Waxaan rabaa in aan idin soo gudbiyo faa’idada uu leeyahay noolahaan yar. Marka hore magaciisa waxaa la dhahaa lohod.

faa’idadiisa waxaa ka mid ah:-

  1. Waa la cunaa. Laba siyaabood ayaana loo bisleeyaa;-

A). Mar waa la dubaa. Dhulka ayaa la qodaa nus mitir markii la qodo ayaa qoryo la sooqàadaa godka ayaa la gashaa. Dab ayaa lagu shidaa markii uu holco ayaa qoryo kale la dulsaara dabka.  Kadibna waxaa la sooqaadaa lohodka jawaan camaar ayaa lagu guraa ama maro kadibna godka ayaa lagu aasaa isagoo dhinacyada laga owdo lohodka si uusan uga bixin kuleylka. lohodku waa bislaadaa markii dabka kuleylkiisa soogaaro. Kadibna godka ayaa laga soo saara markii uu  bislaado . Waxaana lagu gartaa afka ayuu kala furaa.

B). Marna waxaa la sameeyaa digsi ayaa lagu guraa dabka ayaa la saaraa iyadoo biyo lagu shubin waayo biyo isagaaba wata. Marka uu bislaadana waxaa uu kala furaa afka taas oo muujinaysa in uu bislaaday. Dadka qaarna biyo ayay digsi ku shubaan badka ayay saaraan kolkaa uu kululaado ayay lohohka ku shubaan saas ayuuna ku bislaada nus daqiiqo kadib. Laakiin waxa uu macaan yahay marka ladubo waana dhadhamiyay labadaa jeerba.

  1. Marna waxaa loo addeegsada shuquur. Waxaa lagu xiraa inta bacda jalaatada la sooqaado ayaa lagu guraa kadibna afka laga xiraa. Waxaana la sameeyaa gargoorka ayaa dhexda loogashaa waana lagu xiraa. Gargoor waa qalab loo isticmaalo in lagu soo dabo Aargoostada si marke loo helo aargoosatada ama kaambaha waxaa gargoorka oo badda gunteedanla dhigo lagu dhex xiraa lohodka oo bacda cad ku jira. Kadib aargoosatadu waxa uu jecelyahay lohodka mar allaale marka uu arko ayuu isku dayaa in uu soo cuno, gargoorkuna afyar buu leeyahay afkaas ayuu ka gala. Waxa uu usamaysan yahay sida birta jiirka oo kale, marka uu aargoosatadu galo gargoorka kama soo bixi karo halkaas ayaa loogu yimaadaa.

Waxayna keentaa:

A). waxa uu soojiitaa kaambaha ama aargoosatada.

B). Kalluunka iyo faramugada

C). Qeyb ka mida libaaxa.

D). Iyo noolayaasha kale.

  1. Lohodka waxaa ku nool noole badan oo biri iyo bad ku jira. Waxayna u tahay quud.
  2. Lohodku waxa uu ka baxaa Goomaha badda. Ama waxa loo yaqaan dhagaxa baddu garaacdo ee madmadow dushooda,waana meesha uu ku noolyahay. Lohodku waxa uu usoo yare egyahay bocosha. Waxaana marka la soo guraayo lagu guraa Jafo ama quraarad waxa loo yaqaan.
  3. Waa noole ku nool irsiqa Alle siiyo biyo waxa u ah badda cunnana goonta ayuu ka cunaa wixii Alle siiyay ama nagaarka cagaaran ee ku dulyaala dhagaxa baddu garaacdo.
  4. Sida la sheegay lohodku waxa uu ufiican yahay xanuuno badan. Sida calool xiranka, Gaaska, wadno garaaca IWM.
  5. Haddii aad cunto muddo ku qaban mayso waxgaajo ah. Waxaana la dhahaa qofkii cuna waxa uu kaga filan yahay cunadda kale oo dhan.
  6. Haddii aad cunto uma baahnid biyo iyo cunno kale isaga ayaa kaaga filan.
  7. Waxaa jira xiliyo uu sigaara ubaxo sida ay iisheegeen dad aqoon uleh.

 

Fikirkaada Waa Muhiim