Qof kasta oo nool dunidaan waxaa ku abuuran dareen, waxa uuna leeyahay maskax iyo garaad u haga halka uu go’aansado in uu aado, nafta iyo nuguurta shaqsiyadeed ayaa kaqeyb qaata halka uu dooranayo qofka. Qof ayaa maalin waliba sameeya oo sijoogta ah ugu cel-celsha wax uusan hormar kugaarayn dibin daabyo mooyee, hadana kama haro oo kama leexdo marwalibana waxa aad arkeysaa asaga oo kucelcelinaaya waliba ey lafiicanyhiin oo qanacsanaan ku dareemaya; tusaale haddii uu walaalkaa jaad cuno ama uu sigaar cabbo iyada oo dhammaan qoyska intiisa kalane ey arrinkaas kafogyihiin maxaa ladhihi karaa?

Waa arrin ey uhagtay naftiisa iyo shaqsiyadda kujirta sheydaanna uu ugu kaalmeeyaya.  Sidaas oo ey tahayna dadka oo idil mawada xuma oo waxa aad arkeysaa qof jecel in uu noqdo “xiddig” lawada jecelyahay oo dib loosoojalleeco noloshiisa. Waa qof shaqsiyad wanaagsan iyo garaad sare leh naftiisana ka’adkaaday. Marwalibana waxaa muhiim ah in aan ogaanno in nolosha ey ubbaahantahay in loosameeyo hagid iyo hannaan qurux badan oo lagu leyliyo.

Qodobadaan Waxa Ay Kaa Caawin Doonaan In-aad Noloshaada Heer Gaarsiiso:

  1. Ka’adkaansho nafeed: Qodobkaan waa mid aad muhiim u ah sababta oo ah qof aan naftiisa ka’adkaan masammeynkaro waxa dantiisa aakhiro iyo mid adduunyaba ey kujirto, haddii aad aragto qof caalim ah oo diinta bartay oo caamada wacdiya waxa aad ogaataa in qofkaas uu naftiisa ka’adkaaday go’aan adagna uu qaatay uuna hirgaliyay. Sidookale haddii aad aragto qof jaamacad dhammeystiray waa qof iska diiday nasiinada iyo caajiska ey naaftu jeceshahay, naftana ka’adkaaday oo go’aan culuc uqaaday kuna yiri waad sammeynkartaa. Hadaba qof waliba oo naftiisa ka’adkaada waxaa uhirgala wax allaale iyo waxa uu rabo in uu kamiro dhaliyo waana qof guuleystay qofkaan adduun iyo aakhiraba. Laakiin qofka ey naftu ka’adkaato waa kuwa aan natiijo badan soo saarin tusaale: haddii ey naftaadu kutiraa jaamacaddu waa ey adagtahay iska dhaaf aad adigana tiara waa “run” oo aad joojisaa, birina naftu waxa ey kulleedahay salaadda subax madukan kartid ee jooji?? Adigaase yaqaan waxa aad kujawaabi doontid markaas. Naftu waa mid jecel in aad adduun iyo aaqiraba qasaarto……..haddii aad sharaf iyo liibaan rabto ka’adkaaw naftaada.
  2. Baddalid: Haddii aad tahay qof raba in uu wax kadhadhamiyo guulaha adduun iyo kuwa aakhiraba waa in aad beddal kusameysaa wax kasta oo xun oo naftaada dabeecad kadhigatay tusaale: salaadda oo aadan waqtigeeda dukan –waa dukatay laakiin nusqaan ayaa kujirto sida ey culimadu innoo sheegtay marki aan waqtigeeda ladukan- hadaba beddal dabeecaddaas, jooji haddii aad subax kasto xiisadda ama shaqada aad kasoo daahdo waliba adiga oo dabeecad kadhigtay, beddal haddii aad maalin waliba dagaal, qeylo iyo rabsho ku dhaxsameyso bulshada waa dabeecad aan wanaagsanayn. IWM
  3. Hal-abuur: Waa in aad latimaadaa maskax furan oo dunidaan wax kusoo kordhiso, qof waliba oo wanaagsan oo toosan oo dadka ka ammaan helaan guusha looma hadiyadeeyo laakiin guusha waxaa loo hadiyadeeyaa qofka u leh hansare waddadeedana mara, tusaale waxaa kamid ah dadka hal abuurkooda uu shaqeeyo waa dad guuleysta intabadan. Tusaalaha nool waxaa kamid ah hal abuurayaasha maantay kunnool dunidaan sida Mark zuker oo ah hal-abuuraha Facebook.
  4. Joogteyn: Waa in aad sijoogta ah u sameysaa howlaha aad isleedahay wey ku gaarsiin karaan hormar waana in aad naftaada ku dhiirigalisaa sameynta howshaas aad adiga dooratay, shey waliba waxa uu kuhirgalaa joogteynta tusaale baahida caloosha waxa ey ku hirgashaa cunto iyo cabis sidaas oo ey tahayna halmaalin looma ganbin karo ee waa howl joogta ah.
  5. Dib u eegis: Aadana waxaa dabci u ah in uu howl billaabo uuna uga tago halkii uu jeclaa in uu gaarsiiyo iyada oo aan lagaarin, intabadan waxaa loo aaneeyaa in qofku uusan dib ufiirin sababta uu waxaan ubbillaabay uuna juhdiga ugu soobixiyay muddadaas aadka udheerayd ee uu howsha soo waday, marwaliba nafta waxaa muhiim u ah in laxasuusiyo sababta shaqadaan looqabanaayo waana dib u eegis.
  6. Siiwadid: Marki aad dib u eegto howshi aad wadday, hana qoto waxa ey rabto –waxbarasho, shaqo,guur ama waxqabad muuqda- naftu waxa ey ku qanceysaa In howshaan lasiiwado waxaana fududaanayo in guusha lagaaro waliba sifudud.

F.G: Maskaxdeyda waxa ey iisheegeysaa haddii aad qodobadaan dabaqdo/kudhaqanto in noloshaada hormar aad u weyn gaari karto.

Waxa aan si dhammeystiran uga diyaariyay maskaxdeyda aniga oo aan hal oraah meelna kasoo qaadan, waxa aan ku dhiirinayaa dhallinyarada assaagey ah in ey naftooda hormariyaan.

Fikirkaada Waa Muhiim