Dheefta aan cunnaa waxtar uma laha jirkeena ilaa ey soo marto hab lagu shiido ama lagu yaryareeyo,.

Hadaba habdhiska dheef shiidka waa silsilad isku xiran oo ey cuntadu marto,  marka ey cuntada afka soo gasho ilaa jirka qashin ahaan uu usaaro.

 Waxaana kamida habdhiska dheefshiidka:

  • Afka =mouth
  • Hunguri gaduud =esophagus
  • Caloosha=Stomach
  • Beerka =liver
  • Xamaati =gall blader
  • Ganac =pancreas
  • Mindhicirada-waaweyn =large intestinal (colon)
  • Mindhicirada-yaryar =Small intestinal.
  • Saxara saar =Rectum.

Afka Mouth: waa moqorka ama godka kabilaawda dibnaha kuna dhamaada hunguriga.

Carabka -Tongue: waa xubin muruq ah oo kasameysan xuubab ey dusha kaga yaaliin waxyaabo kuuskuusan.

Shaqada carabka uu bini aadamka uqabto:

  • Dhadhaminta.                             
  • kaalmeynta iyo burburinta cuntada.
  • Kaladuwanaanta codka.
  • kaqeyb qaadashada liqida cuntada.
  • Ilkaha waxey qeyb weyn kaqaataan burburinta cuntada .

Dalqo:waa xarig soolaalaado oo muruq ah shaqaadiisuna waa inuu daboolaa marka ey cuntada laliqaayo marinka hawada, isla markaana daboola marinka cuntada marka la neefsanaayo.

Caloosha: waa xubin muruq ah oo ku sameysan xuubab lakabyo ah, caloosha waxay u ektahay kiish waxeyna jirka ugataalaa ubucda xaggeeda sare waxayna inyar kahooseysaa bogga qaabkeedana wuxuu ku xiranyahay hadba inta cunto kujirta.

F.G:caloosha xad malahan laakiin waxaa xadeeya qofka bini aadamka ah, tusaale waxaad arkeysaa in Soomaalidu tiraahdo “qofi waa intuu cuno” ama “calool madharagtee cindibaa dharko”.

Shaqada caloosha waxaa kamida iney fududeyso shiidida cuntada iyo dheecaano iney soo deyso ku waasoo burburiya cuntooyinka aan cunno.

Beerka Liver ::beerka waa qanjirka ugu weyn qanjirada jirka ku jira wuxuuna kuyaalaa bogga hoostiisa dhinaca midig ee saableyda.

Culeyska beerka ragga waa (400-1800)

Culeyska beerka haweenka waa 1200-1400)

Shaqada baarka =The function of the liver

Beerka wuxuu soo daayaa dheecaano sida xamaatida.

Beerka wuxuu glycogen ubadalaa guud ahaan sonkorta iyo dufanta jirka ku jirta wuuna keydiyaa.

Mindhicirada yaryar The function of small intestine:

Mindhiciradu waa sida dhuun ookale e’ waxeyna kudhagantahay caloosha iyadoona dhanka hoose uga dhagan mindhicirada waa weyn,jirkane waxey uqabataa shiidida cuntada waana meesha ugu weyn ee cuntada lagu shiido.

Large intestine Mindhicirada waa weyn:

Waa sida tubo ookale e’ wuxuuna kabilowdaa meesha mindhicir yaruhu ku dhamaado ilaa uu kagaro qeybta qashin saarka(rectum), shaqadiisuna waa in uu qashinka ka soo haro cuntooyinka jirka isticmaalo uu dibada u saaro saxaro ahaan.

Cuntada dhiiga ku darsoonta jirka wuxuu u adeeksadaa:

  • Koritaan (growth).
  • Tamar (Energy).
  • Kabniin (Repairment ).

Fikirkaada Waa Muhiim