Inkastoo dhimashada ay tahay mid aan la hureeyn inta la noolyahay, haddana waxaa jira arimo ka qeeyb qaato cunnuga in uu ku dhinta caloosha hooyada .mararka qaar  Hooyadu waxa ay waydaa dhallaan ay sugeeysay dhalashadooda.

Haddaba Kaallay Aan isla Aragnee wax-yaalaha ka Qeeyb Qaato Ilmaha In ay ku Dhintaan Caloosha Hooyada:

Dhiikarka hooyada xilliga ay uurka leedahay  ku dhaco waxa ay  ka qeeyb   qaada taa dhimashada dhallaanka ku jira caloosha hooyada.

Cudurka macaanka haddii ay hooyada qabto xilliga   ay uurka leedahay waxa uu ka  qeeyb qaadan karaa dhimashada cunnuga ku jira caloosha.

Sigaar cabida hooyada xilliga ay uurka leedahay waxa ay saameeyn  caafimaad daro ku keentaa  ilmaha ku jiro caloosha,  waxa ayna ka qeeyb qaadataa  in uu cunnuga ku dhinto caloosha hooyada  sabab la xariira kiimikada faraha badan ee ku jirta sigaarka.

Dhibaatooyin caafimaad daro oo  ka jira xinjiroowga hooyada waxa  ay kamid   yihiin wax-yaalaha keeno in uu cunnuga ku dhinto caloosha hooyada.

Dhibaatooyin caafimaad daro oo ka jira ibidda cunnuga waxa ay ka qeeyb qaadataa dhimashada cunnuga ki jira caloosha.

Ilma galeenka hooyada(Uterine rupture)  oo qarxa waxa ay keentaa dhimashada dhallaanka ku jira caloosha hooyada.

Xarriga xudunta  cunnuga ( Umblical Cord Complication) oo ah isku xiraha hooyada iyo cunnugeeda oo dhibaatoyin caafimad daro soo wajahaan waxa ay ka qeeyb qaataa dhimashada dhallaanka aan wali dhalan.

Sidee  Loo Ogaan Karaa Dhallaanka Aan Wali Dhalan Dhimashadiisa?!

  • Hooyada oo waydo dhaqdhaqaaqa cunnuga ,halka ay markii  hore ay dareemi jirtay.

  • Dhiigg ka imaado xubinta taranka dumarka.(veginal bleeding).

  • Hooyada oo ka dareenta xanuun  caloosha.

  • Hooyada in la saaro kumbuutarka calooosha (Abdominal ultrasound) 

Gunnaanud, Waxa aan ugu baaqayaa Bulshadeenna Soomaaliyeed in hooyada la daryeelo xilliga ay uurka leedahay , in laga ilaaliyo cuntada cusbada ay ku badan tahay , inla xakameeyo mar walbo cadaadiska dhiig hooyada   iyo sokorta ku jirka dhiigeeda, Hooyinka Soomaaliyeed waxa ay ku amaanan yihiin   in aysan cabin sigaarka, balse hooyinka caba sigaarka ama qamrada ay yihiin fara ku tiris, Hooyinka waxa aan ugu baaqayaa  in aay ku baraarugaan dhibaatooyinka sigaarka uu leeyahaynafteeda iyo cunnugeeda,sidoo kale in aan ka ilaalino hooyada xilliga uurka buuqa  iyo walwalka fara badan. 

Fikirkaada Waa Muhiim