Anmbalaastu waa gaari loo isticmaalo in bukaanada lagu geeyo goob caafimaad si loogu daaeeyo.

Anbalaastu waxa ey sheegeysaa in ey jirto xaalad dag-dag ah, bukaanka lagu sooqaadana waa mid ubbaahan gar-gaar dag-dag ah, waxaana lagu gartaa dhawaq iyo iftiinka nalalka kaladuwan ee kabaxa, kuwaas oo muujinaya in ey jirto xaalad dag-dag ah.

Taariiqda Gawaarida Anbulaasta:

Taariiqda anbalaasta waxa ey soobillaabatay xilligii ilbaxnimada, waxaa la’isticmaali jiray xilligaan kahor gaari gacan ama gaari gacanta lagu riixaayo oo waqti badan qaadan jiray in lagaaro meeshii larabay. Xilligii ugu horreysay ee la’isticmaalo anbulaasta waa 1487-dii, dalkii ugu horreeyaya ee laga isticmaalana waxa uu ahaa Spain. Waxaa lahormariyay oo lacasriyeeyay anbulaasta qarnigii 19-naad and 20-naad.

Nuucyada Ay Ushaqeeyso Anbalaasta:

Anbalaasta waxaa la’isku raacsiiyaa kooxo  ama sida ey isku leeyihiin iyada oo loofiirinaayo bukaanka shaqada ey uqaban karto iyo gar-gaarka gudaheeda laga helo.

  1. Anbulaasta deg-degga Emergency anbulance: waa nuuca ugu caansan ee la’isticmaalo, bukaanaduna gudaheeda waxa ey kahelaan gar-gaar deg-deg ah sida Oksijiin,xanuun baabi’iyaal iyo waxa ugu horreeya ee qofka xanuunsan uu ubbaahanyahay. Nuucaan waxa ey noqon kartaa Elakabtar, gaari bas ah, ama Markab waa nuuc kasto mid loosameyn karo, kaliya waxaa muhiim ah in qalabka uu udhammeystiranyahay.
  2. Bukaan xawisho-Patient transport ambulance: waa nuuc kamid ah anbalaasta shaqadeeduna waa in ey bukaanada ukala xawisho goobaha caafimaadka iyada oo kasoo qaadeyso goob caafimaad ee kale sida; haddii bukaanka uu ubaahdo in ladhaqo killiyaha waxaa qasab ah in lageeyo cusbitaal lagu dhaqo killiyaha oo qalabkaas laga helo, xilligaas anbalaasta qaadeyso waa bukaan xawisho ama Patient transport
  3. Response vehicle- waa nuuc kamid ah anbalaasta waxa eyna gooni utahay bukaanada xaaladdoodu aadka uliidato in lagu qaado sida bukaanka ubbaahan in lageeyo qolka ICU-da ee lagu ilaaliyo xaaladaha halista ah.
  4. Bariatric ambulance-anbalaastan waa nuuc ugaar ah bukaanada aadka ucayilan, waxa eyleedahay qalab iyo meelo loogu talagalay in ey cuskadaan, waa nuuca kaliya ee dadka cayilan loogu shaqeyn karo sababtuna waxa ey tahay gudaheeda ayaa aad waasac u ah.

Barashada degdega ama xaaladaha qatarta ah ayay muhiim utahay anbulaastu.

 

Fikirkaada Waa Muhiim