Yirridka waa  cudurada  ugu caansan oo ku dhaca cirridka. Waxaa sababo bakteeriyo ilmo aragta ah. Yirridka waxa uu ku sababaa qofka inuu ka dareemo  cirridka: –  cun –cun , gaduudasho,  iyo barar .

Haddii aan la daaweyn  infekshankaan waxa  uu   keeni karaa  xaalad adag taas oo   sababi karto  ilkaha dhamman   in ay  daataan. Baddanaa waxaa ay bakteeriyadaan ku kortaa harraaga cuntada oo mudo badan ku jirro ilkaha dhaxdood.  

 

Haddaba Kaallay Aan Isla Aragnee Calaamadaha Lagu Arki Karo Yirrida:

b- Barrar lagu arki karo Cirridka

t-   Afka oo yeesho shiir

j-  Damqasho ilkaha xagooda ah in la dareemo

x- Qofka oo isku arko dhiigg marka uu caddaysanaayo

 

Yaa Halis Ugu jiro Yirridka In uu Ku Dhaco , Siddee  Ayaan Oga Hortagi karnaa   Yirridka?

b-  Dadka ay liidato naafada ilkaha 

t- Da’ahaaan qofka ka wayn 65

j- Dadka afka qalallan war walba, halis ayeey ugu jiraan in uu ku dhaco yirridka

x- Dadka cabbo sigaarka

kh- Dadka uu daciifka yahay  difaaca jirkooda

d- Fir ayuu ku imaadaa marrarka qaar – sidda qofka  oo ka dhaxla waalidkiisa

r- Daawooyinka qaar  ayaa  keenni  yirridka

s- Dadka qabo cuddurka macaanka  waxa ay halis ugu jirraan yirridka.

sh- Isbadalka hormoonada waxa ay keenni karaan qofka  in uu  ku dhac  yirridka

dh- Joogtaayta naadafada ilkaha, waxa ay qeeyb wayn ka qaadataa ka hortaga yirridka

c- Booqashada dhaqtar ilkood waxay ka hortagtaa yirridka

g- Cunista cunto isu dheelitiran waxa ka hortagtaa yirridka

Fikirkaada Waa Muhiim