Kalsooni:haddiiaysankalsooni jirin qofku magarankaro awoodddihisa maskaxdaa ama jidheed ee Illaahay siiyey, kaddib qofkasi waxa uu ubaahanyahayin aad ku tidhaahdo wax qabso oo cabashada iska yaree, kalsooni la’aanta haysata oo uu qofku isleeyahay billaad waxan ku fashilaantaa oo aad qaban kariweydaa.

Khibrad la’aan iyo aqoonla’aan: Marka hore baro aqoon si aad cabsida uga baxdo, waayo cabsida waxa kamid waxa aadqabanlahaydoo ay ka horjoogto aqoon la’aan marka bili-adaankuna way ka cabsada waxkastaa oo aanay garanan, marka waa in aad magacowda wax kasto oo adiga ku cabsigelinaya si aad uga hortaagto iskuna day wax khibradda.

Isku day cid ku caawisa: Oo marka aad cabsatid aad ku eerato oo cabsida ka hagta oo aad ku dayato kana saarta xididkan cabsidu ku badantahay.

 Noloshaada cabsida wax kasi: Mararka qaar wey jirikartaa, laakiin waa in aad xaddidi kartaa oo ay ku barta sida laysaga dhafo iyo sida naftaada lo dhiirrigeliyo

 U dabbaaldeg marka aad guul gaadho: Waa in aad guushaada u dabbaal deegta marka aad cabsida iska saartid dedaalka gaanna aad laban laabtaa.

 

Dhisidda kalsoonida naftaada

Illaahay ayaa mahad leh Nebi geena(NNK), inta kaddib kalsoonida naftu waa in qofku darreemo qiimaha naftiisu u leedahay,waxa ku harreereysan markaasna kalsoonidaa u turjumo dhammaan dhaqdhaqyadiisa iyo hab dhaqankiisa isaga ooaan khilaafaan caqliga iyo dhaqamada hufan dareemaya argagaxa iyo naxdin midna,dhaqa madiisa ayaa ina xukuma, ee maaha kuwa looyeedhiyo ama loo sheego Marka uu dhaqmaayo ama wax qabanayo waxa uuadeegsadaa awooddiisa aqooneedhawlkarnimo iyo wax qabad, dhammaan wixii intaa kasoo hadhaa waa kalsooni darro,waxa ayna qofka ka dhigtaa qof dadka waarddiyeya ku deydaa waxalasoo dersa murugo iyo deggenaansho la`aan,go`aankasta iyo tallaabo kasta oo uu qaadayo.

Haddaba waa in aad ku qanacsantahay noloshaada aanad ogaatid in ay mihiim ku tahay in aad noolaato nolol raaxo leh, oo aad dalkaaga iyo dadkaagaba mihiim utahay aanad caddayso in aad noloshooda kaga jirto kaalin mihiim ah, qofka nolosha ku faraxsan waxa uu awooddikara in uu si farxadleh noloshiisa u horumariyo.

Laakiin waa in bulshada kagelo waxa aannu ku nolaankara nolol degenaansho leh waxkastana waxa uu ka istagayaa dhinaca fiican, waxannu noqonaya qof xagga fiican wax ka eega, waayo wax uu haysta wixii nolosha ugu cajiibsanaa oo ah in uu is ku kalsoon yahay waxa aannu ku biiraya dad ka xagga fiican wax ka eega ee loyaqano (optimistic persons) waa mihim in aad ku kalsonato dhammaan noloshaada, diinta aad,waddankaga ,magacaaga iyo Aabaha iyo hooyada halkay ka soo jeedan.

Fikirkaada Waa Muhiim