Dhiigga wuxuu ka mid yahay dheecaannada ku jirra jirka bani’aadanka kuwooda ugu muhiimsan waa dareere ku wareegta dhammaan xubnaha jirka oo idil wuxuuna ka mid yahay cadka isku xiraha ee loo yaqaano connective tissue dareerahaan waxay shaqadiisa tahay in uu kala qaad qaado wax walbo oo jirka gala islamarkaana geeya unugyada iyo xubnaha jirka uu ka kooban yahay. Dhiigga waxaa loo yaqaanaa dheecaanka nolosha (fluid of life) sababtoo ah wuxuu sanbabada kasoo qaadaa oxygen-ta. Wuxuuna geeyaa dhammaan unugyada jirka oo dhan sidoo kale wuxuu carbon-diaoxide kasoo qaadaa jirka wuxuuna geeyaa sambabada si looga qashan saaro jirka.

Dhiigga waxaa kale oo loo yaqaanaa dheecaanka koritaanka jirka (fluid of growth) sababtoo ah wuxuu qaadaa cuntooyinka nafaqada leh iyo hoormoonnada wuxuu kasoo qaadaa hab dhiska dheefshiidka iyo qanjirka hoormoonnada soo daaya ee loo yaqaano Endocrine glands.

Dhiigga waxa loo yaqaana dheecaanka caafimaadka (fluid of health) sababtoo ah wuxuu ka hortagaa waxyaabaha cadowga ku ah jirka sida jeermisyada kala duwan bacteri-yada, virus-ka, fungal sidoo kale wuxuu jirka ka saaraa waxyaabaha wasaqda ah. Waxaan soo sheegnay dhiigga in uu yahay cadka isku xiraha ee loo yaqaano (connective tissue).

 

Dhiigga sidee ayuu ku noqday cadka isku xiraha (connective tissue)?

Marka ay is dhex galaan ukunta ka timid hooyada iyo shahwada ka timid aabbaha waxay noqonayaan hal unug oo lagu magacaabo (zigot) zigot-ka wuxuu u qaybsamaa labo unug labadaas unug ayaa noqonaya afar, afartaas ayaa noqonaysa sideed ilaa ay ka noqonayso dhowr unug oo badan oo lagu magacaabo marula, marulahaas wuxuu dhex galayaa biyo oo unugyadii inta ay is nidaaminayaan oo ay dhinac u baxayaan dhinaca kalena biyaha ayaa ku jira.

Unugyada dhinac isugu tagay waxa ka samaysmaayo cunug ilaahay idinkiis, waxaana lagu magacaaba unugyadaas embryion laakin biyihii galay waxa lagu magacaaba Yolk sac, maalinta uu spermaha dhex-galay ukunta kasoo bilaaw marka laga joogo labo isbuuc ayay unugyadii dhinaca u baxay waxay samaynayaan labo xuub oo kala ah Ectoderm iyo Endodrem, marxaladaan waxaa lagu magacaaba (cadka labo xuublaha ah) isbuuca saddexaad waxay noqoyaan (cadka seddax xuublaha ah) seddaxdaas xuub waxay kala yihiin xuubka banaanka (Ectodrem) xuubka gudaha (Endodrem) labadaas xuub waxa u dhaxeeya oo samaysmaayo isbuuca seddaxaad mesoderm.

Unugyada mesodermaha ayaa kala sikanaaya oo borotiino cusub samaynaaya oo lagu magacaabo Extramaterial substances. Unugyadaas kala sikaday iyo borotiinnada uu samaystay ayaa waxa lagu magacaaba mesanchyme, mesanchyme waxaa ka dhalanaayo unugyo badan oo ka mid yahay cadka isku xiraha connective tissue.

Mesanchyme cells wuxuu u kala baxayaa dhowr jiho ayay kala aadayaan mensachyme kaas oo samaynaya cadadka isku xiraha kala duwan qaar ka mid ah unugyadaas mesanchyme cells ka ayaa u guuraya gudaha Yolk sac (biyihii) unugyadaas waxaa kale oo lagu magacaaba Hematopoetic stem cells waa unugyada aas aaska u ah samaynta dhiigga kuwaas oo samaynaya unugyada dhiigga ee kala duwan oo kala ah unugyada gaduudan ee dhiigga (Red Blood Cells) unuyada cas cas ee dhiigga (White Blood Cells) iyo unugyada ka qayb qaadta xinjireynta dhiigga (platelets) sidoo kale waxa ka mid ah unugyada nidaamka difaaca. Sidaas daraadeed ayaa unugyada dhiigga waxa lagu xisaabiyaa in ay ka mid yihin cadadka isku xiraha ee loo yaqaano (connective tissue).

 

XASUUS:

Yolka sac (vitelline sac): waa xuub sida kiish oo kale u samaysan kaas soo caawiya maalmaha ugu horeeya uur jiifta caloosha gasha, waxa kale oo loo maleeya in ay tahay meesha ay ka nafoqo qaadtaan iyo halka ugu horeeysa ee unugyada dhiigga gaduudan ka soo abuurmaan.

 

Astaamaha lagu garto dhiigga:

  • Color: dhiigga midabkiisa waa casaan ama gaduud sababtoo ah dhiigga marka laga qaado xididka halbowlaha (arterial blood) midabkiisa waa gaduud dhalaal badan waxa ku badan oxygen-ta laakin marka laga qaado xididka vein-ka midabkiisa waa gaduud ku dhafan midab madow ah sababtoo ah waxa ku badan carbon-diaoxide.

  • Volume: celcelis ahaan dhiigga ku jirra dadka waa weyn gaar ahaan ragga wuxuu gaaraa ilaa iyo 5 liter laakin dumarka dhiigga ku jirra jirkooda wuxuu gaaraa ilaa iyo 4.5 liter sababtoo ah dumarka waxa ku dhaca menstrual cycle dhiigga caadada, waa dhiigga afartii isbuuc mar ka yimaada dumarka qaangaarka ah.

  • pH dhiigga wuxuu gaaraa ilaa iyo 7.4 dhiigga ma,ahan aasiidh ee waa alkaline.

  • Specific gravity: culayska dhiigga guud ahaan waa 1.052 ilaa 1.061.

  • Viscosity: sidoo kale astaamaha lagu garto dhiigga waxa ka mid ah in uu leeyahay dheg-dheg sababtoo ah waxa ku jirra unugyada cas cas iyo borotiino.Shaqooyinka uu qabto dhiigga:• Dhiigga wuxuu qaadaa waxyaabaha nafaqada ah sida sokorta, borotiinka, dufanta iyo fitamiiniska wuxuuna kasoo qaadaa hab dhiska dheefshiidka (gastro-intestinal tract) wuxuu geeyaa qaybaha kala duwan ee jirka bani,aadanka si uu jirka uga helo koritaan iyo awood.• Dhiigga wuxuu ka qayb qaadtaa hab dhiska neefsashada sabatoo ah wuxuu ogygen-ta ka soo qaadaa sambabada wuxuuna geeya qaybaha kala duwan ee jirka sidoo kale wuxuu jirka kasoo qaadaa carbon-diaoxide wuxuuna Dheecaannada jirka iyo baaritaankooda geeyaa sambabada, sambabada ayaa u sii saara banaanka qaab hawo ah

    • Dhiigga wuxuu jirka ka saaraa waxyaabaha wasaqda ah xubnaha laga qashan saaro waxa ka mid ah kelliyaha, beerka iyo maqaarka.

    • Dhiigga wuxuu qaadaa hoormoonnada iyo dheecaannada jirka wuxuuna kasoo qaadaa qanjirka soo daaya hoormoonnada asigoo si toos ah ugu darsooma hab dhiska wareega dhiigga asigoo meelna u soo marin, qanjiradaan waxay ku yaalaan maskaxda, kellida korkeeda, xubnaha abuura ugxaanta ilmaha ee dumarka, xiniiyaha ragga, mandheerta iyo qayb ka mid ah beeryareha.

    • Dhiigga wuxuu isku dheeli-tiraa biyaha ku jirra jirka sababtoo ah jirka wuxuu biyaha ka heli karaa qofka in uu isticmaalo waxyaaabo dareera ah ama in uu istcimaalo miraha biyaha leh sida qarraha, babaayga, qasabka, qumbaha iyo wixii la mid ah, jirka waxa biyaha looga saaraa ilaa iyo seddax qaab oo kala ah in kelliyaha laga saaro kaadi ahaan, in maqaarka laga saaro dhidid ahaan ama in saxaradda la raaciyo biyaha.
    • Dhiigga wuxuu ka qayb-qaadtaa isku dheeli tirka macdanta ku jirta jirka sida Iron, sodium, calcium potassium iyo chloride.

    • Dhiigga wuxuu ka qayb qaadtaa isku dheeli-tirka heer kulka jirka, heer kulka jira caadi ahaan waa 37 degree.

    • Dhiigga wuxuu ka qayb- qaadtaa difaaca jirka gaar ahaan waxa ka qayb qaadta unugyada cad cad (WBC) waxay jirka ka difaacaan wax-walbo oo soo weerara sida jeermisyada kala duwan bacterida, virus, funga, parasite iyo wixii la mid ah.

Fikirkaada Waa Muhiim