Hooyada caadiga udhasha waa in muddo 24saac ah lagu haayo isbitaalka, lala socdo  xaaladdeeda iyo  cabirka dhiiga hooyada sida: Hb,(dhiigga-cas)glucose(macaanka),Bp(cabirka dhiig-karka).  Sidookale waa in la hubiyaa inuu dhiig bax jiro iyo inkale.

Hooyada waa in aad u sheegtaa in loobaahanyahay  isbitalka in ey ku soo noqoto mudada ey umusha ku jirto. Hadii ey xaalad cusub kusoo siyaaddo hooyada tusaale ibta naaska oo xirman, dhiig socda oo aan xad lahayn ama wareer saa’id ah, waxaa qasab ah in aad laxiriirto goobta caafimaad ee kuugu dhow.

Sidookale hooyada lagu dooxay ama lagu qalay cusbitaalka waxaa wanaagsan in ey kujirto muddo 5illaa 7maalin ah. Inta ey xaaladdaas kujirto; hooyada waxa ey heleysaa baxnaano iyo sookabsasho wanaagsan, waxaana hubaal ah in in dhaawaca laqalay uu siwanaagsan ubogsoon karo.

Marar badan waxaa cisbitaalka noogu yimaado ama aan ku aragnaa hooyo lagabaxshay cusbitaalka muddo yar iyada oo uusan dhaawacii bogsan, kaddib markii xaafadda lageeyayna uu dhaawicii fash-fash kuyimaaday ama uu reeysan waayay. Taas waxaad uga hortagi gartaa adiga oo latashata dhaqtarka kuqalay, kadibna aad baxdo marki uu kuyiraahdo waad fasaxantahay.

Daryeelka Dhaqtarka  isla markii aad kashakiso in aad uur leedahay, waxaa habboon in aad laxariirto xarun caafimaad ama dhaqtar qabiir ku ah arimaha hooyada. Waxaa jiro xarumo siggaar ah ugu shaqeeyo hooyada iyo dhallaanka waxa eyna kushaqeeyaan lacag la’aan. Waxaa kuu wanaagsan marwaliba in aad is cabirto oo aad haldhaqtar ku xirnaato si aad uhesho daryeel wanaagsan.

 

Daryeel Noocee Ah Ayay Ubbaahantahay:

Hooyo waliba waxa ey mudantahay ama xaq ulleedahay in ey hesho daryeel buuxa oo kufilan nafsaddeeda, in hooyada lasiiyo daryeel wanaagsan waxa ey qeyb weyn kaqaadataa dhisidda qoys caafimaad qaba. Hooyada waa udub dhaxaadka ugu weyn guriga waa astaanta lagu aqoonsankaro heerka caafimaad ee ilmaha gurigaas jooga, waana difaac awood badan oo ku xeendaaban caruurta yaryar ee iyada hoosyimaada.

Waxaa siweyn uburbura caafimaadka caruurta yar waxa ey lakulmaan nafaqo  darro xooggan oo dib udhigta korriinshaha ubadka ama waxaaba istaaga gabi ahaanba korriinshaha ilmahaas yar, haddii ey hooyada meesha kamaqantahay ama ey iyadu jirrooley iska tahay. Diinta iyo xaqa ey siisay nuujinta hooyada

Haddii caafimaadka hooyada aan laga fakarin oo aan lasiin daryeel dhammeystiran waxaa halkaas daryeelki kuwaaya ubadkeeda oo shinsanaayay naaska hooyada ,intabadan waxa caruurta ukeena jirrooyinka iyo cudurada waa nuujin la’aanta kutimaada ilmaha. Nuujinta ilmaha waxa ey ubbaahantahay dulqaad iyo in lala qabsado, marar badan waxaa dhacda in nuujinta ey dhib kunoqoto hooyada laakiin waxaa qasab ah in lagu dadaalo.

 

Nuujinta waxaa hor istaagi karo dhowr caqabadood:

  • In hooyada meesha kabaxdo( dhimato).
  • In ilmihi meesha kabaxo(dhinto).
  • In hooyada xannaano ama daryeel gaar ah ey ubbaahato oo meelkale lageeyo.

Daryeel Noocee ah Ayay Ubbaahantahay Hooyada:

  • In ey kuxirnaato xarun caafimaad oo tayo leh min uur illaa dhalow: Cubitaal, Xarunta hooyada iyo dhallaanka ama xarun latalineed.

  • Qoyska in ey ka ilaaliyaan buuqa “stresska”,iyo arimaha qoyska.

  • Hooyada in ey kafogaato islaamanka xaafadaha oo ku aburi kara qal-qal dheeraad ah waa musiibo ubbaahan in lagahadlo, waxaa jiro dad aan aqoon ulahayn cilmi ahaan waxa ey kahadlayaan, sidaas oo ey tahayna marki ey hooyada uyimaadaan usheega hadalo quraafaad ah sida; Naa! caanaha danbarka lama siiyo ilmaha ee kaddaa”, ma’ilmihii yaraa ee hadda uun ladhalay ayaad tallaaleysaa war lama tallaalee iskadhaaf, waligeenba wax matallaalan weyna noowanaagsanaanjireen caruurteenna IWM.

Fikirkaada Waa Muhiim