Dunidaan aan joogto, waxaa looga hadlaa inkabadan todobo kun oo Af, ugu yaraan kala bar baa looga cabsi qabaa inay tir-tirmaan qarnigaan, sanad walba afaf tiro beel ah, baa dunidaan ka suula kadib markey waayeen cid u han qabta oo ilaalisa.

Qaaradda Africa, waa qaaradda lagu yaqaan kala duwanaansho umadeed, mid dhaqan, mid af iyo mid sooyaaleedba. Afrika waxaa saameeyey reer galbeed iyo Carab, labaduba waxay soo kordhiyeen diimo ay ku lamaan yihiin afaf gooni ah. Tiirarka ugu adag ee dhibada u haya afafka, waxaa ka mid ah dhaqanka bulshada. Diimihii waxay dhex-galeen dhaqamada maadaama ay tahay hab-dhaqan la joogteeyo. Dheelmadkii dagaalkii qaboobaa kadib, waxaa soo kordhay awood labaad oo ka qayb qaadanaysa hormarinta afaf gooni iyo tittirka afaf gaar ah. Caalamiyaynta(globalization), waxay dhidibada u aastaa hormarin afka qalaad sida Ingiriiska.

Afka hooyo, mahaysto cid u heelan oo hormarisa, waxaana cadaadin ku haya labo af, mid diimeed iyo mid tijnoolagiyadeed.

Labadaas af, waxay haystaan ilo muhiim ah oo ay kusii socon karaan sida waxbarashada iyo shaqada. Soomaaliya waxaa wax lagu bartaa labo Af, mid waa Ingiriis, midna waa Carabi, ma arkeysid dugsi sare oo Afsoomaali ku baxa. Waddankii dhanka waxbarashada iyo dhanka shaqadaba, waxaa ka dhisan darbi af qalaad.

Dhibaatooyinka lagu haayo afkeenna ma ahan mid maqaalkaan lagu soo koobi karo ee waa arin u baahan in cilmi baaris iyo wax ka qabasho u baahan, qaasatan waa in la helaa dowlad rasmi ah oo hawshaan gacan adag ku qabato.

Hadaad shaqo rabtid waa inaad afka Ingiriiska sifiican oo qoto dheer u taqaanid, haddi kale darbiyada shaqo la’aan la fadhi.

Aqoontaadu waxaad wax ku helaysaa markaad la kaashatid af qalaad, haddii aadan ku fiicnayn af qalaad, waxba maadan soo baran. Aqoontii waxay noqotau mid ku sidkan af qalaad. Waa qaab cusub oo lagu nabaad guurinayo afka hooyo, dad badan bay ka dhaadhacdey haddaadan aqoon Ingiriis, waxba ma taqaanid.

Tankale culumada Soomaaliyeed, diintii markey barteen, af Soomaaligii weyka guureen badidoodu, waxay af Soomaali nooga dhigaan erayo Carabi ah, taasi waxay sababtay inuu meesha ka baxo Soomaaligii.

Afafka, erayada waa laka daynsadaa, Afka Soomaaligu waxuu hodan ku yahay dhanka dhaqanka iyo miyiga, balse waxuu sii jiri karaa marka uu helo dowlad iyo bulsho u heelan, wax kasta oo cusubta u sameeya eray bixin.

Gumeysigii reer galbeedku, waxay ahayd awood kale oo culays ku ahayd jiritaanka afafka hooyo ee Afrika. Waddankasta waxaa lagu cadaadinayey inay bartaan kuna hadlaan afkii gumaystaha. Soomalidu markey ka xorowdey gumaysitihii, qofkasta oo aqoon yahan ah, waxuu sifiican uyaqaanay afkii gumeytaha(Talyaani). Af Soomaligu waxuu illaa ku nuux-nuuxsanayaa dadaalkii ay ugashay dowladdii miilatariga ahayd, waana dadaalada la taaban karo ee dowladdii ka dhaxalnay.

Fikirkaada Waa Muhiim