Waa gabay sal balaaran oo aqoon badan iyo aragtiyo siyaasadood hal koob ku kulminaya, waxaa muush ka ah xigmad suugaaneed daboolan, marna siyaasad sarbeeban, dhinacna waa cimri qaadasho wacyi galin ah, waxuu isku guntayaa dhaqankeenna suubban sida xigmadihii abwaanadii hore laga guntay iyo sawirka kaligii taliska.

Gabaygaan waxaa la tirshey gugii Carabta (2011), waxaana tiriyey Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid, ujeedda hadalka gabayguna waxuu ahaa siyaasad, balse waxaa lagu laray suugaan gun dheer. Waa suugaan kaaga filan macnaha kali taliska iyo ayaaha danbe meesha uu ku danbaynayo, abwaanku waxuu tusaale kuugu soo qaatay Sumbo iyo suburdho.

Sumbo micne ahaan(qaamuuska Afsoomaliga, Annarita iyo Mansuur) waa shaqsi baali, areebo ama basari ah, waxaa kale oo lagu macneeyaa haweenayda ka madax adag awaamiirta ninkeed, fara taagtaagna u dheer tahay.

Suburdho waa ninka aan caqligiisu meel marin karin, mid kalana aan qaadan, ladnaanna u dheer tahay, shaqsigaas iyo kaligii talis waa walaalo isku uur jiifa, waxayna la kulmaan guuldarro aad u kharaar iyo garab la’aan illaa ay aduunka ka huleelaan. Barwaaqo, qaninimo iyo xoola kasta oo aad hanatid subax baa lagaa sayrayaa si kasto oo aad ugu dhagantahay; waa xigmad waadax ah oo gabaygaan ka dhex muuqata, inbadan oo inaka mid ahna ogtahay ama latusayba.

Waxaa adduunkaan hareeyey colaado, dhibaatooyin iyo masiibooyin dabiici ah, intaas waxaa u dheer gaajada dunida sadexaad oo sii siyaadeysa sanadba sanadka ka danbeeya, colaadda iyo faqriga labo shey oo aad usiyaadey labaatan iyo shantii sano ee u danbaysay.

Tani uma baahna shaybaar waa mid iska cad, abwaankuna waxuu yiri “Adduunyadan sifaarkiyo ka duul ubaxi saarnaaye, Saxal iyo colaad baa qabsaday sebankan maantaaye”

Labadaan tuduc waxay wadada u xaarayaan hadalka ka horeeya oo sheegaya koboca colaadda iyo gaajada sanadahaan danbe kuna soo siyaadaya adduunka, Sifaar waa nooc cawska ka mid ah(xig: qaamuuska Afsoomaaliga). Anigu haddaan isku dayo inaan cabirro ujeedda fahankeyga iyo xiriirka labada tuduc, cawsku waa lamahuraanka nolosha dunida sadexaad si dedban, xoollo dhaqato waxay kunool yihiin xoolaha, xoolihiina cawska, haddii cawska oo cirib tirmo, waxaa yaraanaya xoolihii taasna gaajo iyo cayr bay u hor seedeysaa xoolo dhaqatada iyo bulshooyin kale oo kusii dhinac nool.

Cawsku waxuu tilmaan uyahay khayraadka dabiiciga ah oo dhulka kasoo baxa taasna waxaan u weecin karnaa beerihii iyo dalaggii dhulka kasoo baxayey, yaraanshaha beeraha ama beerashada waa mid aan daahsaarnayn, oo sanad walba sii gureysa gaar ahaan Afrika tayo iyo tiraba, abwaankuna waxaad mooddaa inuu kusameeyey baaritaan dheer.

Gaajada iyo colaaddo waa mid isku xiran, markasto oo gaajadu siyaaddo colaadduna way labo laab maysaa, gumaysigaan dedban ee reer Galbeedka baana hooyo iyo aabbe u ah halaagaan is garab socda.

Gabayga Cirir

“Adduunyadan sifaarkiyo ka duul ubaxi saarnaaye

Saxal iyo colaad baa qabsaday sebankan maantaaye

Saadaasha iyo mooraduna way silloontahay e

Sadadiyo kulayl bay gashay iyo surin cidhiidhyoon e

Mariiq dhiiglahaa saaran iyo sababul mawdkiiye

 

Giddigeed surkuu kaga hayaa seefta Malagiiye

Halkii gorofka lagu saydhayay saaka maraysaaye

Inay suurtu yeedhana u dhow waa la sugayaaye

Qunbe subag ah saaf iyo caddiin suusac iyo xuuko

Sogob qalan jinaad solay ah iyo sararo geedaysan

 

Sanqaraarac shawliyo karuur seenyo laga maalay

Sado malab ah oon sixin leh iyo sooryo iyo dhuuni

Saf carruur ah surunsuur marwa ah sawjad iyo kaato

Salaan mooda taaj iyo saldanad saanad iyo ciidan

Sibraar caano geel iyo nimciyo saaftin iyo luuli

Nin kastoo sareedada adduun Eebbe wada siiyo

 

Marbaa aayar laga saydhiyaa subax la dhaafaa

Ujeeddada waxaan uga socdaan kuu sawirayaaye

Madaxdii sillani waa gud iyo sadhiyo daacuun e

Raggii Carabta silicaa baday ee toobiyaha seejay

Boqorradii sankaa taagayee dhibida saydhaayay

Sararaha raggii yeeshay ee sumallo moodaysay

Islaamkaba raggii saninayay ee eyda saacidayay

Gaaladu raggay saanyatee daba-saqlaynaayay

 

Saaciidadii Ilaahay ka qaad sebankan maantaaye

Waataa dadkii lagu salliday si Alle weeyaan e

Giddigood sabaaliyo baryey saaka marayaan

Maahmaahdi Soomaalida iyo sula markaan eegno

Sumbo dhago adaygaa diloo saara waligeed e

Suburdhana intuu ladanyuhuu talada seegaaye

Labadaba sidaa liidataa lagu sifeeyaaye”

Fikirkaada Waa Muhiim