Dhulkaan aan ku kor noolnahay, 70% waxaa hareeyey biyo, bad-wayno, bado, harooyin, wabiyaal iyo togag, intuba way isku wada xeran yihiin. Togaga iyo wabiyadu waxay ku fahaan bad-wayno, bado amase gaacan badeed, balse harooyinka iyo warahu waa biya fadhiya dhul cayiman, mana socdaan. Dhaqaalaha buluugga ah, waxuu laf-dhabar u yahay, ganacsiga, hormarinta warshadaha, shidaal soosaarista, shaqo abuuridda, hormarinta tijnoologiyadda iyo xoojinta cilmi baarista.

Adduunka, waxaa hareeyey biyo, badwaynadu haba u badnaadeene, waddankasta waxuu u harjadayaa siduu uga faa’iideysan lahaa kheyraadkaas dabiiciga ah.

Qarnigii 18aad ayaa la bilaabay xuduudeysiga badaha, illaa ugu danbayn la ansixiyey, in waddankasta uu xaq uleeyahay, xad badeed dhan 200nm(370), intaas buu waddanku isticmaali karaa kheyraadka ku jira, laga bilaabo xeebaha.

Wadamada horumaray, waxay aad ugu faa’iideystaan khayraaadka badaha, sida kaluumaysiga, soo saarista saliidda ceeriin iyo gaaska, hormarinta warshada iyadoo la isticmaalayo agabyada laga soo saaro bahadah, hormarinta gaadiidka biyaha si loo fududeeyo isgaarsiinta qalabyada kala duwan, dhoofinta shidaanka iyo cilmi baarista noolaha kala duwan ee ku nool gudaha badaha.

Wabiyadu waxay ku fahatahaan badaha, se’ dheef mugle baa laga dhaxlaa sida ka dhalinta korontada, isticmaalka dadka, sida biyaha wabiga inay u iscmaalaan danahooda asaasiga ah, waraabinta beeraha, u isticmaalka biyo xireenada iyo dalxiiska.

Harooyinku waa biyo fadhiya, waxaa loo isticmaalo qaabab kala duwan sida kaluumaysiga, dalxiiska, hormarinta warshadaha, isticmaalka biyaha iyo ka dhalinta korontada, sida harada Fiktooriya, oo ka dhaxaysa sadex waddan, Kiinya, Ugaandha iyo Tansaaniya.     

Soomaalidu waxay gabtay, ka faa’iideysiga khayraadkaan teedsan Raas Kambooni illaa Saylac, waa dhif ama waa fara kutiris gobol Soomaaliya ku yaal oo aan lahayn xuduud badeed amase wabi aan daris lahayn, saan oo ay tahay, waxaan nahay dad u nugul dhibaatooyinka sida saboolnimada, gu’gii 2017, 6milyan oo Soomaali ah baa la’ ildarnayd saboolnimo daran iyo gaajo.

Afrika waxay gabtay, isticmaalka qayraadkeeda waliba khayraadka dabiiciga ah ee la xiriira dhaqaalaha buluugga ah, waxay leedahay wabiyaal isaga goosha wadamo aan fara ku tiris ahayn sida wabiga niil, wayna yartahay adeegsida qayraadkan qaabab kala duwan, harooyin waa wayn sida horay usoo xusayba, harada Fictooriya.

Si kastaba ha ahaatee qaaradaan aan dangiigno, waa qaarada ugu qanisan dunida, waana qaaradda ugu saboolsan.

Bishii Nevember, dabayaaqadeedii ee sanadkan, waxaa magaalada Nayroobi lagu qabtay, shirkii ugu horeeyey abid oo looga wada hadlo, khayraadka bulluuga ah, sidii looga faa’iideysan lahaa, waxaa marti-galiyey waddanka Kiinya iyagoo garab ka helaya wadamada Kanada iyo Jabbaan. waxuu ahaa shir ama madal kulmisay in ka badan boqol iyo todobaatan waddan, iyo marti sharaf badan.

Waxaa waddankasta soo ban-dhigay qorshihiisa, dheefta iyo dhibaatooyinkii ka horyimid, calaamku waxay la daalaa dhacayaan sidey u maarayn la’haayeen qashin saarka warshada ee dhaqaaha bulluugga la xiriira.

Si loo badbaadiyo bulshada iyadoo ay garab socdaan ka faa’iideysiga khayraadkan, lana maareeyo qashinka warshada oo halis ku ah jiritaanka nolosha. Waxaa kale oo cabasho badan laga muujiyey, wasakhaynta badaha, tan oo dhabar-jab ku ah, isticmaalka biyo iyo nolasha noolayaasha ku dhex nool biyaha bulluugga ah 90% kiiba waxaa badaha wasakheeya toban wabi, labo wabi oo Afrika ah iyo inta kale oo qaaradda Aasiya u badan, wabiyadu waxay isaga gooshaan deegaamo badan, dadku wey isticmaalaan, waxay raaciyaan qashinka xaafadaha, maadaama aysan haysan dowlad u heelan.

Wabiga adduunka ugu qashin badan waa Citarum, oo kasoo bilowda Indunesiya.

Qashinka iyo wasakhaynta badaha, waa halis wayn oo ku soo food leh nolosha bini’ aadamka, xanuuno khatar ah bay sababaan, wabiyada, dadka oo kaliya ma wasakheeyaane, warshada baa ku soo fataha qashinkooda, iyogoo u jeedaxa kanaal, maadama aan cidna la xisaabtamayn sida badan.

Fikirkaada Waa Muhiim