Dunidaan jaanqaadkeedu sii kordhayo, sanadba sanadka ka danbeeya; waxaa feer socda sii siyaadida xanuunada lidiga ku ah fayo qabka bulshada, iyadoo ay jiraan canaasiir kordhinaysa xanuunada bulshada ka dhan kale misana dadka laftirkoodu iyaga isku abuuraya jiritaanka xanuunka. Qaabka cunta karinta bulshadu waxay kobciyaan jiritaanka xanuuno halis ah.

Xanuunka gaastariga waxuu kusoo badanayaa bulshada Soomaalida yar iyo waynba, waxaa keenaya sababo dabiici ah iyo sababo bulsheed.

Soomaalida dhexdeed waxaa dhif iyo naadir noqdey isticmaalka cunada dabiiciga ah ee laga soo dhanbasho beeraha, waxaa ilbaxnimo noqotay isticmaalka baasto laga soo warfiyey talyaaniga. Dad badan, sadexda amin ee wax lacuno, waxay cunaan cunto leh koosaar saliideed(suugo), qaabka loo kariyana, waxaan dhihi karaa saamayn mug leh buu leeyahay, tusaale, suugada marka la dalacayo(la samaynayo), marka ugu horeysa, digsi maran baa damba la saarayaa, markuu qaxmo, oo uu aad u kululaato birta digsigu lana falgasho dabka, baa lagu darayaa saliidda ceeriin(saliid caddey), iyaguna markey isl fal-galaan baa intii kale lagu darayaa.

Sadexda amin ee calafka la cuno, markii uu noqdo cunto suugo leh, habaynkiina lagu seexdo, waxaa caloosha ka dhamaanaya gaska (cilia), sida badan markuu la xaalufiyo gaskii caloosha, shaqsiga waxuu gubanaysa caloosha markuu cuno cuntooyinka qaar, tan kale waxaa jirta Bakteeriya sababta xanuunka gaaska oo lagu magacaabo H. Pylori (helocobecter Pylori), boqolkiiba sagaashan waa fursad suge (opportunistic pathogenic), macnaha dadka badankooda wey ku dhex nooshahay, balse 10% bay xanuun ku sababi kartaa, inta kale waa keeb la yuurur, sugeysa fursadeeda, markii caloosha timahu ka dhamaadaan, maqaar gudeedka caloosha, waxaa waxyeelaynaya dheecaanka aysidhka ah ee calooshu soo deyso, ka dibna Bakteeriyadii waxay helaysaa wadadii ay dhiigaada ku dhex gali lahayd, kabacdina waxay kaa dhigeysaa bukaan la ildaran xanuunka gaaska.

Waxaa jira dad badan oo aruurtii xiligey raaban wax cunaan, subax wuu quraacan, subaxa ku xigana wuu gees marayaa quraacda, taas waxay sababeysaa dheecaanka Haydro kaloorik aysiidh inuu ku da’o calooshiisa, kala duwanaanshahaan xiliga cuntada waliba subixii, waxay ka qayb qaadataa dilaacidda gaaska.

Cunnooyinka dabiiciga sida masagada, digirta, galleyda iyo sareenkuba waxay noqdeen cunto hoose, gobolada dhexe weyka fiican yihiin gobolada bari iyo kuwa waqooyi marka laga hadlayo isticmaalka raashinka dabiiciga ah. Arintaan waxay niyad jab ku tahay beeraleyda Soomaaliyeed, waxay halis ku tahay fayo qabka bulshada, waxayna dhiirrigalin utahay ganacsada qalaad. Dad loo soo dhoofsho cunadey cunaan, waa loo taliyaa.

Dhakhaatiirtu waxay dadka uga digaan isticmaalka cunto suugo leh, dadku ma dayn karaan cunto suugo leh, balse yaraynta cuntada suugada leh. Xaafadaha qaar haddaan cunto suugo leh la karin, habayn kaas casho lama karin bay ka dhigan tahay.

Haddeysan iskaba dayn karin cunto suugo leh, waxaa lagula taliyaa bulshada inaysan ku seexan cuntadaan macnaha ugu yaraan labo saac shaqsigu waa inuusan istuurin amase jiifsan maxaa yeelay, habeenkii dheef-shiidku aad uma shaqeeyo, markuu shaqsigu intuu cunto saliidle cuno, hadana ku jiifsado, cunatadu waxay dhoobanaysaa caloosha, waxaana soo kormanaya saliiddii cufnaanteeda darteed. Meesha ay iskaga darsamaan caloosha iyo hunguriga ee Sphinterka kore, waxaa dhoobanaya saliiddii, waxay la dirireysaa gaska caloosha, saliiddo waxey xanxanteynaysaa maqaarka, kadibna shaqsigaas waxuu ka andacoonayaa dareemista laabjeexa.

Fikirkaada Waa Muhiim