Dhiigga wuxuu ka kooban yahay unugyo iyo qayb kale oo dareere ah waxa loo yaqaana plasma waa dhiigga aan midabka lahayn. Dhiigga unugyada uu ka kooban yahan waxa ka mid ah unugyada cas cas (RBC) unugyada cad cad (WBC) iyo unugyada ka qayb qaadta xinjireynta dhiigga (platetels).

Unugyada dhiigga gaduudan (Red Blood Cells ama Erythrocytes):

Unugyada gaduudan ee dhiigga waa unug ka mid ah unugyada dhiigga waxa lagu sameeyaa dhuuxa lafaha. Maadada aasaaska ah ee samaynaysa unugyada dhiigga ee uu ka mid yahay unuga dhiigga gaduudan waa Hematopoietic stam cells ama sidoo kale loo yaqaano Pluripaten stam cells (P.P.S.C) waa jiridka aas aaska u ah dhammaan unugyada dhiigga marka la samaynaayo.

Pluripaten stam cells (P.P.S.C) waxay ku dhex jirtaa gudaha dhuuxa lafta oo lagu magacaabo (Bone marrow) waxay leedahay sifo cajiib ah oo ku tusaysa Awooda Alle, maadadaas waxay u qaybsamaysaa labo iyada oo aanan isbadalin asalkeeda.

Macanaha asalkii waa jiraa laakin labo kale ayuu u qaybsamaa ka dib ayuu isaga oo aanan kasoo bixin gudaha dhuuxa lafta ayuu samaynaa isbadalo kala duwan kadib ayuu banaanka lafta u soo baxayaa oo xididka dhiigga soo dhexgalayaa ka dib ayay haddane ku dhacaysaa isbadalo kala duwan ilaa uu ka gaaro unug gaduudan oo qaan gaar ah.

Tusaale: fiiri sawirkaan

Waxa jira hoormoon ka qayb qaadta in la sameeyo unuga gaduudan ee dhiigga waxa loo yaqaanaa Erythropoeitin, waa hoormoon kellida ay samaysato marka ay heli weyso hawo ku filan oo ay si joogta ah ugu baahan tahay, hoormoonkaan wuxuu siyaadiyaa badashada iyo koritaanka unugyada dhiigga gaduudan (RBC)

 

Habkee ayay dhuuxa lafaha u sameeyaan unugyada dhiigga gaduudan?

Sida aad sawirka kore aad ku aragtaan P.P.S.Cs wuxuu u qabysamaa labo nooc oo kala ah myeloid stam cells iyo waa kan ay ka aas-aasmayso unugyada nidaamka difaaca jirka, myeloid stam cells wuxu u sii qaybsamaa labo unug oo kala ah clony forming unit iyo clony forming unit Granulocyte and monocyte (CFU-GM).

CFU-E/M asigane wuxuu u qaybsamaa labo nooc oo kala ah CFU/E iyo CFU/M –CFU/E waa kan uu kasoo samaysmaayo unugyada gaduudan ee dhiigga wuxuu soo maraa ilaa iyo lix hab oo kala duwan.

Lixda hab ee u soo maro unugyada gaduudan ee dhiigga waxa ka mid ah: 1)  Pro-erythroblast, 2) Early normoblast, 3) Intermediate normoblast, 4) Late normoblast, 5) Reticulocyte, Matured 6) erythrocyte.

Unugyada gaduudan ee dhiigga wuxuu ku qaan gaari karaa ilaa iyo todobo maalin. Sida caadiga ah unugyada gaduudan ee dhiigga waxay noolaan karaan muddo 120 maalin, kadib way dhintaan, marka ay dhintaan waxay soo daayaan maadada bilirubin-ta oo ah wasaqda ka dhalatay unuygada dhiigga gaduudan marka lagu sameeyo burburin, beerka ayaa wasaqdaasi raaciya dheefshiidka si looga saaro jirka maadada bilirubiin-ta waa mid u yeesha midabka saxaradda iyo sidoo kale kaadida haddii aan maadada bilirubin-ta laga saarin jirka waxay midab badashaa jirka oo waxay ka dhigtaa qofka in uu qabo cagaarshow.

Unugyada cad cad ee dhiigga (White Blood Cells ama Leukocytes):

Unugyada cad cad ee dhiigga waa unugyada ugu muhiimsan ee jirka, wuxuu ka qayb qaadtaa difaaca jirka, jirka waxa soo weerara jeermisyo kala duwan sida bacteria virus, fungal, parasite iyo wixii lamid ah.

Dhammaan unugyada cad cad waxay leeyihiin bu’ (nucleus) marka loo barbar dhigo unugyada gaduudan ee dhiigga iyo unugyada ka qayb qaadta xinjireynta dhiigga oo loo yaqaano plaletets unugyada cad cad ee dhiigga waxay u kala baxaan ilaa iyo shan-qaybood oo kala ah neutrophili, esonophili, basophili, monocyte iyo lymphocyte, sidoo kale waxa loo qaybin karaa Granulocytes iyo Agranulocytes, dhammaantood waxay ka qayb qaadtaan difaaca jirka.

Granulocyte waxa ka mid ah neutrophili, esonophili, basophili, sidoo kale Agranulocytes waxa ka mid ah monocyte iyo lymphocyte – Neutrophilis-ka waa unugyada ugu badan ee ka qayb qaadta difaaca jirka guud ahaan marka la xisaabiyo unugyada cad cad ee dhiigga, neutrophili-ka waa kan ugu badan ee ku jirra dhiigga 60 ilaa iyo 70% waa kuwa ugu badan oo laga helo unugyada cad cad ee dhiigga unugyada cad cad waxay la daggaalamaan jeermisyada kala duwan sida bacteria, virus, fungal iyo parasite.

Neutrophilis-ka waa kan ugu badan ee la arko marka uu jirka ku dhaco caabuq (infections) marka uu jeermiska soo galo jirka sida bacteria, virus, fungal iyo parasite jirka qofka wuxuu samaynayaa isbadbadalo kala duwan.

Isbadalka ugu horeeya wuxuu ka dhacayaa meesha uu jeermiska ku socday, xididada yar yar oo loo yaqaano capilliary ayaa balaaranaya sidaas ayaa meeshaas dhiig badan ku imaanaa waa arrinta keenta marwalba meesha uu jirka dhibka ka soo gaaro in ay gaduudato maxaa yeelay xididadii dhiigga ee meeshaas ayaa balaartay oo dhiig badan ayaa meeshaas soo galay dhacdadaas waxa loo yaqaanaa Hyperemia. 

Neutrophilis-ka marka uu dhiigga ku badto waxa loo yaqaana neutrophilia inuu kor u kaco waxa sababab u ah jeermis jirka soo galay waxa kale oo sababab u ah qofka in uu isticmaalo daawooyin iyo haddii ay jirto dhiig bax. Marka uu dhiigga ku yaraado waxaa loo yaqaanaa neutropenia, neutropenia waxay arrintaan imaan kartaa marka cuduro badan oo   jirka ku dhaco sida qofka in lagu arko dhiig yari, kansarka dhiigga ku dhaca iyo burrooyinka qaarkood tani waxay sababtaa in uu jirka jeermis walba oo soo weerara si sahlan uu ugu dhalinkaro cudurada yar yar.

Eosinophili: waa nooca labaad ee ka tirsan unugyada cad cad ee dhiigga waa unugyo ka mid ah unugyada dhiigga cad cad oo lagu garto midabka ay leeyihiin oo ah mid gaduud (casaan) iyo jaalle huruud isku qasan waa marka lagu fiiriyo qalabka loo adeegsado ilma-aragtada guud ahaan marka loo fiiriyo unugyada cad cad ee dhiigga Eosinophilika 2 ilaa iyo 4% ayaa ku jirta halkii liitar oo dhiig ah waxay la daggaalamaan jeermiska sida marka uu jirka soo galo noole (parasite) iyo sidoo kale in ay ka jawaabab celiyaan xasaasiyada jirka soo weerarta, waxay soo daayaan kiimikaalis (chemicals) kuwaas oo burburinaayo jeermiska.

Eosinophili-ka marka uu dhiigga ku badto waxa loo yaqaanaa Eosinophilia xaalladaan waxaa la arkaa marka jirka uu ka jawaab celinaayo xasaasiyada daawo dhibaato keentay ama jeermis soo gala jirka kansarka dhiigga ku dhaca marka uu jiro sidoo kale eosinophili-ka wuxuu kor u kacaa marka uu qofka qabo malaria, filariasis, iyo scarlet fever. 

Scarlet fever: waa cudur aad halis u ah oo si sahlan laysaga qaado, badanaa waxa u badan ilmaha waxaa sababa jeermis ilma-aragto ah sida lagu kala qaado waa taabashada iyo qunfac, waxa astaan u ah qandho, matag, dhuun xanuun, iyo nabro gaduudan oo korka kasoo yaaca gaar ahaan xabbadka, dhabarka, gumaarka, adimaha iyo qoorta waxa kale ay gaaraan carabka. Daawo ahaan waxa marwalba u ah kuwa jeermiska dila (antibiotic)

Filariasis: waa cudur badanaa lagu arko wadamada kulul oo ka yimaada jeermis noole ah wuxuu galaa hab dhiska dareeraha difaaca jirka (lymphatic system) cudurkaan sida kaneecada oo kale ayuu jirka u galaa, wuxuu hor istaagaa xididada ay maraan dheecaannada jirka difaaca oo sababa in xubnaha u dhow agagaarkaas ay bar-bararaan oo ugu dambeyn ku yimaada dil-dilaac, waxa lagu daaweeyaa daawada jeermiska disha sida diethylcarbamazine.

Basophilis: waa nooc ka mid ah unugyada cad cad ee dhiigga waxaa lagu gartaa bu’da iniinta yaryar oo nooca midabkooda yahay madow iyo buluug madow xigeen ah waxay awood u leeyihiin in ay la daggaalaan waxyaabaha jirka soo weerara, waxay soo daayaan waxyaabo kiimikaalis ah sida histamine iyo heparin.

Histamine-ta waxay ka qayb qaadadtaa in ay balaariso xididada dhiigga si uu dhiig badan ugu qul-qulo meesha uu dhaawaca ka jiro sidoo kale heparinta waa dheecaan beerka samaysta oo hor istaaga dhiigga in uu xinjireeyo, dheecaankaan wuxuu cagsi ku yahay fal-gal de-dejiyaha dhiigga ka reeba inuu biyo biyo noqdo. 

Dheecaankaan ayadoo daawo oo kale loo sameeyay waxaa loo adeegsadaa daaweeynta cudurka dhiig xinjiraha dadka ku dhaca, waxaa kale uu ku jiraa dhalooyinka dhiigga lagu shubo marka la baarayo qaarkood.

Basophils-ka marka uu dhiigga ku badto waxaa loo yaqaanaa basophilia taasoo badanaa la’arko marka uu cudur dhiigga ku jiro sida smallpox iyo chickenpox. 

Xasuus:

Chickenpox: waxaa loo yaqaanaa bus bus, waa cudur jeermis ah oo aad halis u ah oo korka kasoo baxa jirka oo dhan waxa laga qaadaa oo kelliya heehaabka hawada sare waxa laysku arkaa qandho xad dhaaf, nabro yayar oo afkooda gaduudan oo cuncun leh oo ku faafa wejiga, gacmaha, lugaha, ilaa basada kasoo dildilaaca oo isku badella xinjir qalalan wax daawo ah oo loo isticmaalo majiraan dadka waa weyn aad ayuu ugu yaryahay laakin wuxu halis galiyaa dadka cudurka AIDS-ka qaba.

Smallpox: waxaa loo yaqaanaa furuq waa cudur jeermis ah waxaa sababa fayrus qofka waxa lagu arkaa qandho iyo nabro kasoo yaaca dhammaan maqaarka jirka oo dhan, waxaa laga qaadaa taabashada qof cudurka qaba astaamaha uu cudurka kusoo muuqdo waa 6 ilaa iyo 20 maalmood kadib marka uu jeermiska jirka galo, taasoo ah qofka lagu arki karo madax xanuun, matag, iyo qandho aad u daran.

Maalinta seddaxaad qandhada ayaa yaraata laakin waxaa jirka kasoo wada baxa nabro yaryar oo af gaduudan leh, muddo todoba maalin kadib dhammaan nabaradaas waxay isu badallaan nabro dheecaanno iyo malax ku jirta, qofka waxaa lagu arkaa qandho soo noq-noqta iyo warwareer badan muddo 7 ilaa iyo 20 maalmood kadib nabraha waxay noqdaan kuwa qalalan oo xuubab iyo jeexnin ku reeba dhamaan jirka oo idil.

Jeermiska jirka wuxuu jirka ku jiraa ilaa nabraha ay xuub dhacsadaan hadii aan la daaweeyn dhibaatooyin halis ah ayay sababaan, sida kellida iyo sanbabada oo hawl joojiya.

Monocyte waa nooc kamid ah unugyada dhiigga cad cad, kaasoo midabkiisa ah danbas buluug xigeen ah oo qaab ka kellida oo kale leh shaqadiisa waxay tahay inuu la dagaalamo wixii jeermis ah ee jirka soo gala, monocyte-ka inta uusan banaanka u soo bixin magaciisa waa monocyte laakin marka uu bannaanka usoo baxo magaciisa wuxuu noqonayaa macrophages.

Macrophages-ka waa unug aad u weyn oo ku jira xubnaha unugyada isku xira, wuxuu ka mid yahay unugyada dhiigga cad cad ee jirka difaaca wuxuu liqaa jeermiska.

Monocytes-ka magacyo kala duwan ayuu leeyahay marka uu ku jiro xubnaha jirka sida Monocytes-ka marka uu xubinta maskaxda (brain) ku jiro waxa loo yaqaana microglial cells, marka uu beerka (liver) ku jiro waxa loo yaqaana kuffer cells, marka uu sanbabada (lungs) ku jiro asigane waxaa loo yaqaanaa alveolar macrophages sidoo kale marka uu lafaha (bones) ku jiro waxa loo yaqaanaa osteoclast marka uu maqaarka (skin) ku jiro waxa loo yaqaanaa langerhan cells iyo marka uu ku jiro isgalada jirka (joint) waxa loo yaqaanaa synovial A-cells.

Monocytes-ka marka uu dhiigga ku badto waxaa loo yaqaanaa monocytosis, monocytosis waa nooc kamid ah unugyada dhiigga cad cad oo dhiigga ku badta waxaa dhalin kara jeermis dhiigga soo gala ama cuduro kale oo halis ah sida kansarka dhiigga ku dhaca, sidoo kale waxa jira monocytopenia waa marka uu dhiigga ku yaraado unugyada cad cad ee dhiigga waxaana dhalin kara jeermis iyo sidoo kale qofka qaba AIDS.

Lymphocytes-ka waa unugyada dhiigga cad cad waxay kamid yihiin unugyada jirka difaaca waxaa loo sii kala qaybinkaraa labo qayb oo kala ah unugyada dhiigga cad cad ee B-lymphocytes iyo unugyada dhiigga cad cad ee T-lymphocyte.

Lymphocytes-ka marka uu dhiigga ku siyaado waxaa loo yaqaanaa lymphocytosis waa unugyada dhiigga cad cad oo jirka ku siyaada, waxay dhallataa marka uu jiro cuduro halis ah ama kuwa iska yar oo jeermiska sababa, markaas oo ah jirka in uu ka jawaab celiyo waxyaabahii soo weeraray jirka.

Sidoo kale marka uu jirka ku yaraado unugyada cad cad ee dhiigga (lymphocytes) waxaa loo yaqaanaa lymphopenia waxaa badanaa dhaliya jiro ku dhacda jirka.

Guud ahaan marka uu kor u kaco unugyada cad cad ee dhiigga (WBC) waxa loo yaqaanaa leukocytosis marka uu hoos u dhaco asigane waxa loo yaqaanaa leucopenia

Leukocytosis: waxa sababa xaallado kala duwan sida hargabka, xasaasiyada, tiibishada TB, glandular fever,iyo haddii uu jiro caabuq (infections) sidoo kale waxa kor u kicinkara kansarka ku dhaca dhiigga sidaasi dardeed unugyada cad cad ee dhiigga kor ayay u kacaan.

Xasuus:

Glandular fever: waa cudur jeermis noole ah oo ilma-aragto ah kaas soo si toos ah u burburiya xubnaha qanjirada jirka difaaca ee qoorta ku yaala. Badanaa waxa lagu arkaa dadka da’da yar iyo dadka dhexaadka ah, jeemiska marka uu jirka galo muddo u dhexeesa 5 ilaa iyo 7 maalmood ka dib waxaa dhasha, astaanta ah quumanka oo bar-barara, madax xanuun, dhuun xanuun, cuntada cuniteeda oo yaraata, jirrada hadii ay sii socoto waxay halis galisaa beerka oo laga yaabo inay cuduro dhaliso, jiritaanka jeermiskaan waxa lagu gartaa unugyada cad cad ee dhiigga qaarkood ayaa dhiigga ku badta, waxaa kaloo loo yaqaana cudurkaan (infectious mononucleosis).

Leucopenia: waa marka uu hoos u dhaco guud ahaan unugyada cad cad ee dhiigga waxa sababi kara inuu jiro cudur sida in uu adkaado beerka, qofka qaba aneemiyada loo dhinto dhiig yarida xun (pernicious anemia), haddii uu qofka shook ku yimaado sidoo kale waxa dhiigga hoos u dhigi kara cuduradda keena fayruska sida AIDS, sidoo kale tiifoowga wuxuu hoos u dhigaa unugyada cad cad ee dhiigga waxaa sababa jeermis loo yaqaano salmonella.

Fikirkaada Waa Muhiim