Marar badan baa cadaab magac ahaan loo sheegaa, haddana dad baa nolosha ay maraan cadaab u tahay. Falxado koonka korkiisa cadaab bay ku martay, rajonimo, jacayl yaraan ku galay ayna calfan weyday oo la dhaafiyey, kufsi haddana la damcay in ninkii kufsaday loo guursho. Ciribxumadii Gartii canjeelku waxay keentay carar iyada oo uu uur ku yeelatay kufsigii. Iyada oo will sidata baa haddana la qafaashay addoon ahaanna loo iibshay Soomaaliya gudaheeda. Dal Carbeed baa lagu addoonsan jirey iyada iyo wiilkeedii, haddana la sii kala iibshay.

Falxado waxa ay Ciirsila qoraysaa iyada oo 52 jir ah kuna nool boqortooyada Ingiriiska.

Buuga Ciirsila ‘waa sheeko xanuun badan oo ka kooban sooyaal iyo samays si xallad iyo farshaxannimo leh uu isugu xarday qoraa dhaqanka iyo hal-abuurka ku xeeldheer. Buuga wuxuu salka ku hayaa quursiga iyo addoonsiga Soomaalida oo isla qoraagani baaritaan dheer ku soo bandhigay. Sheekada buuggaan ayaa ah sheeko kuu diidaayo inaad buugga isku laabto.

Dhowr mar ayaan tagay maktabada buuggaagta ee Hamar (Hamar bibliotek) si buuggaag aan aqristo ugu soo amaahdo, marka aan fiiriyay dhankaas iyo buuggaagta ku qoran Afsoomaaliga waxaan arkay buuggaan Ciirsila ma aanan qaadanin oo waan ka tagay waxaan qaatay kuwa kale, maxaa yeelay waxaan u haystay inuu ka hadlaayo addoonsiga iwm, madamaa sawirka buugga ka muuqdo addoonsi. Aniga Cabdijabaar ahaan ayaa iska ah qof neceb addoonsiga la addoonsado bini’aadamka, sidaas awgeed waan xanaqayaa markaan aqriyo buuggaag ama qoraalo ka hadlaayo addoonsiga naxariis-xumada ah ee ay dunidda soo martay.

Sidaas agweed halka aan Ciirsila ka qaadan lahaa oo aan soo aqrisan lahaa waxaan ka qaatay buugga Halgan Iyo Hagardaamo! Oo aan qoraal kooban ka qoray marka aan aqriyay kadib. Guji halkaan si aad u aragto http://www.tukesomalism.com/archives/7625

Socodkeygii labaad ee aan ku tagay Maktabada Buuggaagta waxaan ku noqday isla maktabada waxaana soo amaahday labo buug oo mid kamid ah yahay buugga Ciirsila. Marka aan bilaabay buuggaan Ciirsila waan joojin waayey aqriskiisa, xittaa heer waxaan gaaray inaan isweydiiyo ’talow maxay ku dhamaan doontaa qisadaan? Waan sugi waayay inaan joojiyo aqriska buuggaan illaa aan ogaado halka ay ku dhammaan doontay qisada. Waxay taas ku tusinaysaa in qoraaga buuggaan uu yahay qoraa hal-abuur fiican leh, sidoo kale waxaa soo jiidasho leh qaabka iyo erayada uu isticmaalay qoraagga. Waa qoraa qoraalkiisa ay ka reeban tahay afafka qalaad waliba si xikmadaysan ayuu u kala dhigdhigay qoraalkiisa.

Waligey intii aan noolaa ma’aanan arkin qisada buuggaan qiso ka xanuun badan. Inta aan ku noolaa duniddaan waxaan aqriyay buuggaag badan iyo qoraalo kala duwan laakiin buugga Ciirsila –Cirib Xumadii Gartii Canjeelka waligay ma’aanan arag midkaan mid ka qiso xanuun badan.

 

Cali M. Cabdigiir

Qoraaga buugga:

Cali M. Cabdigiir yaraantiisii ayuu ahaa hal-abuurka sheekooyinka jeclaa. Qoraalka buugta waxa uu ku bilaabay Cawodaran, 1975 ee ololihii Afka Soomaaliga, balse buuggaasi hoodo uma yeelan daabacaad. Sandareerto baa noqday kii koowaad oo la daabaco, dalka Kanada 1994. Inta la daabacay oo bulshadu aragtay, Ciirsila waa 8aad.

 

 

Sida ku qoran taariikhda ahaan, Buuggaan waxay gabadha Falxado soo gunaanaday sanadka marka uu ahaa 1925-tii.

Ruclaheeda nolosha

Rajonimo ku soo koray

Rayrayn ku soo helay

Rafaad badanna soo maray

Ruunkay jeclaydna

Yartu weli ma roogsane

Ragaad kale miyaa jira?

Rabbiyow maxaa haray

Naftu ay rajeysaa?

Waxa aan ahaa gabar yar oo jecel in ay waxyaalo badan nolosha kasii ogaato, gaar ahaan aayahayga. Marna kama gaabsan jirin in aan dareenkayga giis ku cabbiro. Giiskaan yar ee kore qayb Falxado Abraar kamid ah baa ka jawaabtay , waxa ay tiri “dareenkaaga waa in aad cabbirto kuma gafsanid, balse aadane waxa uu ku dambayn doono haddii loo sheegi lahaa koonku sidaan ma ahaadeen” giis ahaanna waxay taas ku tiri “

Runta dunida idilkeed

Rabbi bay u gaar tahay

Raxmaankaa wuxuu yiri

Raxmad lagama quustee

Ciddii maanka riiqdaa

Riyadeeda maashee

Ra’yigaaga shaanshee

Rogroggiisa sii badi.

Waxaan ku soo gunaanadayaa, aragtidayda ku salaysan buuggaan ee aan ka bartay ayaa ah in waalidka ubadkiisa uusan habbaarin. Gabadhaan Falxado waxa dhibaatadaas u gaystay waa habbaar waalid waa sida aan isleeyahay aragtidayda ku aadan buuggaan. Waa in waalidiinta aysan fududaysanin habbaarka ay habbarayaan ubadkooda. Habbaarka waalidka waxaa laga dhexlaa cuqabo halis ah. Qisadaan oo kali ma ahan xittaa qisooyin badan oo habbaarka waalidka ku saansan horey waan u aqriyay.

Qofka marka uu yaryahay da’ahaana, ay keeni karto inuusan kala qaybsan karin caqligiisa waxay horseed noqon kartaa in waalidka uu ka kasbado habbaar.

Aragtida kale ee aan doonaayo aqristoow ayaa ah in loo baahan yahay in gabdhaha aanan lagu qasbin guurka. Guurka qasabka ah wuxuu dhaliyaa dhibaatooyin badan, inkastoo ay jiraan kuwa badan oo lagu naajixay hadana waa muhiim in ubadka ay yeeshaan doorasho xornimo leh.

 

Waa maxay guurka qasabka ah?

Guurka qasabka ah wuxuu dhacaa markii qofku guursado asagoon si madaxbanaan ama si buuxda u ogolaan guurka sababtoo ah waa la qasbay, la handadey ama waa la khayaaney. Ku-qasbidda cid kasta inay guursato ma’ahan wax la aqbali karo. Guurka qasabka ah waa fal adoonsi oo kale ah, ku-xadgudub xuquuqul insaanka waana dambi aad u daran.

Guurka qasabka ah kuma e’ka koox dhaqameed, diimeed ama qowmiyado gaar ah, waxana jira warbixino ku saabsan guurka qasabka ah oo ka imaanaya dhammaan dadka dunida oo dhan. Guurka qasabka ayaa illaa haatan ka jira dunida oo idil.

Plan International waxay qiyaastay in 14 malyan oo gabdho ka yar da’da 18 in la guursado sannad kasta. Inkastoo aqlabiyadda dhibaneyaasha caalam ahaan la soo sheegay ay haween iyo gabdho yihiin, nimanka iyo wiilasha ayaguna way noqon karaan dhibaneyaalka guurka qasabka ah. Qofku wuxuu noqon karaa dhibanaha guurka qasabka ah ayadoon loo eegayn sinjiga ama qaabka galmada. 

Saynis-yahaano ayaa sheegay in guurka qasabka ah uu sabab u yahay kororka cudurka macaanka. Bulshada Pakistan ayaa qaarkood gabdhaha ku qasba nin ay iyagu dooneynin ama ka weyn, taasi oo dhaqaatiirta tilmaameen jahawareer ka dhasha ay keeni karto cudurka Macaanka. Guud ahaan caalamka ayaa dadka la nool cudurka macaanka ama la dhibtoonaya waxaa lagu qiyaasayaa in ay yihiin 422 million sida lagu sheegay xogo-caaafimaad oo laga soo aruuriyay daafaha caalamka. Tiradaan ayaa waxay afar jibaar ku tahay wixii ka horeeyay sanadkii 1980-kii sida ay sheegtay hey’ada caafimaadka aduunka ee WHO.

Fikirkaada Waa Muhiim