Soomaalidu waxay lahaan jireen dhaqan soo jireen ah iyo Xadaarad farsamo oo ay ku maarayn jireen noloshooda bal aynu soo qaadano qaar ka mid ah Qalabbada ay ku farsamayn jireen gacantooda.

 – Weelka

Soomaalidu waxay lahaan jireen weel ay gacantooda iyaga oo aan u baahnayn gacan shisheeye waxaana ka mid ah weelashaa:-

Xarunta dhaqanka ee Minasoota

Kalax oo u kala baxa laba qaybood oo kala ah  • Kalax Xaas iyo Kalax Aroos. Waxaana loo adeegsadaa cabitaanka. Haan oo ka koobnayd laba qaybood, inta dhexe oo qoriya inta danbe iyo furka oo toliin ah

Xeedhooyin oo u qayb sama afar qaybood oo kala ah.
B. Xeedho xaas
T. Xeedho fardood = siddo ayay lahayd waxaana loogu talo galay martida.
X. Xeedho kuray
KH. Xeedho abaydin.

Qude: Qalab u samaysnaa sida malaasta oo Dheriga lagu kala guro.
Fandhaal: Qalab sida milqaacada u samaysan oo cuntada lagu cuno.

Dhiil ardaa
Dhiisha af Rag: caanaha ayaa raga loogu shubaa.
Dhiil abaydin
Qabaal: oo carada iyo milixda lagu siiyo xoolaha.

Toliinka

Weelasha kale ee ay soomaalidu ku farsamayn jireen toliinka waxa ka mid aha:-
Masaf: qalab loo adeegsado haadinta iyo meehaahinta cuntada.
Dabaq: qalab loo adeegsan jiray in wax lagu kaydiyo oo laysku daboolo.
Sariiray: waa Haan wayn oo u dhiganta Joog wayn oo H. la raacin jiray.
Haan ciireed: waa haan lagu lulo caanaha.
Jiijo / Adhi kama gudha: Haan loo adeegsado marka caanuhu yaraadaan
Gorof: Qalab lagu liso xoolaha gaar ahaan Geela iyo Lo’da.
Qorog: Jaad ka mid ah gorofka oo martida caanaha lagu siiyo.
Ubooyin: Midho si dabiiciya u baxa oo loo sameeyo saab iyo fur la tolay loona adeegsado kaydinta Subaga.

Dhoobada

Waxa kale oo ay soomalidu weelasha ka farsamayan jireen dhoobada waxaana ka mid ahaa:-
o- Dheri: loona adeegsan jiray cunto karinta.
o- Jalxad: qalab lagu kaydin jiray laguna qaboojin jiray Biyaha.
o- Dhadhaaro: oo laga samayn jiray dhoobada dudumooyinka.

Saanta

Weelasha qaar Soomaalidu waxay ka farsamayn jireen saamaha. Sidoo kale saamaha waxay ka samaysan jireen Kabo, Sariiro, Xadhko, Suuman, IWM.
Qarbad: qalab saan ka samaysanaa laguna shubto Biyaha
Sibraar: qalab ka samaysan saan oo lagu shubto caanaha laguna kaydiyo subaga, Waxa kale oo soomaalidu ka samayn jireen saamaha:-
Gogol: waxa laga saari jiray lagana farsamayn jiray Saanta lo’da.
Baarashuud: kabo laga farsamayn jiray saanta oo Dumarku xidhan jiray.
Faygamuur / Cagba-cag: kabo Raga & Dumarku xidhan jireen Saana ah
Shakad: suun ay isticmaali jireen Ragu kana samaysnaa Saan.
Masale: Qalab ka samaysan saanta xoolaha laguna tukan jiray sijaayad ahaan

Hubka

Sidoo kale Soomaalidii hore waxay gacantooda ku samaysan jireen Hubka ay ku dagaal galayaan ee ay cadawgooda iyo wixii soo weeraraba iskaga waabinayaan.
Haato/ Hooto: qalab wax layskaga difaaco una samaysan sida waranka
Murjin: wuxuu u samaysnaa qaabka bakoorada oo kale daabkiisuna wuxuu ka samaysnaa samay.
Gadhyar: waxay u samaysnayd qaabka hangoolka oo kale balse waxa kala yaraa labadeeda gadh.
Laba gadhlay: qalab loo qaadan jiray xaragada gaar ahaan R. guurdoonk
Garmaqaate: bud wayn oo halis ah dhaawac iyo dhimashana sababa.
Qaanso: Ul xoodan labada gadhna lagaga xidhay xadhig aad u adag.
Leeb: oo ah ridada laga tuurayo qaansada waana qori adag oo afka aad loo qoray marmarna bir baa afka loo galiyaa waxaanu ku jiray halka Rasaasta.
Gaashaan: Qalab difaaca oo hubka layskaga dhigo.
Seef: midi dheer, af badan, gal leh isla markaana dabo la qabsado leh.
Golxod: midi xoodan oo dhexda ragu ku xidhan jiray.

Qurxinta Dumarka

Dumarka soomaaliyeed waxay ahaayeen kuwo hodan ku ah qurxinta naftooda iyagoo adeegsanaya wixii ay asal ahaan dhaqan ku lahaayeen kana heli jireen dhirta iyo dheefta xoolaha. Waxyaabaha ay dumarka soomaaliyeed isku qurxinjireen may ahayn waxyaabo laysku dardaraya saamayn togan oo caafimaadna ku yeesha naftooa iyo idhkooda “Chemicals” hadaba waxyaabaha ay dumarka soomaaliyeed ku qurxin jireen jidhkooda iyo jintoodaba xidhasho ahaan iyo marsasho ahaanba waxa ka mid ahaa:-

Diib: Timir lafta laga saaray oo la milay
Xinne/Cilaan: geed caleentiisa qurux ahaan loo adeegsado.
Qasil: Caleenta Gobka oo la qalajiyay loona adeegsado maydhi iyo
Sadex qayd: maro cad oo ka kooban 15 waar taas ay dumarku xidhan jireen.
Subeeciyad: maro dumarka hagoog iyo garba saar u ahayd.
Dhex ku xidh: maro Habluhu dhexda ku xidhan jireen
Boqor: maro dumarku dhexda ku xidhan jiray oo bilic leh
Dhacle: maro ka samaysan dun si fiican loo soohay oo lagu xidho boqorka dushiisa, una yeesha bilic iyo soo jiidasho.
Tusbax: kuul cunaabi ah oo la isku waydaarsho labada garab.
Cabaadh: kuul yar yar oo qoorta lagu xidho.
Jino: qalabka lagu xidho dhudhunka dhexdiisa oo ka samaysan naxaas.
Baraarug: bir si fiiacan loo xarshay oo lagu xidhan jiray dhudhunka, cududa ama gacanta.
Canbarshe/Xaafid: qalab qoorta lagu xidhan jiray loona isticmaali jiray caafimaad ahaan dadka badankoodu aaminsanaa inay dawo ka tahay isha, sixirka IWM, kana samaysnaa macadta lacagta “Silver”
Siyaakhad: waxa lagu xidhan jiray qoorta sida dahabka
Muriyad: silsilad dahab buurbuuran ka samaysanad.
Abu qalbayn: Dhago dahab ah.
Sindiyo: wuxuu ku jiray halka shuuliga waxana xidhan jiray gashaan.
Dugaagad: qalab ay dumarku ku xidhan jireen suxulka dushiisa
Baarashuud: kabo qurux badan oo dumarku xidhan jireen.

Tixraacyo: Abwaan cabdirisaaq (oday, Buugga afraad iyo saddexaad dugsiga sarre, Culuumta maansada (saciid hargysaawi)

Fikirkaada Waa Muhiim