Kalsoonidu waa lagama maarmaan waana shay qiime aad u ballaadhan ugu fadhida xasilloonida nolosha, qofkasta oo banii-aadamah,taas la’aanteedna aan marnaba la gaadhi Karin himilada iyo geedi socodka nolosha qofka baanii-aadamka ah.Waxa aad barataa naftaada miisan caqligaaga maskaxddaada waxa ku jira gudahaaga miisan saar oo noqo qof naftiisa yaqaan, ha ku xidhin naftaada wax keliya in badan waxa aad furtaa maskaxdaada oo aad bilowdaa in aad kaga shaqaysiiso oo aad wax badan shaqadeeda u dhiibto. Waxa aad kaashataa saaxiibada wanaagsan ee ku sheegaya waxa aad ku wanaagsan tahay.

Waayo saaxiibkaa waxa uu naftaada ka ogyahay wax aadan ogayn, tusaale ahaan waxa ogyahay wax aad ku fiicantahay ee aad ka soo bixi karto, marka horena waa in uu noqdo saaxiibkaa, wanaagsan oo khayrka kula jecel wax walba oo xuna kula neceb, waxa aad ku garataa in uu saaxiibkaa ku jecelyahay oo wanaagsan yahay waa ka marka aad wax xun ku dhacdo ku qabta ee ku yidhaa saaxiib waxa se waa wax xun, waaka mar walba kuula dhaqma oo jecel in aad isku raacdaan meelaha wanaagsan wanamid ku naasteexeya mar walbana ku xasuusiyay Allah swt.

Waxa aad kaashataa macallinkaaga ha noqdo midka masjidka wax kugu bara ama iskuulka ama jaamacadda mar walba la tasho oo ka qaado, wax waanagsan ee naftaada u kordhin kara in aad guulaysato oo aad gaadho meesha aad rabto kana qaado nasteexooyinka wanaagsan.haddaba Kalsoonida nafta waxa weye qofka usuurro geliyain uu la qabsado deegaanka ku harreeraysan hadday noqonlahayd qoyskaga, shaqada iyo saaxiibadaba, In uu nolosha dhex jibaaxo guulna gaaro.

Kalsoonida naftu waxa ay qofka ka dhigtaa mid adag oo aqoonna u leh heerka uu bulshadiisa ka joogo waxa ayna qofka dhaxalsiisaa horumar joogto ah , kaasoo ka dhasha dulqaadka iyo dedaalkiisa. Waxa uu qiimeeyaa noloshuu ka soo gudbey waxa aannuu daah-faydaa mustaqbalkiisa waxa uu ku kalsoonyahay naftiisa kuna farxaa guulihiisa, una haanqal taagaa mustaqbal fiican, Kalsoonida naftu waxa ay u baahantahay in qofku aqoon buuxda uleeyahay naftiisa iyo xaaladdiisa caafimaad, rumaystan naftiisa isaga oo aan xaqiran.

Tixdan  oo  magaceedu  yahay  “Higil”  waxa  halabuuray Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame). Waxa ay tilmaamaysaa tubta uu aadamuhu ku guuleysto oo ay u aragtohanka, himilada hayalka san.Waxa ay dhiirrigelinaysaa damiirka suubban iyo fallaadka hufan, iyada oo ka digaysa hunguriga oo horrseed u ah alabbada hadimeeya horu-socodnimada qofka. Guud ahaanna, waxa ay ku qotontaa falsafad dhiirriyeysa dadnimada hufaan iyo qofnimada suubban.

Nimaan hadal hooyadii Hadhuub ma tidhaahdo hoo Haaheey af-gobaadsigaana Habeen baa lagu dhaxaa Saaxiib huga eegayaa aana Jiilaalkaad kala hadhan Heer heer weeyaan da’duna Wedkuna waa lama huraan. Hantida rajadaa ka weyn Hammiga fulintaa ka roon Kasha laga hawl galaa Kaskuna halistuu tusaa Haantaaqo ishan arkayn Dadkana hoodaan masayn Adduunkuna waa hagbade Hadhow iyo waa kalkaa Heddaada jartee ogow. “harraad biyo maad na siin

Daantuna waa hadal-yaqaan.

Hoo-duna waa ii hambee

Haye-du waa igu hallee

Faq hoosana waa huraal

 

Kalsooniyo hiil dahsoon.

Furfuray haantan lingaxay

Runtan huurshaa baxdee

Toloow yaa helay sirtii?

 

Haanneeyey hashii luntee

Hadhiinooy yeelkadaa

Hadhuubka la heemiyoow

 

Ciddii huubaha lahayd

Hambada orodoo u gee.

Haldhaa geri baan jeclaa

Inaan hootada daree

 

Halgaad iga baydhaybaa

Bishaaro hungooy bal sheeg

Hawaawi daantayda qumi

Dhedooy haamaha biyee

 

Haantaaqooy noo miciin

Heydaarooy waan ku tebay

I haano beeneey i hoo”

Haasaasuhu waa sidaa

 

Hog baan degayaa xidhxidhan!!

Ma joogo halkii shalay

Gadaal uma haybsan karo

Haankaygu waxa uu ka koray

Haddana ma hilmaami karo

 

Xasuusaha heerinka

Hammiyo gocashan dugsaday

Hir iyo laac baa i hoday

Intan helay maan hambayn

Intan huray maan hibayn

 

Hubaal nafta maan habayn

Ka hiiliyey haybaddii

Hillaabtay hagoog iblays

Alleylehe waan haftee

Dardaaraanka habi ogaa

 

Habheeb kuu diri ogaa

Halgaad kuu dagi ogaa

Higsoow daalaye i daa!!!!!!

Haan-weynidu yaab lahaa

 

Hilbay nacaysaa ag yaal

Hibaaqa hareerigee

Haadan ka lushee fogbay

Misana ku hadaaqaysaa,

 

Hal bay hal ugeynaysaa

Hal baanay ka goynaysaa

Hadhaa hal ka buuraan bay

Misana kugu hawlasaa,

 

Go’doon iyo hayjad bay

Habeen kugu oodaysaa

Huluul laga maagay bay

Hayaa aan kugu geynaysaa

 

Dadkoo hilin jeexday bay

Hareer uga baydhaysaa

Naftay la heshiisay bay

Hujuun ku bilaabaysaa!!!!!!!!

Dareenku hal-gaabaanaa,

Hilowgu jahayn ogaa Hufnaantuna dhibi ogaa

Naftuu helay uu hagaay Hunguri waa meel sokee

 

Hilbiyo sharaf waa midkee

Haan iyo shilin keed rabtaa?

Damiirku hagaagsanaa

Hormoodnimo fiicanaa

 

Markuu hayin kuu noqdaad

Habaas laga baaqsadaa

Hayaa aankana wuu ladhaa

Haloosiyo toobiyuu

Hir doogle ku geynayaa,

Wixii ku hoduu hiraa

 

Kashuu hal’adayg faraa

Samuu u horseed noqdaa

Xumuu ka hagaag idhaa

Haankana himiluu tusaa

Halyey diriruu noqdaa

 

Markay ku bidaan hocoo

Hawaankana wuu nacaa

Halbeega runtuu sidaa

Hawraarta daantuu tirshaa

Nafluhu hadh u jiidi waa.

 

Indhaha lagu halacsadaa

Naflaha lagu harawsadaa

Haddeer wax taagaanbuu

Hadhow ka hilaadiyaa.

Waxa uu hebel ruuxu yahay

Intanu heshiis la gelin

Hawaawiga laacdaanka’a

Naftiisa markuu hagrado

Hadhkiisa markuu dirsado

 

Hambaana qaatuu darsado

Sidii awrkiyo hashii

Habeed goortuu marsado

La hiif-hiif laana habaar

Haasaawaha lagu cidlee

Nin toocsiga lagu hujuun

Agtiisana laga hayaa aan

 

Ceebtiisana lagu hadaaq

Hadoodilaan weedh dahsoon

Kor iyo hoos loogu maag

Hugiisu xasuusan waa

Kolay tahay hooyadii

Waxa ay kashu huursataa

Wejigu heel soo dhigaa

Huruufkuna waa dhambaal

 

Haamuu awrkaasi sido Is-leeg buu kula hinqaday

Dadkuna hayin kama dhacaan.

Duruufaha kugu hurdaa

Awood hinjisay rabaan

Umaad dhalaan hootadee

Hilaadaha kaa gadmaa

 

Hariiryaha kugu dhigee

Adiyo hooskaad rabtana

Haadan baa kala dhex taal

Kartiyo waa howl-karnimo

Buundada lagu halabsadaa!!!!

Kaliilaha haad qattani

Hadh iyo hoosiis ka soon,

 

Dhashanu hilmaamsanayn

Inay hilbo doonayaa aan.

Waxa ay naftu hadhac degtaa

Heemaaliyo sawraciyo

Hagoog iyo baadisooc

 

Markay leedahay haannaan

Hadday u higgaadiyaan

Qayrkeed kolba heel furaan

Waxa ay hindisan faraan

Waxa ay hidiyaan baraan

Inay tahay hoodadii

Waxa ay ka hawoon lahayd

Hadday ku hogaamiyaan

Waxa ay ku hagaagsanayd

Hadday ka habaabiyaan

 

Hugooga hadday tolaan

Haangoolkeedaana qoraan

Habaarku ducuu noqdaa

Hadhow waxad haybisaa

Fikirkaada Waa Muhiim