Tixo iyo tiraab badan wuxuu dhaaxa curiyo, tuducyada wuxuu meeriyo, hadal tusmeeyo, suugaan tubteedii wuxuu jid bixiyo, waxaa u timid geeridii rabbi, Alle ha u naxarsto walaalkeen, Abwaankeenii buunigi Fanka iyo Maada Cabdixakiin Cabdilahi Jibriil oo loo garan ogaaa Abwaan Qiiq. Waxa aan wax ka xusi ilaha gaaxday duruus wax ku ool ah oo manfac af iyo aqoon ba inoo leh. Nal ka dhamay halganka murtida, maada, fanka iyo tacliinta.

Bulshada inteeda sugaanta iyo nuxurkeeda u dhuundalooshaa waxa ay in badan dhagahooda ku dhugtaan murtida, miida, mucda, maada, iyo duruusta suugaanta iyo quruxda fanka jaadad keeda kala duwan ee ay soo gudbiyaan hal-abuurka iyo hobolladu Abwaan Qiiq waxa uu safka hore kaga jiray raaca suugaan-yahanka wakhtigan Soomaalidu ku dhaadato murtidiisa uu gaaxanayay.

  • Sanadkii 1973-kii ayuu Cabdixakin Cabdilahi Jibril ‘Qiiq’ ku dhashay Degmada Xero-geel oo ka tirsan Gobolka Faafan, Ismaamulka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Degmada Xero-geel ayuu ku indho-dilaacsaday, ku kacaamay oo uu ka fuulay jaranjarada hawsha raacatada xoolaha. Halkaas ayuu quraanka, qalinka iyo tacliinta macalin iskugu qabtay.

Abwaan Qiiq waxaa hayn kari wayday noloshii baadiyaha, noloshii deegaankaasi si degdega ayuu uga wareegay. haddiiba uu kabaha ka soo idlaystay miyigii waxa uu ku horeeyay Magaaladda Aw-bare. wax yar hadii uu joogayna baabuur buu ka raacay ilaa Borama qabtay. waxa uu dugsiga hoose/dhexe ka galay Dugsiga Sheekh Cali Jawhar, Borama. Kulliyadii macalinimaDa ee Jaamicadiii Lafoole (Muqdisho) ayuu galay, halkaas oo uu shahaadada macalinimo ka qaatay.

Cabdixakiin Qiiq waxa uu ahaa murtimeere alifa suugaan duxa leh, waxa uu ahaa macalin ardayda waxbara, waxa uu ahaaa jilaa ruwaayadaha jila, waxa uu ahaa xaq u dirir u adima xaqa, waxa uu ahaa shakhsi mayal adag oo u gunti xidhay ka dhabaynta hanka iyo hiigsiga qofnimo iyo dadnimo.

  • Sanadkii 1995-kii ayuu toos fanka cagaha u galiyay. markii ay qabtii dhacday ee golihii murtida iyo madadaalada dhildhilaha oo saaray, Abwaan Qiiq axa uu ka mid ahaaa raggi dabkii fanka iyo masraxa ahaa ee Muqdisho ka baxayay, intay dhimbiil ka qaateen Jigjiga geeyay halkaasna ka siraaday. Waxa uuna ahaa buunigii koxda Ilays Band iyo aasaasaaha Hoboladda Anshax Band iy Liyuu Band. Dabuubta Abwaanadu kala culus, dararta maanso iyo heeso duur xul ah, Gafi maayo hadaan idhaa waxa uu ahaa Buuniga Abwaanadda wakhtigan.
  • Abwaan Qiiq waxsoosaarkiisa raasimga ah waxa uu la kowsaday burburkii dawladihii kacaanka (Somaliya) iyo Dhergigii (Itoobiya). Wuxuu curiyay maansooyin dhaadheer oo mawaadiic tiro badan uu midba mar uu mayracanaayo. Abwaanka, Sugaantiisu waxa ay u kala rogan tahay dhamaan qaybaha nolosha Aadamaha iyo dabeecadaha uu Alle Wayne dunida guud dhigay. isaga oo fanka fasiraya sheegayana sida uu hal-abuurka iyo hobolku u godlado mutida waxa uu yidhi “fanku male dumaaliyo, qabiil dacal dacaysga!!” kuma dararo hoboku, dirqiYo dacaydoo la jiiteee!!!!!!
  • Run ahaantii badwaynta baaca gunta dheer ee murtimeere Cabdixakiin Qiiq tiriyay waa abwaan waxsoosaarkiisu suugaaneed qaro balaadhan yahay hadday noqoto tiro ahaan, baaxad ahaan, nuxur ahaan iyo muuq wayni ahaan ba. suugaan summad iyo sawrac gaar ah leh, ayaa lagu xasuustaa, sillan sugantu waa baadi sooca koowaad ee aad kolkaaba ka dhex helayso tixahiisa

Maqashii duleeedada
faras meel la daaqdaaa
dirkii xiin finiinyo
darmaan bay ismoodaaa!!!!!!!!

  • Guud ahaan Fanku ujeedooyinka uu gudbiyo markasta waxa xukuma waayaha nolosha ee bulshada la nooshahay iyo ka dab-qaadashada dhacdooyinka hadba nolosha ku cusub. Wakhtigii Xukuumadii Cabdi Maxamuud Cumar Madaxwaynaha deegaanka ahaa ayaa waxa uu tacadiyo iyo gabood falo arxan daro ah kula kacay shacabkii isaga {Cabdi Ilay} oo dhagta dhiiga u daray dhamaan wixii mucaarid ku ahaa. Qiiq waxa uu ka dhiidhiyay xukunkii guracnaa ee Cabdi ilay waxa uu kala hor yimid diidmo qayaxan iyo in uu si kulul u mucaarido rijiimkii Cabdi. Abwaan qiiq waxa uu ahaa raggii ugu hor bilaabay kacaanka Dulmi-diid ee hadda guulaystay, Rabbi kuma simin in uu ka sii mid ahaad guulaystayaashaas.
  • Sideedaba suugaantu waa jidka ugu toosan ee ummad wax loogu sheegi karo. hubka ridada dheer ee suugaantu waxa ay ahayd gantaalaha dhaadheer ee aan kala joogsiga lahayn ee uu ku ganayay Cabdi Ilay. Suugaantii dulmidiidka ahaa ee uu alifi jiray ee uu bartiisa Facebook-ga ku soo baahini jiray waxa ay kentay in shacabkii baraarugo. kacaankii uu horkacayaasha u ahaa ugu dambayn waxa uu isugu biyo shubtay in la rido xukunkii Cabdi Maxamuud Cumar, xabsina loo taxaabo…………..

Cabixakiin Qiiq waxa uu alifay heeso badan oo shacbiyad iyo taageero badan helay sida heestii hore ee Astaanta Calanka Deegaanka, Heesta “Baradii cilmigee bariga afrikaay” ee ay qaado Farduusa VIP, Heesta “Daruur Subax Hoortay” ee uu Mursal Muuse Codkiisa libidhsan ku qaado, Heesta “Xasilooni” ee ay Nimco Dareen Riiq la’aanta ku qaado iyo hees kale oo badan…………….

Abwaan Qiiq nin caynkaasa buu ahaa, Illaahay naxariistuu Janni ha ka waraabiyo, halkaa ha inoogu joogto waa inoo qaybo ka mida suugaantiisa.

Fikirkaada Waa Muhiim