Jadeecadu waxa ay kamid tahay cudurada  faafa , sidoo kale waxa ay kamid tahay cuduradada dillaaga ah ee laga talaallo ilmaha marka ay yaryihiin .   Waxa aana  sababa miislis  feyrus  (measles virus) , calaamadaheeda  waxa ay soo baxaan 10-12 bari  ka dib ,qofka marka uu jirkiisa galo feyriska,. Waxa ayna   kamid tahay sababaha  ugu badan ee guud ahaan caruurta dunidaan ay u dhintaan , gaar ahaan carruurta ay ku yartahay fitamiin A.

Haddaba Kaallay Aan Isla Fiirinee Calaamdaha Lagu Garto Jadeecada:

  • Qufac iyo Qandho.
  • Indhaha oo gaduuta.
  • Iftiinka oo qofka dhiba.
  • Dhuun xanuun.
  • Dhibco dhibco maqaarka lagu arko , waana calaamada ugu caansan ee jadeecada.

Sidee Ayaan Ku Ogaan Karnaa In Uu Qofka  Jadeeco Qabo?

  • Baaritaan dhiigga in laga qaado.
  • Calaamadaha Jadeecada oo  qofka  si dhameystiran looga wada arko bukaanka, ayaa lagu ogaan karaa.

Yaa  Halis Ugu Jira Jadeecada in ay ku dhacdo.

  • Dadka aanan qaadan  tallaalka jadeecda.

  • Dadka safarada badan.

  • Dadka ay ku yartay fitamiin A

Dhibaatooyinka Ka  Dhasha Jadeecada Haddii Aan La Daaweeyn:

  • Arago oo lumo
  • Kolba’aariyo
  • Dhicis
  • In ay Dhimato  Hooyada  ayeey  qeeyb ka noqon kartaa .
  • Saameeyn Caafimaad daro oo ku timaado hab dhiska neefsashada.

Fiiri qaaradaha caalamka oo dhan wadamada uu ku badanyahay cudurkaan. Waxaa kaaga muuqda in Afrika ay tahay halka ugu badan cudurkaan. Cudurkaan ayaa ah cudur ay ka wada siman yihiin daafaha dunida oo idil, laakiin wadamada caalamka wadan walbo wuxuu leeyahay qorshayaal u degan ee ay marwalbo kaga hortagi karaan cudurka jadeecada.

Gunaanad, Cudurkaan ayaa ah cudur ay ka wada siman yihiin daafaha dunida oo idil, laakiin wadamada caalamka wadan walbo wuxuu leeyahay qorshayaal u yaalo ee ay marwalbo kaga hortagi karaan cudurka jadeecada. Sidaas awgeed bulshada Soomaaliyeed waa kuwa aanan haysanin dowlad masuuliyadaan qaadi karto, maxaa yeelay illaa hadda waxaa dhibaato bulshada ku haayo cudurkaan jadeecada mana jiraan haddii ay jiraana ma aragno qorshaha dowladeena kaga aadan arrimahaan.

Wax aan ugu baaqayaa Bulshadeenna Soomaaliyeed in ay tallaalka jadeecada ay qaatan , cunuga inta uu yar yahay in loo dhameeystiro tallaalka, cunnuga marka laga helo jadeecada in aan ilmaha kale lagu   sii deeyn car  , in aan  badsado cunista  qudaarta si aan oga taxadarno caafimaadkeenna.

Fikirkaada Waa Muhiim