Sanad aad u wacan oo
Saxansaxo udgoonoo
Saantiisu NABAD tahay
Sinnaan noo horseedoo
Dadku samaha qaatoo
Saldhiggiisu wacan yahay
Saatirow inoo curi.
***
Silacaa na dilayoo
Naga siibay ruuxdoo
Saxariirnay Eebboow
Saqiirrada inoo dhawr
Sanad wacan inoo dhali.
***
Rabbiyoow sidii roon
Sahaydeen ka yeeloo
Sabanxumada naga saar.
***
Qaadiroow sadkeen badi
Quudkeenna Subag iyo
Sixin nooga yeeloo
Summayada dhalaanoo
Noo suubbi say tahay.
_______________
Cabdicasiis Maxamed Shidane
31—12—-2014– Awguur


Website: www.machadkaaj.com

Facebook LIKE: https://www.facebook.com/AfkaartaJoogtada

Twitter Account: https://twitter.com/MachadkaAJ

Instagram: machadka_aj

G­oogle Plus: machadkaaj@gmail.com

Skype: machadkaaj.com

Professional Email: info@machadkaaj.com

Email: machadkaaj@gmail.com

Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCiplQWQxqR5WEjMtmVh5BIw

Fikirkaada Waa Muhiim