Dhiig la’aantu  waa yaranshaha  cabbir  ahaan ama tirro  ahaan unuggyada dhiigga cas  ee ku jiro jirka  Aadanaha. Waana xaalad jirka uu galaayo marka uu waayo dhiigga  in ku  filan  oo ah unuggyada dhiigga cas  ama  hemoglobin (Hb).

Hb oo ay Soomaalida sidda wacan u yaqaanaan,  ayaa waxa uu yahay  qayb aad u wayn oo kamid ah unugyada dhiigga cas, waxa uuna  jirka  dhamaantiis siiyaa oksijiinka asagoo kaso  qaadaayo  sanbbabaha.

 Dhiig la’aantu waa waxa ugu caansan ee xaaladaha  dhiigga  saameeya. Cilmi baaris la sameeyay ayaa lagu ogaaday 5.6%  in Dadka  Mareykanka kunool ay saameeyso dhiigg la’aanta. Halka qiyaas ahaan 60% inka badan ay saameeyso dhiig la’aanta Dadkeena Soomaaliyeed , gaar ahaan dumarka iyo caruurta  iyo Dadka  qabo Cuddurada  ku daahay (choronic). Mararka  qaar dadka  ayaa  nooga dhinto  dhibaatooyin ka dhashay dhiigg la’aanta.

Haddaba   Kaallay Aan Is La Fiirinee Wax Yaalaha Sabbabo Dhiig La’aanta:

  1. Qofka oo uu jirkiisa uu waayo  nafaqo ku filan.
  2. Qofka oo dhiigg baxo
  3. Qofka oo qabo cuddurada ku daahay (choronic)
  4. Jirka oo saa saari waayo in ku filan unnugayada dhiigga cas

Haddaba Soo Bax Aan Isla Aragee Caalamadahau Lagu Garan Karo Dhiigga  La’aanta:

  1. Wadno garaac badan.
  2. Daal faro badan.
  3. Daciifnimo.
  4. Qofka oo rabitaanka cuntada waayo.
  5. Maqaarka iyo ciridka oo caddaan noqda.

        Siddee Ku Ogaan Karnaa Inuu Qofka Yahay Dhiigg La’aan?   

  1. Qofka in aan la yeelano waraysi .
  2. Qofka inaan u sameeyno indha indheeyn iyo inaan ka cabbirn calaamadaha nolosha (vital sign)  .
  3. Qofka inaan ogaano culeeskiisa inta Kg uu yahay.
  4. qofka in aan u dirno dhiiggag si an ugaano Hb mesha uu maraayo.

   Siddee Ayaan Ku Xallin  Karnaa Dhiigg La’aanta?.

  1. Qofka in aan siino Cunto dheeli tiran.
  2. Qofka inaan siino daawooyin ay ku badan yihiin fitamiin B12 iyo foolik asiid (folic acid).
  3. Qofka in aan ku shubno dhiigg .
  4. Qofka in loo abuuro dhuux kasoo soo saaro dhamaan dhiiggaga noocyadiisa kala duwan.
  5. Qofka  in aan ka daweeyno infekshanka oo qayb lixaad leh ka qaata imaanshaha dhiigg la’aanta.

Gunaanad, bulshadeenna Soomaaliyeed  waxaan ugu baaqayaa in ay markasta ay cunnaan cunta dheelitiran gaar ahaan in la ogaado cuntada dhallaanka iyo hooyinka nuujiyo iyo kuwa uurka leh  , waxaa wanaagsan inaan badsano cunista  digirta,  ukunta ,mooska , miraha  sidda canbaha , qudaarta cagaaran , loowska, liinta , hilibka gadudan, caanaha iyo   cuntada leh qolofta dhammaan   wadakeena hodan ayuu ku yahay waxaan jeclaan lahaa inay ka faaideystaan  oo ay ku baraaruygaan muhiimada ay leeyihiin  si ay nooga yaraadan saameeynta dhiig la’aanta ay dadkeena  ku hayso.

Fikirkaada Waa Muhiim