waa maxay dhicis?

Dhicisku waa dhalashada cunnuga,kaasoo aanan gaarin waqtiigi loogu talagalay  , haddana aanann ku noolaan Karin meel ka baxsan  ilma galeenka Hooyada, waxa ayna dhacdaa badanaa 24 isbuuc ee ugu horeeyso  uurka. Halka ilmaha caadiga ah oo waqtigiisa dhameeysta ay ku dhashaan 38 isbuuc .

Haddaba Kaallay Aan Isla Aragnee Wax-yaalaha  Sababa Dhiciska :

  • Infekshanka waxaa uu keeni kara dhicis haddii aan laga daaween hooyada inta ay uurka leedahay.
  • Hooyada oo qabta cudurka macaanka ama dhiikarka waxa  ka qeeyb qaadaan karaan hooyada in ay dhiciso.
  • Dhibaatooyin la xariira hormoonada (Hormonal problem) .
  • Noocaa dhiigga hooyada iyo midka cunnuga oo kala nooc noqdo . Tusaalle hooyada dhiiggeeda hadduu yahay O+ cunnugeeda uu noqdo O- ,  difaaca jirka hooyada  waxa uu u fahmaayaa in jirka la soo weeraray maadama uusan aqoonsan , sidaa awgeed waxaa dhacaayo markaas in ay hooyada dhiciso. 

  • Jug xoog leh oo hooyada oga dhacdo caloosha .

Haddaba waa maxay calaamadaha dhiciska?

  • Dhiigbax  inlagu arko hooyada, kasoo ka socdo  xubinta taranka (vaginal bleeding)
  • Hooyada oo dhanka caloosha ka dareento xanuun aad u daran .(Abdominal crumping)
  • Ilma galeenka oo bilaabo in furmo ( Cervical dilation).

                          Gunaannad

Qoraal yar kuma soo koobi karno dhiciska iyo waxa-yaalaha la xariira, waxa aan kula talin lahaa Bulshadeenna  Soomaaliyeed marka hooyada uur yeelato   in laga illaali wax-yaalaha culeeska in ay qaado, in hooyada laga daaweeyo infekshanka marka lagu arkaba, hooyada qabta cudur macaanka ama dhiikarka in la siiyo daryeel gaar ah oo mar walbo laga warqabo xaaladdeeda caafimaad. Sidoo kale hooyada Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqayaa inta ay uurka ay leedahay in ay badiso booqashada xarumaha caafimaadka.

W/Q: Qoraa / Dr: Miski Cabdinuur Salal

 

 

Fikirkaada Waa Muhiim