaa iyo 7.4  
    micrometer micrometer  
         
  Qaab ahaan Wuxuu leeyahay Wuxuu leeyahay  
    qaabab kala duwan qaab go,dan  
         
Bu’ nucleus Waxay leeyihiin bu’ Wax bu’ ah
  (nucleus) malahan
     
Tiro ahaan 4,000 ilaa iyo 4.5 ilaa iyo 5.5
  11,000 kun milyan
     
Noocyada Wuxuu leeyahay 5 Wuxuu leeyahay hal
  nooc nooc
     
Noloshooda Wuxuu noolaan Wuxuu noolaan
  karaa 15 maalin iyo karaa 120 maalin
  wixii ka yar  
     

 

Platelet ama thrombocytes: waa unugyada ka mid ah dhiigga ku jira jirka oo qaab wareegsan u samaysan kaasoo leh midab buluug barax ah waxay shaqaduudu tahay in ay ilaaliyaan dhiig baxa jirka, marka uu dhiigga ku badto waxa loo yaqaana thrombocytosis sidoo kale marka uu dhiigga ku yaraado waxa loo yaqaana thrombocytopenia.

Thrombocytosis: waa marka uu dhiigga ku badto unugyada ka qayb qaadta xinjireynta waxana sababa cuduro badan oo jirka ku dhaca sida jeermiska ama kuwa halista ah oo ugu horeeya kansarka. Thrombocytopenia: waa xaallad hoos ay u dhacaan nooc ka mid ah unugyada dhiigga xinjiraha u yeela, taasoo sababta dhiig bax joogta ah marka uu dhaawac gaaro iyo in jirka uu si sahlan u yeesho nabro madowbaad. Dhiigga waxa loo sameeyaa baaritaano kala duwan sida in la baaro guud ahaan unugyada ku jira jirka bani,aadanka sida unugyada cas cas iyo unugyada cad cad.

Dhoor nooc oo baaritaan ah ayaa jira oo lagu ogaado guud ahaan unugyada ku jirra jirka bani,aadanka sida ESR test, CBC, iyo PCV test, baaritaannadaan waxa la isticmaala marka bukaanka looga shakiyo cuduradda qaar.

ESR-test (erythrocyte sedimentation rate) waa baaritaan lagu ogaado guud ahaan unugyada dhiigga gaduudan (RBC), waa heerka xawaare ay ku degto cabbiraada unugyada dhiigga gaduudan marka aysan kamid ahayn dhiigga aan midabka lahayn. Marka sidaan loo cabbiraayo dhiigga gaduudan waxay caawisaa baarida iyo ogaanta cuduradda ay ka mid yihiin lafo xanuunka, jeermiska jirka ku jira iyo burooyinka halista ah qaarkood.

Baaritaankaan laguma ogaado cudur gooni ah laakin wuxuu sheegaa oo kaliya hadii uu jiro caabuq (infections). Baaritaankaan marka la samaynaayo waxa la isticmaalaa labo dhalo (tube) oo kala ah westergren tube iyo wintrobe tube. Westergren tube waa dhalo dhererkeeda gaaraayo ilaa iyo 300mm waxayna ka furan tahay labada meel afka iyo dabada, waxay qaadi kartaa 1.6 mL oo dhiig ah, dhalada waxaa ku jira 0.4 mL anticoagulant maado ka hortagta in uu xinjirowo dhiigga. Wintrobe tube waa dhalo gaaban waxayna ka furan tahay hal meel waxaana ku jira 1mL oo ah maado anticoagulant.

Labadaan dhalo mid waxaa lagu aqrin karaa muddo hal saacadood gudahood 1 hour midna waxaa lagu aqrin karaa nus sac gudahood 30min midka lagu aqriyo 30 min waa Wintrobe tube.

ESR-ka wuxuu leeyahay tiro lagu aqriyo ama normal range haddii uu ka badto ama uu ka yaraado wuxuu dhibaato u yahay bukaanka laakin inta badan sheybaarada waa ku kala duwan yihiin tiradaas ESR-ka.

Ragga qaan gaarka ah normal range laga rabo waa 0-10 mm/hour.

Dumarka qaan gaar ah normal range laga rabo waa 0-15 mm/hour.

Caruurta yar yar normal range laga rabo waa 0-2 mm/hour.

 

Haddii uu siyaado ESR-ka waxyaabaha looga shakin karo inuu qabo qofkaas waxa kamid.

Tuberculosis: in uu TB qabo waa xanuun ku dhaca sambabada.

Malignant tumors: waa nooc kamid ah burrooyinka halista ah ee ku dhaca jirka.

Rheumatoid arthritis: waa xanuun ku dhaca kala goysyada jirka.

Liver diseases: cudurada ku dhaca beerka sida HBV, HCV ama in uu adkaado beerka.

Kidney diseases: cudurada ku dhaca kelliyaha. 

Pregnancy: hooyada uur ka leh waxa lagu arkaa in uu siyaado ESR-keeda waa xilliga ay uur ka leedahay. Haddii uu yaraado ESR-ka waxyaabaha looga shakin karo qofkaas in uu qabo waxaa kamid ah.

Allergic conditions: xasaasiyada ku dhacda jirka. Sickle cell anemia: waa nooc ka mid ah anemia waa xaalad qofka dhiiggiisa hoos dhac ku yimaada gaar ahaan hemoglobin-ta waa jirro dhaxal ah oo ku dhacda dhiigga.

Polycythemia: waa xaallad unugyada dhiigga gaduudan ay si xad dhaaf ah jirka ugu badan yihiin, waxa wehliya unugyada dhiigga cad cad oo ayagana ku badan jirka.

PCV ama hematocrit test: waa baaritaan loogu talagalay in lagu ogaado inta unugyada dhiigga gaduudan ay kaga jirri karaan plasmaha, macnaha halkii liitar oo plasmaha dhiigga meeqa unug ee unugyada dhiigga gaduudan ayaa ku jirri kara sida caadiga hematocrit-ka waa 40% ilaa iyo 50% haddii ay dheecaanka extracellular-ka ay badtaan hematocrit-ka waxaa ku imaanaayo hoos u dhac laakin haddii uu dheecaanka banaanka unuga uu yaraado hematocrit-ka wuu badanaa.

CBC: waa qalab loogu talagalay in uu aqriyo guud ahaan unugyada ku jira jirka sida unugyada cas cas, unugyada cad cad noocyadooda kala duwan sida MCV, MCH, MCHC, PCV, Hb.

Plasma: waa qayb ka mid ah dhiigga, waa dareere dhiigga jirka ku jira laga soo dhiraandhariyay oo midabka jaalle qafiif ah leh sida midabka caleemaha qalalan oo kale, plasmaha 92% wuxuu ka kooban yahay biyo halka 8% uu ka kooban yahay waxyaabo isugu jiraa wax-nool iyo waxaan noolayn (organic iyo inorganic) waxay ka kooban yihiin cusbada dabiiciga ah iyo macdanta jirka laga helo waxaa kale oo aad ugu badan borootiino aad jirka ugu baahan, macdanta jirka laga helo waxa ka mid ah (Na+, Ca2+, Mg2+, HCO3, Cl), borootiinnada ku jira plasamaha waxa ka mid ah albumin, globulin, iyo fibrinogen.

Waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin serum-ta iyo plasmaha waxa ka mid ha fibrinogen sababtoo ah serumta lagama helo fibrinogen laakin plasmaha waxa laga heli karaa fibrinogen. Serum-ta waa mida ugu badan ee la isticmaalo marka la joogo sheybaarka waxaa inta badan loo isticmaalaa biochemistry test serological test, iyo hormonal test.

Baaritaannada laga sameeyo serum-ta marka la joogo biochemistry test, waxa kamid ah baaritaannada beerka liver function test sida ALT, AST, GPT, GOT, ALP iyo Bilirubin-ta baaritaannada kelliyaha kidney function test waxa kamid ah uric acid, creatinine, blood urea nitrogen, baaritaannada lagu ogaado dufanta jirka ku jirta lipid profile sida cholesterol-ka, HDL, LDL, VLDL, Triglycerides iyo sidoo kale waxa laga baarikaraa sokorta glucose test iyo macdanta ku jirta jirka sida sodium-ta, calcium-ta iyo magnesium-ta. Baaritaannada laga sameeyo serum-ta marka la joogo serological test waxa kamid ah Hepatitis-B Virus, Hepatitis-C Virus, HIV, SYPHILIS ama VDRL, Widal test, ASO test, Rheumatiod factor, C- reactive protein, H-pylori test, Pregnancy test, brucella test, toxoplasmosis test. 

Serum-ta waxaa kaloo laga baarikaraa hoormoonnada sida FSH, LH, Prolactin, growth hormone, HCG, Progesterone, T3, T4 iyo wixii lamid ah.

Plasma proteins: Plasma proteins waa borotiinnada ku jirra plasmaha, waxa soo sheegnay in plasamaha uu ku badan yahay borotiiniska. Borotiiniska waa walax isku dhis ah oo laga helo nafaqada ku jirta cuntada la cuno jirka aad ayuu muhiim ugu yahay borotiinkaan waxay ka caawiyaan in uu jirka helo tamar sidoo kale waxay ka caawiyaan jirka in uu sameeyo koritaan waxay kaloo ka shaqeeyaan isku dheeli-tirka hoormoonnada jirka, Plasma proteins ka waxa ka mid albumin globulin iyo fibrinogen.

Albumin-ta: waa borootiin ku milma biyaha waxaa laga helaa dhiigga aan midabka lahayn kaa soo aad muhiim ugu ah jirka, borootiinkaan waxa lagu sameeya beerka haddii uusan beerka soo saarin borotiinkaan waxay cadaynaysaa in beerka uu jiran yahay.

Albumin-ta marka ay dhiigga ku yaraato waxa loo yaqaana Hypoalbuminemia waa marka ay dhiigga ku yaraato albumin-ta waxyaabaha sababa waxaa ka mid ah.

  • Qofka in uu ka xanuunsan yahay beerka sababtoo ah borotiinkaan waxa lagu sameeya beerka, beerka haddii uu xanuunsado waxa hoos u dhacaayo in la soo saaro borotiin ku filan jirka.
  • Kelliyaha oo qofka ka xanuusada waxay keeni kartaa in uu borotiinkan ku yaraado jirka sababtoo ah kelliyaha waxay ka qayb-qaadtaan filtareeyshanka jirka ka dhaca, qofka marka uu ka xanuusan yahay kelliyaha kaadidiisa waxa lagu arkaa borotiin waxana loo yaqaana proteinuria
  • Waxaa kale oo keeni kara in ay albumin-ta ku yaraato dhiigga qofka qabo hypothriodism, hypothriodism waa marka uu hoos u dhaco shaqada qanjirka soo daaya hoormoonka Thyroxine (T4) iyo Tri-iodothyronine (T3) kaasoo ku yaala dhuunta, astaamaha lagu arko qofka waxa ka mid ah, qofka oo marwalba si dhaqsi leh u daala, sidoo kale qofka oo u adkaysan Karin qabowga iyo cayil ama qofka oo butac noqda.
  • Waxaa kale oo sababi kara xanuunnada ku dhaca caloosha gaar ahaan, qofka in uu ka xanuunsado manidhiciir yaraha waa meesha laga nuugo cuntada nafaqada leh haddii ay meeshaas xanuun ku yimaado waxaa hoos u dhacaayo borotiinnada uu heli lahaay jirka.

    Albumin-ta marka ay dhiigga ku badadto waxa loo yaqaana hyperalbumineamia waxa sababa qofka inuu fuuqbaxo (dehydration) iyo beerka oo qofka adkaado (liver cirrhosis). Taasi waxay sababtaa in uu albumin-ta kor u kacdo.

    Globulin: waa borootiino aad u dabacsan oo ku milmi kara dareero cusbo laga sameeyay, borotiinkaan noocyo badan oo dhiigga ku jira ayuu leeyahay waxa ka mid ah alpha one, alpha two, Beta, iyo gamma,

    α-1 globulin: waxa ka mid ah α-1 antitrypsin waa nooc ka mid ah borotiinka gaar ahaan wuxuu hoos yimaada globulin-ta waxa lagu sameeya beerka wuxuu ka samaysan yahay borotiin iyo sokor (glycol-protein) shaqadiisa waxay ay tahay in uu joojiyo dheecaanka loo yaqaano protease neutrophil elastase kasoo soo daaya unugyada cad cad ee dhiigga WBC.

    Haddii laga waayo jirka borotiinkaan α-1 antitrypsin wuxuu keeni karaa cuduro sababtoo ah dheecaankaan loo yaqaano protease neutrophil elastase wuxuu burburinayaa alveoli, alveoli waa xuubab yar-yar oo ku wareegsan sambabada marka ay xuubab kaas burburaan qofka waxa ku dhacaayo waxa loo yaqaano emphysema. Sidoo kale wuxuu keeni karaa haddii uu jirka ku badto liver cirrhosis. 

    emphysema. Waa aariyo ama hawo gasha xubnaha jirka gaar ahaan xuubabka caawiya sambabada, kuwaas oo noqda kuwa aad u barara oo diida in uu jirka hawo qaato kana baxdo, mida halista ah ay dhaliso waa neefta oo jirka ku dhagta isla markaana isku badesha jeermis, waxay aad ugu badan tahay ragga iyo dadka sigaarka cabba.

    α-2 globulin: waxaa ka mid ah borotiinka loo yaqaano alpha-fetoprotein, macroglobulin, caeruloplasmin, haptoglobulin.

    alpha-fetoprotein: Waa borotiin lagu sameeyo beerka iyo kiishka haya dheecaanka ku wareegsan uur jiifta caloosha ku jirta, heerka uu gaarsiisan yahay borotiinkaan waxaa lagu ogaan karaa dhiig laga qaado hooyada uurka leh inta u dhexeeysa 16 ka ilaa iyo 18 ka isbuuc marka uu uurka jirro si loo ogaado haddii ilmaha caloosha ku jirra ay haystaan dhibaatooyin la xiriira cudurada qaarkood.

    Haddii borotiinkaan siyaado yahay waxay saadaalisaa in ilmaha caloosha ku jirraan ay qabi karaan cuduro la xiriira muuqaalka jirka sida laf dhabarta oo kala go’an.

    Haddii uu hoos u dhaco borotiinkaan waxay cadeynaysaa in ilmaha ay qabi karaan cudurada ku dhaca fir sidaha (genetic disorder) si kastaba wax walba waxay ku xiran tahay baarid badan in la sameeyo oo aan go,aan lagu gaarin si fudud.

    α-2 Macroglobulin: waa borotiin wayn oo lagu sameeyo beerka wuxuu u shaqeeyaa sida daris (anti-body) la noole dhiigga ka difaaca jeermiska soo weerara haddii uu dhiigga ku badto wuxuu dhibaato gaarsiiya kelliyaha wuxuu keena cudurka loo yaqaano Nephrotic syndrome, sababtoo ah kelliyaha ma filtareeyn karaan borotiinkaan sababtoo ah waa mid culayskiisa weyn yahay.

    α-2 haptoglobulin: waa borootiin laga helo unugyada dhiigga aan midabka laheyn kaasoo isku lifaaqa borotiinka unugyada dhiigga midabka u yeela si ay isku noqdaan isku dhis, haddii uu borotiinkaan yahay mid jirka ku yar waa astaan tilmaamta in ay jirto dhiig yari.

    α-2 caeruloplasmin: waa borotiin xambaara maarta (copper) oo laga helo dhiigga qaybtiisa aan midabka laheyn, haddii xaalladaan tahay mid lagu dhasho waxay dhalin kartaa cudurada beerka iyo maskaxda.

    β-globulin: waxa ka mid ah borotiinka loo yaqaano transferrin, transferrin waa borotiin laga helo dhiigga aan midabka laheyn waxa soo saara beerka, marka ay jirka ku yaraato maadada birta ah ee loo yaqaan iron-ta beerka wuxuu soo daaya borotiinkaan si uu dhiigga uga soo qaado iron-ta uguna keydiyo jirka qaabka uu u keydiyo waxa loo yaqaana ferritin.

    γ-globulin: waa borotiino laga helo dhiigga aan midabka lahayn,(serum-ta) borotiinkaan laguma sameeyo beerka, wuxuu ka farcamaa unugyada cad cad ee dhiigga ee loo yaqaano B-lymphocytes waxay ka qayb qaadtaan difaaca jirka, gamma globulin-ta waxay leeyihiin noocyo badan waxa ka mid IgM, IgG, IgE, IgA, IgD, dhammaantood waxay ka qayb qaadtaan difaaca jirka.

    Fibrinogen: waa borotiin laga helo dhiigga aan midabka lahayn kasoo dhiigga xinjiro u yeela wuxuu leeyahay falgal de-dejiye u sahla inuu dhiigga xinjiro ka dhigo waqtiga loo baahdo caadi ahaan marka la baaraayo waxaa laga rabaa qiyaas ahaan mid u dhexeeya 2 ilaa 4.

    Waxaa kale oo keeni kara in ay albumin-ta ku yaraato dhiigga qofka qabo hypothriodism, hypothriodism waa marka uu hoos u dhaco shaqada qanjirka soo daaya hoormoonka Thyroxine (T4) iyo Tri-iodothyronine (T3) kaasoo ku yaala dhuunta, astaamaha lagu arko qofka waxa ka mid ah, qofka oo marwalba si dhaqsi leh u daala, sidoo kale qofka oo u adkaysan Karin qabowga iyo cayil ama qofka oo butac noqda

Fikirkaada Waa Muhiim