APGAR Score  waa ereyo la soo gaabiyeey, waana tijaabada kobbaad ee loo sameeyo cunnuga marka uu  caadi u dhasho ama  marka lagu lagu dooxo hooyada , waxa aana  noo lagu talagay qiimeeynta caruurta dhasha   caafimaadkooda .

Waxaa laga soo gaabiyey APGAR score:

A appearance ( muuqaalka cunnuga).

P pluse ( wadna garaaca cunnuga ).

G grimace ( jawaabta uu cunnuga bixiyo marka la taabto; sida cunnuga marka laga taabto afka in uu meesha laga taabto afka la soo raaco).

A activity  ( dhaqaaqa cunnuga ).

R respiration ( Neefsashada cunnuga ).

 APGAR score  Waa waxa kaliyaha oo kaa caawin karo   go’aanka sax oo laga qaadan karo cunnuga dhasha in uu u baahan yahay daryeel joogta ama in uu dhammeystiran yahay   caafimaadkiisa

Haddaba kaallay Aan Isla Aragnee Sida Loo Isticmaalo APGAR score:

Waxaa loo isticmaal qiimeeynta marka uu cunnuga dhasho haddii uu muqaalkiisa uu yahay mid gaduud ah (pink) waxaa aad siineeysaa lamber 2, waana muuqaal  cadeynaayo ilmaha in uu caafimaad qabo, haddii uu  muqaalkiisa uu noqdo baluug (blue) waxa aad siineysaa 1. Wadnaha garaaco haddii uu ka sareeyo 100  daqiiqadii waxa aad siineeysaa 2 , haddii uu  daqiiqdii ka hooseeyo   100 waxa aad siineysaa 1 halka aad ka siineyso 0 marka aad weeydo wadno garaaca.

Jawaab celinta cunnuga marka la taabto haddii ay daciif tahay waxa aad siineysaa 1 , haddii ay tahay mid xoogan oo cunnuga uu jawaab xoogan bixiyo marka la taabto sida in uu raaco gacanta meesha ay ka jirto waxa aad siineysaa 2, halka aad ka siineyso  0 marka uusan bixin wax jawaab ah,

Dhaqaaqa cunnuga haddii uu badan yahay waxaa aad siineysaa 2 , halka aad ka siineyso 1 haddii uu yar yahay, ama waxa aad siineysa 0 haddii uusan lahayn wax dhaqdhaqaaq ah.

Ugu danbeeyn neefshada cunnuga haddii ay noqoto mid aad u yar  waxa aad siineysaa 1 halka aad ka siineyso cunnuga marka uu ooyo 2.

Guud ahaan  wadarta guud haddii la isku daro  oo ay ka yaraato 3  cunnugaas waxa uu ku jiraa xaalad adag aad ayuuna uu liitaa caafimaadkiisa, waxa uuna u baahan doonaa daryeel joogta ah.

Haddii 4-6 uu dhaxeeyo  wadarta guud waxa uu  u baahan yahay  cunnuga daawoyin caawiya,  halka cunnuga wadarta guud ay noqoto 7 iyo ka  badan  uu cunnugs   noqon doono  caafimaadkiisa mid aad u  sareeyo.

Haddaba Cunnugee Loo Isticmaali karaa APGAR score ?.

Waxa aa loo isticmali karaa  cunnuga walbo oo ku dhashay 9 bil  looma isticmaali karo ilmaha ku dhasha waqtigooda ka hor.

Maxaa keena cuunnuga in uu Hooseeyo APGAR score:

  • Qaliinka hooyada cunnuga looga soo saari lahaa oo daaha.
  • Hooyada oo qabta cudurka macaanka  ama dhiigkarka
  • Foosha oo daba dheeraato
  • Ilma galeenka oo qarxa

 

W/Q  Qoraa /Dr : Miski Abdinor Salal

Fikirkaada Waa Muhiim