Hilaacyo badan ayaa qofka u muuqda marka uu bilaabaayo shirkad cusub, hillaacyadaas waxaa lagu soo aruurin karaa seddax oo

“Wali lama maqal lamina arag qof maalqabeen ku noqday mushaar ama shaqaale-nimo”

kala ah, faa’ido, xorriyad dhaqaale iyo nolol fiican.

“Wali lama maqal lamina arag qof maalqabeen ku noqday mushaar ama shaqaale-nimo” madamaa shaqaale-nimadu aysan dadka gaarsiin maalqabeenimo, waxaa dad badani arkaan in bilaabida shirkad cusub gaarsiin karto maalqabeenimo.

Heerarka kala duwan ee nolosha ayaa ah waxyaabaha aadan adiga masuul ka ahayn balse Illaahay swc ayaa siddaas kuu gartay. Inkastoo Illaahay kuu gartay qeyb walbo ee aad kaga jirta nolosha hadana sawabteedda adiga ayaa leh. Waxaa laga yabaa inaad jeceshahay inaad noqoto ganacsade, mise inaad hayso fikrad cusub ee ku saabsan ganacsi guulaysan karo. Haddii aad tahay shaqsi ay ku badantahay cabsida waxaa adkaani karayso inaad abuurato ganacsi guulaysta.

Marwalbo qofka ganacsadaha ah waa inuu noqdaa qof aragti dheer leh, inuu yahay shaqsi ku kalsoon naftiisa, waa inuu yahay shaqsi aaminsan inuu qasaari karaayo iyo inuu faa’idi karo. “marwalbo oo aad ganacsi bilaabayso ha bilaabin ganacsi aan hiraal lahayn”

Blanchflower iyo Meyer waxay ku doodaan in hiraalku yahay waxa ugu weyn ee qofka ku soo duma in uu bilaabo shirkad cusub. Waxay waliba intaas kusii daraan in dabeecadaha xilliga dhalinyaro-nimadu qayb weyn ka qaataan in qofkaasi noqdo iskiis u shaqayste.

Rag kale uu kamid yahay Kets de Vries 1971 waxay sawiraan qof ku soo koray nolol adag oo farxadu ku yartahay. Vries 1988 wuxuu aragtidaas ugu yeeraa ‘aragtida nolosha adag’. Aragtidaasi waxay tiraahdaa dadku jira nolosha adag, sida shaqo la’aanta, ama mushaarka hooseeya, waxay bilaabaan siddii ay ugu bixi lahayeen noloshaas adag.

Evens and Leighton 1989 daraasad ballaaran oo ay ku sameeyeen waddanka Maraykanka ayay ku xaqiijiyeen in aragtidaasi sharraxdo inta badan iskiis u shaqaystennimada dadka ajnabiga ah iyo kuwa ka tirsan dabaqadda hoose. Daraasado kale oo lagu sameeyey toddoba ka mid ah waddamada horre u maray ayaa iyana xaqiijiyey aragtida nolosha adag.

Waxaa jiro dad badan oo qaba fikir ganacsi intooda badani kuma dhiirradaan in fikradda ay meesha ka qaadaan ama u beddelaan wax qabad. Sidaas awgeed looma baahno riyo ee waxaa loo baahanyahay inaad ka dhabbayso riyadaada.

Ganacsi walbo wuxuu sharaf ku leeyahay marka uu leeyahay qorshe ganacsi oo afka qalaadka lagu yiraahdo “Business plan”. Inaad ganacsi bilowdo waa wax wanaagsan, hadana adiga oo kali ma ahan ee dad badan ayaa qaba fikirkaaga oo kale oo maalin walbo ku fikira inay maalin un bilaabi doonaan fikrada ka guuxaysa maskaxdooda.

Haddii aad rabto inaad ogaato waxa lagala jeedo qorshaha ganacsi halkaan hoose guji

http://www.tukesomalism.com/archives/4879

Fikirka umadaha kama wada simna ee dadka Illaahay s.w.c wuxu u kala dhaliyay noocyo kala duwan. Waadna ku dhex arkaysaa bulshada qof nool oo hadana sidaasi aanan ugu warqabin xaaladda lagu suganyahay iyo waliba isbedelka isdaba jooga leh ee dunidda ka dhacaayo.

Halkaan hoose waxaan kuugu soo gudbinayaa fursado ganacsi ee aad kaga miro-dhalin karto dhaqaale fiican. Fursadahaan waxa ay anfacayaan bulshada kunool gudaha caasimada dalka Norway ee Oslo. Oslo waa caasimad ay ku noolyihiin qoomiyado kala duwan oo aad ka dhex-helayso cidwalbo iyo dhaqan walbo ee caalamka ka jira.

Haddii aad tahay shaqsi kunool caasimadaan  iyo waliba meelo badan ee dunidda kamid ah fursadahaan waxay kuu tahay fursad qaali kuu ah ee cid ha sugin ee ka faa’idayso.

“daahane hortiis dafane ayaa jooga”

Fursadahaan waxaa kamid ah:

  1. Ganacsiga shaaha & Kafeyga

    Dadka Norwajiyanka ayaa kafeyga aad u caba, siddoo kale bulshooyinka kale ee caalamka ka kala yimid ayaa qaarkiisa kafeyga iyo shaaha aad u caba, waxayna u tahay dhaqan sidda Soomaalida ay shaaha ay ugu tahay dhaqan soo jireen.

Ganacsigaan waxaa kujira dhaqaalo fiican balse dadka ma dareemaan, siddoo kale dhaqan ahaan Soomaalida ganacsigaan waxay u haysataa inuu iska yahay mid iska caadi ah oo aan sidaas usii lacag badnayn. Waa sax ma ahan ganacsi lacag badan, hadana caasimada dalka Norway dadka kunool ayaa aad u caba kafeyga iyo shaaha –qaasatan Soomaalida.

Dadka Norwajiyanka ayaa kafeyga aad u caba, siddoo kale bulshooyinka kale ee caalamka ka kala yimid ayaa qaarkiisa kafeyga iyo shaaha aad u caba, waxayna u tahay dhaqan sidda Soomaalida ay shaaha ay ugu tahay dhaqan soo jireen.

Si aad u furato ganacsigaan waxaad marka horre u baahantahay inaad la xiriirto xafiiska xogheynta gobolka ee codsiyada iyo xeerarka ku saabsan diiwaangelinta ganacsiyada.

Raali meel ku habboon ganacsigaaga oo lugta ay ku badan tahay. Ka illaali inay noqoto meel loo soo fadhi-kudiri tago ee ha noqoto meel ganacsi oo nidaam ka jira, indhahana soo jiidan karo. Aqristoow haddii aad tahay shaqsi kunool dalka Norway waad dareemi kartaa baahida weyn ee loo qabo cabista kafeyga.

Waxaan markale kuugu celinayaa, haddii aad doonayso inaad ku guulaysto ganacsiga noocaan ah ku dedaal inaad hesho goob ay socodka ku badan yihiin, sidda wadooyinka mashquulka badan.

Siddoo kale waxaad u sameynaysaa caagadaha safariga ah, si subaxdii qofka deg-degsan horey ugu usii qaadan karo koobkiisa kafeyga ama shaaha. Galabkii dadka marka ay nasiino ku jiraan waxay aadaan goobaha kafeyga iyo shaaha lagu cabo, aad ayeyna u jecelyihiin dadka inay fadhiistaan goobaha quruxda iyo soo jiidashada leh.

Waxaad kaloo sameyn kartaa shirkadaha waa weyn ee kafeyga ka ganacsado ayaad heshiis la geli kartaa inaad xarun ka furato gudaha dalka Norway si aad magacooda ugu hesho macaamiil badan, shirkadana waxay u tahay sharaf inay helaan qof magacooda sii faafiya.

 

  1. Ganacsiga wakaaladda socdaalka ‘Travel agency’

Marka laga hadlaayo xagga suuqa, ganacsi walbo wuxuu leeyahay qaab loo sharaxaayo ama ay u qeexaan milkiilayaasha ganacsigaas. Ganacsi walbo waxaa wanaagsan inuu leeyahay qaab loo sharaxi karo marka ay timaado xagga suuqa.

Ganacsiga wakaaladda socdaalka ayaa ah mid xittaa aanan kaaga baahnayn haddii loo baahdo inaad xafiis toos ah furato, waa haddii aadan haysanin dhaqaalo badan. Xittaa haddii aad doonayso inaad xafiis toos ah ka furato gudaha dalka Norway wey fududahay oo qarashkiisa ma badna.

Marka laga hadlaayo xagga suuqa, ganacsi walbo wuxuu leeyahay qaab loo sharaxaayo ama ay u qeexaan milkiilayaasha ganacsigaas. Ganacsi walbo waxaa wanaagsan inuu leeyahay qaab loo sharaxi karo marka ay timaado xagga suuqa. Haddii ganacsiga laga bixini karo sharaxaad waxay kuu suurta gelin kartaa inaad fahanto waxaad uga baahantahay inaad sameyso sida suuq geynta markaad sameynayso.

Iskana iloow in ganacsigaaga noqdo mid suuq-madow ku shaqeeyo. Ganacsiga wuxuu marwalbo ku qurxoon yahay in laga dhigo mid sharciyeysan oo la mariyay nidaamka iyo sharciyada dal walbo leeyahay. Waxaana kaaga imaan karta khatar halis kuu ah haddii ganacsigu fashilmo ama la ogaado in uu yahay ganacsi aan sharciyaysnayn ku lug leeyahay.

Haddii aad u baahan tahay inaad wax badan ka ogaato qaababka aas-aasiga ee lahaanshaha ganacsi guji halkaan http://www.tukesomalism.com/archives/8513

 

  1. Adeegyada harqaanka (dhar tulista)

Haddii aad taqaano ganacsiga harqaanka ‘dhar tulista’ hadaba waxaad haysataa qibrad dheeman ah oo aad kaga macaashi karto

Haddii aad bartamaha magaalada Oslo xarun Harqaan ka furato siddoo kale waa arin aad si fiican ugu faa’idi karto.

gudaha dalkaan Norway. Dhar tulista waa qibrad ay yaqanaan dad badan oo Soomaali ah, waliba si fiican ayay kaga macaashi karaan dadka yaqaano qibradaan. Haddii aad tahay shaqsi kunool gudaha Oslo oo aad xarun furato mise adigoo gurigaaga jooga soo dhex-dhigato harqaan shaki kuma jiro inaad ogtahay in bulshada ay aad u tushaan tulista diracyada aroosyada, dharka dhaqan (kuwa raga iyo dumarkuba), qamiiska raga, xijaabka waa weyn ee ay dumarka xirtaan kuwaasoo salaadaha ay ku tukudaan iwm.

Haddii aad bartamaha magaalada Oslo xarun ka furato siddoo kale waa arin aad si fiican ugu faa’idi karto.

Inta badan macaamiishiisa aad ayay u badanyihiin, kawaran haddii aad si fiican u balaariso oo aad u sameyso xarumo cusub oo soo jiidasho leh, xayaysiina aad ugu sii darto?

Jawaabta adiga ayaan kaa sugayaa. Maxaa yeelay waa ganacsi aan isweydiin lahayn inuu guulaysanaayo ma sheegin wuxuu Alle swc qoray. Soomaalida waxay tiraahdaa “daahane hortiisa dafane ayaa jooga” ka faa’idayso inta wakkhtigu goor yahay

F.G: Maamulaha guud ee ganacsi walbo oo dunidda ka jira, waxaa wanaagsan innuu illaaliyo anshaxa wanaagsan, kana illaali ganacsigaaga wax isdaba-marinta, waa inaad fahantaa dhaqamada caalamka, siyaasada dalka ka jirta, isbedelka lacagaha iyo guud ahaan canshuuraha wadanka aad ku nooshahay.

Hadaba maxaa dumarka ayaguba u diiday inay kamid noqon karaan ganacsatada waa weyn ee caalamka?

Waxay  noqotaba, daraasado badan oo la sameeyay ayaa muujiyey in tirada iyo tayada ganacsiga ee dumarku ka hooseyso kan ragga. Dhinaca tirada tirokoobyadaasi waxay muujinayaan in 20-25% sharikaadka waddamada Midowga Yurub ay dumar leeyihiin, dhinaca dalka Mareykan tiro-koobka sheegaayo 35% sharikaadka Mareykan ay leeyihiin dumarka. Halka wadamada Waqooyiga Afrika iyo Barigga dhexe ganacsiyada dumarka waa ka hooseeyaan 15%.

Caadiyan rag iyo dumarba waa inay ahadaan kuwa waxtar u leh naftooda iyo mujtamaca ku xeeran, lagana dhex aqoonsan yahay mujtamaca dhexdiisa.

Ugu dambeyn waxaan oran karnaa ganacsiga waxaa wanaag iyo ammaan ugu filan in Rasuulkeenii (scw) iyo xaaskiisa Khadiija (Rc) labaduba ku jireen ganacsi. Soomaaliduna waxay dhahdaa ” Naftu orod bay kugu aamintaa”, waxay u ordayaan oo adduunyo waqti ugu luminayaan in ay helaan waddo ay uga gudbaan marxaladda ay hadda joogaan si ay u hantaan darajo ka saraysa tan ay ku sugan yihiin hadda.

Fikirkaada Waa Muhiim